Hirshabeelle oo sheegtay inay 'SODMA xiriirka u jartay'. Maxay hay'addu kaga jawaabtay

Xigashada Sawirka, SODMA
Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqday in ay jartay wadashaqeyntii kala dhexeysey Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee (SODMA) oo ay ku eedeeyeen "ku tagrifal gargaarka loogu talagalay shacabka Hirshabeelle".
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Hirshabeelle oo ku asteysnaa 25 May 2025, ayaa si gaar ah far ugu godday guddoonka hay'adda SODMA, oo ay sheegtay "in uusan matali karin danaha shacabka Hirshabeelle marka la eego howlaha la xiriira gargaarka iyo maareynta musiibooyinka".
Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo sababeyneysa go'aanka ay ku jartay xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhexeeyay Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Mohamud Macallim ayaa tiri "Go'aankan wuxuu salka ku hayaa is-faham la'aan joogto ah, ku tagrifal gargaarka loogu talagalay shacabka Hirshabelle, iyo hufnaan la'aan ka muuqata hab-maamulkii gargaarka".
Khilaafka soo kala dhex galay maamulka Hirshabeelle iyo SODMA ayaa sida muuqata salka ku haya tabashooyin maalmihii la soo dhaafay ka soo yeerayey mas'uuliyiin ka tirsan gobolka Hiiraan oo si weyn u saluugay shixnad dawo ah oo ay hay'addu geysay deegaanka Moqokori, taas oo ka careysiisay madax uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye.
Shixnada ay hay'adda geysay degmada Moqokori ayey ku sheegtay in lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda ee dagaalka kula jira Al-shabaab.
Mas'uuliyiin ka socotay baarlamaanka Soomaaliya, wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaana joogay markii halkaas la geynayay sahayda dawada.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka hadlay goobta dawada la geeyay ayaa dhaliilay tirada sahayda isagoo sheegay in dhowr kartoon oo dawo ah aysan u cuntamin dadka deegaanka.
"Dadka meeshaan jooga ma ahan in Hay'adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka, ay dhowrkaas kartoon ee ay u keetnay ka guddoomaan, sacbiyaan, dabeedna aan ku qanacno, managa suuragaleyso" ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad.
Hadalkaas ayaa u muuqday mid muujinaya in aan lagu qancin sahayda dawada ay hadda keentay gobolka.
Muuqaal kale oo sahayda dawada laga duubay kaas oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu arkayay nin sharraxaya tirada dawada inta ay la eg tahay isagoo mid mid uga soo saaraya dawo ku jirtay kaartoomo hor yaallay.

Xigashada Sawirka, SODMA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hay'adda Maareeynta Musiibooyinka oo ka hadashay eedaha loo soo jeediyay ayaa sheegtay in sidaas aysan waxba u jirin.
Agaasimaha caafimaadka Hay'adda Maareeynta Musiibooyinka, Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed oo ka jawaabayay eedaha ayaa sheegay in ujeedka ay u tageen degmada uu ahaa sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen xaaladda bani'aadamnimo iyo midda nololeed ee ka jirta deegaanadaas.
"Safarkeena ujeedkiisu wuxuu ahaa qiimeyn aan ku soo sameyneynay xaaladaha bani'aadannimo, in aan marka hore ogaano xaaladda dadka Soomaaliyeed ee meeshaas ku dhaqan, adeegyada ay haystaan iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin".
Dr. Cabdullaahi oo BBC-da la hadlay wuxuu sheegay in qaadista shixnada ay ku timid in wafdiga u socday degmada la sii raaciyo shixnad wax u tareysa dadka deegaanka.
"Si looga faa'iideysto safarka guddoomiyaha, waaxda caafimaadka ee hay'adda waxay diyaarisay shixnad daawo ah oo lagu qaadayo labo diyaaradood oo Helikopter ah oo ay leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya".
Dr. Cabdullaahi oo ka jawaabayay waxa ay ka koobneyd shixnadda la geeyay degmada ayaa sheegay in aysan yaraan gelin wixii la geeyay degmada.
"Tirada dawada ma yareyn, waxyaabaha la sheegayo iyo waxyaabaha kutiri-kuteenta ah oo dad dana gaar ah leh ka shaqeynayaan, waxba kama jiraan" ayuu yiri Dr Cabdullaahi oo intaa ku daray "maamulka diyaaradahaas ayaa nagu wargaliyey in xamuulka diyaarad kasta qaadi karto ay tahay labo tan. Hal tan oo ka mid ah waa shidaal, halka tanka kale ee soo haray loo qaybiyay dawada iyo rakaabka".
Dr. Cabdullahi wuxuu sheegay in madaxda diyaaradda ay ku wargeliyeen mugga ay qaadi karaan diyaaradahooda.
"Injineerada iyo khubarada diyaaradahaas maamula waxay noo sheegeen in aysan isku qaadi karin tan aad u badan iyo shidaalka ku jira iyo mid ka dheeri ah maadaama halka ay tageyso aysan laheyn garoon shidaalka laga qaato".
Agaasimaha wuxuu kaloo sheegay in dawada ay geeyeen degmada ay isugu jirtay waxyaabaha deegaan dhib soo maray uu u baahan yahay.
"Deeqda aan meesha geynay waa deeq ku filan shacbigaas Soomaaliyeed oo muddo saddex bilood ah ay isticmaali karaan oo wax u tareysa" ayuu yiri Dr. Cabdullahi oo intaas ku daray, "waxaan caawinnaa qof kasta oo dhiban oo dhibaato haysato, dawooyinka aan qaadnay waa kuwa intaas xiriir la leh, haddii ay noqon laheyd kuwa degdegga iyo kuwa hooyada iyo dhallaanka".
SODMA ayaa soo bandhigtay liiska noocyada dawooyinka ay deegaannadaas geeyeen iyo tiradooda.













