Doorashada Soomaaliya 2021: “Doorashada waxaa u sharraxan saraakiil ciidan loomana baahna inay is casilaan”

Qoraalka Codka, Taliyaha NISA, Yaasiin fareey ayaa loo diiwaangeliyay doorashada isagoo weli xilka haya

Guddiga doorashooyinka ee Soomaaliya ayaa sheegay in hal maalin loogu daray musharraxiinta doonaya inay isu diiwaangaliyaan kuraasta tartankooda la shaaciyay ee yaalla magaalooyinka Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Muqdisho.

Hadalkan ayaa waxa uu imanayaa xilli dad ku hammiyay inay u tartamaan qaar ka mid ah kuraastaasi ay sheegeen in laga hor istaagay inay isu diiwaangeliyaan tartanka.

Waxaa la isla dhex marayay in sharciga doorashada uu dhigayo inuusan isasoo sharrixi karin qof xil ka haya dowladda ilaa uu iska casilo saddex isbuuc ka hor xilliga isdiiwaan gelinta.

Taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya (NISA), Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaanno Yaasiin Fareey ayaa maanta la guddoonsiiyay warqadaha aqoonsiga musharraxnimo kaddib markii uu usoo sitaagay kursi xildhibaannimo.

Balse guddiga doorashada ayaa muujiyay in aysan ku dhaqmeynin xeer saraakiisha ka hor istaagaya xilalka doorashada.

Haddaba Axmed Aadan Dagaal (Safiina), oo ah afhayeenka guud ee doorashada dadban ee Soomaaliya, ayaa BBC-da u sheegay in doorashadan ay leedahay habraacyo lagu heshiiyay, cid walbana ay usoo istaagi karto.