Putin: "Ruushku hab militari ayuu ku gaari doonaa dhammaan yoolashiisa haddii Ukraine aysan oogolaan heshiis"

Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in Ruushku uu diyaar u yahay inuu dagaalka sii wado si uu u gaaro dhammaan yoolashiisa, haddii Ukraine aysan oggolaan heshiis.
Wuxuu hadalkan ka sheegay Shiinaha kadib markii uu ka qeyb galay dabaaldeg milatari oo weyn, taasoo loo arkay fariin toos ah oo liddi ku ah Donald Trump iyo nidaamka caalamiga ah ee Mareykankau hoggaamiyo.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa isku dayay inuu ku qanciyo Putin inuu joojiyo dagaalka, balse hogaamiyaha Ruushka – inkasta oo uu ammaanay "rabitaanka daacadda ah" ee Trump – weli kama uusan tanaasulin mowqifkiisa.
Xilli uu booqasho ku joogay magaalada Kyiv, Wasiirka Difaaca ee UK, John Healey, waxaa uu BBC-da u sheegay in Trump uu Putin miiska wadahadalka keenay, isla markaana uusan meesha ka saarin inuu sii kordhiyo cadaadiska lagu saarayo Ruushka.
Wuxuu sheegay in dalal kale sida UK ay diyaar u yihiin "inay culeys dhaqaale oo dheeraad ah saaraan Putin… iyo inay taageero dheeraad ah siiyaan Ukraine si ay u sii wadaan dagaalka."
Bishii la soo dhaafay, Trump ayaa Putin ka soo saaray go'doonkii caalamiga ahaa, kadib markii uu kulan kula yeeshay Alaska.
Trump sidoo kale wuxuu isku dayay inuu ku qanciyo Putin inuu la kulmo Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky.
"Marna ma aanan diidin suurtagalnimada kulan noocaas ah. Laakiin wax faa'iido ah ma leeyahay? Aan aragno," ayuu yiri Putin Arbacadii.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu intaas ku daray in kulan ceynkaas ah uu u baahan yahay diyaar-garow dhab ah si natiijo looga gaaro, wuxuuna sheegay in Zelensky uu mar walba imaan karo Moscow si uu ula kulmo, taasoo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ukraine uu si degdeg ah u sheegay inay tahay "mid si ula kac ah aan la aqbali karin."
Madaxweynaha Ukraine ayaa marar badan iftiimiyay diidmada Putin ee kulanka, isagoo taas u adeegsaday inuu ku cadaadiyo Trump inuu cunaqabatayn kusii adkeeyo Ruushka isla markaana uu xoojiyo difaaca Ukraine.
Ruushka ayaa weerar milatari oo buuxa ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022-kii.
Trump oo markale hadlay Arbacadii ayaa sheegay in hogaamiyaha Ruushka uu "si fiican u ogyahay mowqifkayga" la xiriira dhammaadka dagaalka.
"Fariin uma hayo Madaxweyne Putin. Wuu ogyahay meesha aan ka taaganahay, wuuna gaari doonaa go'aan, si kale ah," ayuu u sheegay suxufiyiinta isaga oo ku sugnaa Aqalka Cad, halkaas oo uu ku qaabilayay Madaxweynaha cusub ee Poland, Karol Nawrocki.
Trump ayaa caro ka muujiyay su'aal weriye weydiiyay taasoo ku saabsanayd inaysan jirin tallaabooyin muuqda oo uu ka qaaday Ruushka. Wuxuu tusaale u soo qaatay cunaqabatayn lagu saaray Hindiya iyadoo lagu sababeynayo ka iibsiga shidaalka Ruushka.
"Adigu taas miyaad ku tilmaamaysaa wax aan ficil ahayn? Mana aanan bilaabin wejiga labaad iyo wejiga saddexaad weli," ayuu raaciyay Trump, isagoo aan faahfaahin ka bixin.

Xigashada Sawirka, Reuters
Wariyaha telefishinka dowladda Ruushka ee jooga magaalada Beijing ayaa weydiiyay madaxweynaha Ruushka su'aal ahayd in dagaalka Ukraine uu dhamaan karo dhowaan. Madaxweynaha Ruushka ayaa ku jawaabay in "iftiin uu ka muuqdo dhamaadka godka".
Putin wuxuu yiri:
"Aniga waxay ila tahay in haddii garasho guud la adeegsado, ay suuragal noqon karto in xal la isku raacsan yahay laga gaaro dagaalkan. Haddii kale, waxaa khasab nagu noqon doonta inaan dhammaan waajibka naga saaran ku xallinno hab militari ."
Si kastaba, wuxuu carabka ku adkeeyay in Ruushku uusan ka tanaasuli doonin gobolka Donbas ee bariga Ukraine oo ciidamadiisu qabsadeen.
Madaxweynaha Ruushka ayaa mar kale ku celiyay dalabkiisa ah in Ukraine aysan raadinin inay ku biirto NATO, iyo in la joojiyo waxa uu ugu yeeray "takoor loo geysto dadka Ruushka ah ee asal ahaan kasoo jeeda Ukraine" – taas oo ahayd mid ka mid ah mar-marsiiyaha uu Ruushku u adeegsaday duullaanka.
Putin sidoo kale wuxuu tilmaamay in dammaanad-qaadyada amni ee reer Galbeedka la filayo in laga wada hadlo haddii heshiis nabadeed la gaaro, aysana khuseyn doonin gobollada uu dalkisiu haysto, kuwaas oo uu sheegay in dadkooda ay doorteen inay ku biiraan Ruushka – isagoo u jeeday aftidii la' qabtay kadib markay Ruushku ku darsadeen dhulkaas, taasoo si weyn loo cambaareeyay caalamka.
Putin wuxuu kulan kula yeeshay hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un magaalada Beijing. Kadib kulankaas, Kim wuxuu sheegay in Waqooyiga Kuuriya ay si buuxda u taageereyso ciidanka Ruushka "iyagoo gudanaya waajibaad walaaltinimo".
Warbaahinta dowladda Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in Putin uu uga mahadceliyay Kim taageerada ciidamo ee uu ka siiyay dagaalka Ukraine, isla markaana uu ku tilmaamay xiriirka labada dal mid "gaar ah oo ku saleysan kalsooni, saaxiibtinimo iyo isbahaysi."

Xigashada Sawirka, Dmitry Vlasov
Khamiista manata ah, Madaxweynaha Faransiiska ayaa martigelin doona kulan ka tirsan koox la yiraahdo "Coalition of the Willing" — waa koox isbahaysi ah oo taageerta Ukraine.
Sida laga soo xigtay ilo ku sugan xafiiska Élysée ee Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, kooxdan ayaa doonaysa inay hesho taageerada Mareykanka si loo ballaariyo dammaanad qaadka amniga ee Ukraine — sidoo kale waxay rabaan in la helo xabbad-joojin uu Ruushku aqbalo.
Donald Trump, ayaa la sheegay inuu cadaadis saaray Madaxweyne Putin si uu u aqbalo xabbad-joojin intii lagu guda jiray shirkii ay ku yeesheen Alaska bishii hore, hase yeeshee wuxuu kasoo baxay kulanka isagoo sheegay in heshiis nabadeed la raadiyo uu yahay waddada ugu wanaagsan ee lagu soo afjari karo dagaalka.
Putin ayaa diiday baaqyada xabbad-joojinta, waxaana ciidamada Ruushka ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan magaalooyinka Ukraine. Habeenimadii Arbacada oo kaliya, in ka badan 500 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) iyo 24 gantaalaha cruise-ka ah ayaa lagu weeraray Ukarine.
Wasiirka difaaca ee UK ayaa u sheegay BBC-da in marka heshiis nabadeed la gaaro, UK iyo in ka badan 30 dal oo kale ay gacan ka geysan doonaan sidii loo sugi lahaa ammaanka cirka, badda, iyo dhulka Ukraine.
John Healey ayaa yiri:
"Waxaan go'aansanay inaan hubinno in intaan la gaarin heshiiskaas nabadeed aanan hilmaamin dagaalka, waana sababta aan u kordhinay taageerada militari ee Ukraine."
"Waxaan maanta ansixinay 1.24 bilyan oo doollar taas oo loo beddelay gargaar militari iyo qalab loo dirayo Ukraine".













