Dhegeyso: Buuq iyo gacanqaad ka dhacay gudaha baarlamaanka federaalka
Kulamada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta dib u bilowday ayaa waxa hareeyay buuq iyo sawaxan kadib markii xildhibaanada qaar ayaa diideen in uu shirka gudoomiyo gudoomiye Aadan Madoobe, iyagoo sheegay in mooshin xil kaqaadis uu ka yaallo.
Gudoomiyaha ayaa ku adkeystay in uu shirka gudoomiye isagoo codsaday ajandaha maanta in la ansixiyo laakiin buuqii xildhibaanada qaar ayaa halkiisa ka sii socday, markii dambase waa lagu kala dareeray shirka.
Weriyaha BBC-da Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo si dhaw ula socday shirka Barlamaanka ayaa warbixintan inoo soo diray.










