Maxay tahay masiibada looga digayo qaar kamid ah magaalooyinka Soomaalida?

Wiil yar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dowladda Soomaaliya iyo hay'addo caalami ah ayaa ka digaya masiibo kusoo socota shan magaalo oo Soomaaliyeed, oo ay ku nool yihiin dad badan.

Magaalooyinkaas oo u badan kuwa teedsan xeebaha ayaa qaarkood horey waxaa uga dhacay masiibooyin la mid ah kuwa laga digayo.

Magaalooyinkaas ayaa ku kala yaala Somaliland, iyo kuwa Koonfur Soomaaliya dhaca. Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland wax war ah kama aysan soo saarin iyadu arrinkan.

Laakiin Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool koonfurta dalka, iyadoo uga digtay khatarta duufaanta ElNino ee ka dhalan karta roobabka xooggan ee la filayo.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in saadaasha hawada ay muujinayso koror xooggan oo ah xaddiga roobka, kaasoo keeni kara khasaare naf iyo maalba leh.

Maxaan ka ognahay duufaanta El Niño ee ay dowladdu ka digtay?

El Niño waa qaab cimilo oo qeexaysa kulaylka aan caadiga ahayn ee biyaha dusha sare. El Niño waxay saameyn ku leedahay heerkulka badda, xawaaraha iyo xoogga qulqulka badda. Dhacdooyinka El Niño waxay u dhacaan si aan joogto ahayn ama labo ilaa todoba sano gudahood. Waxa ay kalluumaysatada xeebaha Peru u aqoonsadeen in ay u egtahay biyo diirran oo aan caadi ahayn.

Magaalooyinka ay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Soomaaliya digniinta kasoo saartay ayaa waxa ay gaarayaan ilaa shan magaalo xeebeed oo ay kamid yihiin, Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo.

Waa sidee magaalooyinkaan iyo cimiladooda?

Boosaaso

Boosaaso, waa magaalo taariikh ahaan loo yaqaan Bender Qassim, waa magaalo ku taal waqooyiga bari ee gobolka Bari Soomaaliya. Dawladda hoose waxay u adeegsataa sidii magaalo madaxda ganacsiga ee gobolka, waxayna leedahay deked weyn oo ay maamusho Puntland.

Boosaaso waxay leedahay cimilo kulul. Waxay leedahay kuleyl huur ah. Celceliska heerkulka maalinlaha ah ee sanadka oo dhan waa 30 °C. Celceliska heerkulka sare ee dambe ayaa ugu sarreeya bilaha xagaaga ee Juun ilaa Agoosto.

Waa magaalo qadiimi ah waxa ay haatan ku jirtaa magaalooyinka ay dowladda Soomaaliya sheegtay ee khatarta ugu jira duufaanta El Niño.

Elnino

Xigashada Sawirka, NOAA/SCIENCE PHOTO LIBRARY

Berbera

Berbera waa magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Somaliland, waana magaalo leh deked aad u weyn. Berbera waa magaalo xeebeed waxayna ahayd caasimadii hore ee gumaystihii British-ka ee Somaliland.

Magaaladaan qadiimiga ah ayaa leh cimilo kulul. Waxay leedahay xagaa aad u dheer iyo jiilaal gaaban oo kulul, iyo sidoo kale roobab aad u yar. Celceliska heerkulka sare wuxuu si joogto ah uga sarreeyaa 40 °C inta lagu jiro ku dhawaad afar bilood ee xilliga xagaagaee June, July, Agoosto iyo Sebtembar.

Waa magaalo uu ganacsigeeda aad u kala socdo marka loo eego dekedda iyo alaabaha kasoo dega sidoo kale waxa ay kamid tahay magaalooyinka haatan looga digay khatarta El Niño.

Kismayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sidoo kale hadda waxa ay ku magacaabantahay magaalo madaxda kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Magaaladu waxa ay 528 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan tahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyada oo u dhow afka webiga Jubba, halkaas oo ay biyuhu u maraan badweynta Hindiya.

Kismaayo waxay leedahay cimilo kulul, in kasta oo ay hesho ku dhawaad 375 milimitir ama 15 inji oo roob ah sannadkii, waxaa ugu wacan uumi-baxa aadka u sarreeya. Cimiladu waa mid kulul sanadka oo dhan. Roobabka gu'ga, waxay billowdaan Abriil waxayna dhammaadaan ilaa Luulyo iyagoo soo saara biyo nadiif ah oo muhiim ah waxayna sameeyaan dhir cagaraan walow hadda dalka oo dhan ay ka jirto roob yari iyo xilliyo badan oo aan roob la helin.

Elnino

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasaaraddu waxay ugu baaqday hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka inay si dhow ula socdaan xaaladda, ayna u diyaar garoobaan saamaynta ka dhalan karta fatahaadaha ka dhasha roobabka la filayo inay dalka ka da’aan.

Digniinta wasaaradda kadib waxa aan qadka taleefanka kula xiriirnay Khadar Sheikh Maxamed agaasimaha waaxda maareynta khataraha musiibooyinka ee hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka iyadoo aan wax ka weydiinnay digniinta soo baxday diyaar garowgooda ka hay’ad ahaaneed.

Agaasimaha oo ka hadlaya qorshaha hay’adda uga aadan digniintan ayaa yiri: “qorshaha aan ilaa iyo haatan dejinnay marka lagasoo bilaabo bishii juun ayaa ah in kahor inta arrinku uusan dhicin in jawaab laga bixiyo oo dadka lagasii daad gureeyo, ELnino waxa ay sababeysaa fatahaado waliba marka ay da’aan roobabka mahiigaanka ah”.

isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri" ELNino ma ahn duufaanno ee waa fatahaado ay sababaaan roobabka mahiigaanka ah waana dhacdo cimileed caadi ah, meelaha ugu daran ee ay saameynta ku yeelan doonto ayaa waxaa kamida deegaannada dhaca wabiga jiinkiisa, dadka halkaasi ku noolna waxa aan ugu tala galnay in aan usii diyaarinno wixii agab ah ee ay u baahanyihiin maadaama ay dhici karto jid gooyooyin badan".

Elnino

Xigashada Sawirka, Google