Sababta sigaarka dalkan lagu gado uu uga raqiisan yahay cuntada

Tobacco.ir

Xigashada Sawirka, Tobacco.ir

Labo sano ka hor sigaarka Iran lagu sameeyay wuxuu gaaray qiimahiisu 71.65 bilyan. Dhammaan sigaarkaas waxaa lagu isticmaalay gudaha dalka. Tiradaas waxay muujineysaa in dalabka sigaarka ee gudaha dalka uu kordhay.

Sanadkii 2011-kii sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaarada ganacsiga, isticmaalka sigaarka Iran waxa uu gaarayay 63 bilyan. Wax-soo-saarka tubaakada Iran waxa uu ahaa mid hal shirkad ay sameyso kana ganacsato.

Shirkadaha shisheeye sida tan British American Tobacco oo gudaha Iran looga yaqaan BVT iyo tan Japan waxay suuqa Iran ku soo galeen ogolaanshaha dowladda. Markii hore shirkadahan dibadda ayey badeecadooda ka keeni jireen halka markii dambe ay bilaabeen in ay sameeyaan kuwa magacooda wata.

Inkastoo shirkadaha sameeya sigaarka ee Iran ay saamiyadooda hoos u dhaceen, haddana waxay ka mid yihiin kuwa ugu waaweyn ee wax-soo-saarka dalka. In ka badan 95 boqolkiiba shirkadaha waxaa leh shaqsiyaad dowladda isbahaysi la ah. Dowaldda Iran si toos ah iyo si dad badan ayey ugu lug leedahay wax-soo-saarka sigaarka dalka.

Sida laga soo xigtay xarunta cilmibaarista Majlis, GTI oo kaliya ayaa haysata 50 boqolkiiba suuqa. Marka laysku daro labada shirkadooda ee shisheeye, waxay leeyihiin ku dhawaad 70 boqolkiiba saamiyada suuqa sigaarka ee dalka.

Iran waxaa ka hadda ka shaqeeya 22 shirkadooda oo sigaarka sameysa. Sida lagu qiyaasay qiimaha sigaarka Iran waxa uu gaarayaa 70 tirilyan oo lacagta dalkas ah iyadoo dadka caba sigaarka lagu qiyaasay 20 milyan.

Sigaarka sida rasmiga lagu soo geliyo Iran iyo kan qarsoodiga ayaa istaagay sanooyin badan.

sigaar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cabista Sigaarka

Warbixin ay soo saartay Atlas NCD ayaa lagu sheegay in tiro badan oo reer Iran ah ay cabaan sigaarka. Ragga caba sigaarka waxay ka badan yihiin 26 boqolkiiba halka dumarka ay wax yar ka badan yihiin 21 boqolkiiba. Celicelis ahaan qofkii wuxuu cabaa maalintii 13 sigaar.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sid laga soo xigtay cilmibaaris ay sameysya wasaarada caafimaadka Iran, gobolada Yazd, Ilam, Bushehr, Tehran, Semnan, iyo Kurdistan ayaa ah kuwa ugu badan ee isgaarka laga cabo halka gobolada waqooyiga ee Khorasan, Chaharmahal, Bakhtiari, Sistan, Baluchestan, iyo Zanjan laga diwaangeliyay in ay yihiin kuwa ugu yar ee laga cabo sigaarka.

Cabista shiishada ayaa sidoo kale korortay gaar ahaan dhallinyarada gobolada qaar. Intii u dhexeysay sanadihii 2016 ilaa iyo 2019-kii cabista shiishada waxay kororta 54 boqolkiiba iyadoo tirada guud ee sigaar cabista ragga iyo dumarka ay korortay.

Sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka Iran dadka ugu badan ee sigaarka iyo shiishada caba waa dadka saboolka ah.

Inkastoo la soo rogay qeynuuno lagu xadidayo sigaarka Iran hadana ilaa iyo sanadkii 2006-dii cadeymaha waxay muujinayaan in sharcigan uusan si guul leh u yareynin isticmaalka sigaarka iyo shiishada.

Marka la barbardhigo dalalka kale ee gobolka, Iran waa dalka shiishada ugu badan ay cabaan dhallinyaradooda. Cilmibaarisyo madaxbannaan aya ku qiyaasay in ardyada jaamacadaha 25 boqolkiiba isticmaalaan shiishada. Dalalka dariska la ah sida Turkiga ayaa yareeyay isticmaalka iyagoo saaray canshuur badan.

Kororka isticmaalka cabsita tubaakada waxaa ka hadlay wasaarada caafimaadka balse siyaasadaha wasaarada waxaa xoogga lagu saaray wax-soo-saarka halkii awooda la saari lahaa xakameynta isticmaalka.

sigaar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Noocyada Tubaakada

Sanadihii la soo dhaafay meelaha laga tabci jiray tubaakada waxay hoos u dhaceen in ka badan 20-kun oo hektar balse waxaa kordhay wax-soo-saarka unug kasta si waxtar leh.

Khubarada xarunta cilmibaarista Majlis waxay aaminsan yihiin in kororkaas uu la xiriiro in la tacbay dhulka ugu wax-soo-saarka badan. Gobolada Golestan, Mazandaran, Kurdistan, Gilan, iyo West Azerbaijan ayaa ah goobaha ugu waa weyn ee tubaakada laga soo saaro

Cuntada ayaa yaraatay, waxaa kordhay cabsita sigaarka

cunto

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sanadihii la soo dhaafay shirkadaha Iran waxa soo food saaray sicir barbar aad u daran iyo culeys dhinac cunaqabteynta ah taas oo keentay in qiimaha badeecadaha ay si weyn kor ugu kacaan.

Qiimaha badeecadaha oo kordhay waxay keentay in isticmaalka alaabaha qaar ay yaraadaan.

Warbixin uu soo saaray bangiga dhexe sanadkii 2013-kii waxay muujineysaa in isticmaalka cuntada sida bariiska, hilibka, kalluunka iyo caanaha ayaa hoos u dhaceen tobankii sano ee la soo dhaafay.

Qiimaha cuntada oo kordhay waxay qoysaska ku qasbanaadeen in ay yareeyaan cunista cuntooyinka nafaqada leh, waxaana kordhay cabista sigaarka iyo shiishadaha maadama qiimahooda ay awoodaan.