Ma dhammaadkii doolarkaa la joogaa? Muxuu u daciifayaa, muxuuse sidaa u doonayaa Trump?

Qiimaha doolarka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bishii Juun, doolarka waxa uu lumiyay 11 boqolkiiba qiimahiisa marka la barbardhigo geniga istarliinka, lacagta Japan, doolarka Canada, lacagta Sweden, lacagta Swiss-ka iyo tan midwoga Yurub.

Doolarka hore hoos wuu ugu dhacay, balse markan waxa ay ku soo aaday arrimo kale oo dhaqaale oo welwel leh. Maalgashato badan, falanqeeyayaal dhaqaale iyo bangiyada ayaa su'aalo ka keenay awoodda doolarka Mareykanka.

Hal arrin oo laga walaaco ayaa ah lacagaha shisheeye ee lagala baxayo Mareykanka iyo sidoo kale dhaliisha sida Mareykanka ugu isticmaalo in uu ku cunaqabateeyo dalalka ay siyaasadda isaga soo horjeedaan.

Canshuuraha maamulka Trump iyo sidoo kale wararka sheegaya in Aqalka Cad uu doonayo in uu daciifiyo doolarka si kor loogu qaado warshadaha Mareykanka ayaa baahday.

Kuwa kale ayaa u arka in suuqyada ay doonayaan hab kale ama lacag kale oo gasha booska tan Mareykanka.

Doolarka waxa uu noqday lacag caalami ah kaddib dagaalkii labaad ee adduunka. Wixii markaa ka dambeeyey waxa uu ahaa lacag adduunka si weyn looga isticmaalo oo wax lagu kala iibsado. Nidaamka adduunka uu wax ku kala gato kaas oo isku xira in ka badan 11kun oo hay'ado lacageed kuwaas oo laga isticmaalo dalal ka badan 200 oo doolarka adeegsada.

Su'aasha waxa ay tahay intee le'eg tahay aaminad xumada laga qabo doolarka? Waa sidee aragtida dadka saadaalinaya mustaqbalka doolarka?

Saamiga doolarka ee sarifka

Warbixin bishii Juun ay daabacday shirkadda JPMorgan Chase & Co. ayaa tilmaantay dhowr qodob oo khatar ku ah in doolarku sii ahaado lacagta ugu awooda badan adduunka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tan koowaad ayaa ah hoos u dhaca saamiga doolarka ee keydadka caalamiga. Sida ay sheegtay hay'ada lacagta adduuna ee IMF, keydka sarifka guud ee adduunka waxa uu ahaa 12 tirilyan oo doolar ah bishii Maarso ee sanadkan 2025. 57 boqolkiiba waa doolar, hadii si kale loo dhaho weli doolarka wuu xoogan yahay. Balse horraantii 2000 saamiga waxa uu ahaa 70 boqolkiiba.

Nidaamka lacagta Shiinaha renminbi ayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay labanlaabmay. Keydka lacagta Shiinaha adduunka waa 2 boqolkiiba.

Khubaradu waxay sheegayan in isbaddelka weyn ee doolarka looga baxayo dhanka sarifka ay ka timid baahida loo qabo dahabka kaas oo loo arko wax badali kara doolarka. Dahabka hadda waxa uu adduunka ka joogaa 9 boqolkiiba keyda sarifka.

Falanqeeyayaasha waxay sheegayaan in doolarka uu sii luminayo kaalintiisa marka lakala gadanayo badeecadaha gaar ahaan tamarta.

Ruushka oo la saaray cunaqabateyn waxa uu isticmalaa lacagtiisa si uu u dhoofiyo shidaalka. Dalalka India, Shiinaha, Brazil, Thailand iyo Indonesia waxay shidaalka Ruushka ku iibsadaan qiimo jaban iyo lacagahooda.

Hoos u dhaca doolarka iyo suuqyda

Doolarka Mareykanka ayaa gaaray heerkii ugu liidatay laga soo bilaabo 1973-dii. Khubaradu waxay saadaalinayaan in uu sii luminayo qiimihiisa ilaa iyo 10 boqolkiiba marka la gaaro sanadka 2026.

Suuqyada saamiyada Mareykanka ayaa gaaray halkii ugu hooseysya ilaa iyo markii uu dilaacay Covid 19.

Dhammaan arrimahan oo dhan waxay dhaceen markii uu madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay canshuura aan hore loo arag.

Trump wuxuu bishii April ku dhawaaqay in 10 boqolkiiba canshuur uu saarayo dhammaan badeecadaha loo soo dhoofiyo Mareykanka. Go'aankaas dhowr jeer ayaa dib loo dhigay iyadoo canshuuro cusubna la saarayay dalalka qaar.

Maxay tahay sababta kalsoonida doolarka ay hoos ugu dhaceyso?

Sida khubaradu sheegayaan canshuuraha cusub ee dowladda Mareykanka soo rogtay ma ahan oo kaliya waxa keenaya in aaminaada doolarka ay hoos u dhacdo.

Robert McCully oo ka tirsan jaamacada Boston ayaa qaba sida ay dowladda Mareykanka ugu isticmaasho doolarka siyaasad ahaan si ay ugu ciqaabto dalalka ay tahay sababta ugu weyn uu hoos ugu dhacay kalsoonida maalgashatada.

Dalalka, shirkadaha, bangiyada iyo shaqsiyaadka Mareykanka uu saaray cunaqabateynta waxaa laga wada saaray nidaamka lacagaha caalamiga.

Ruushka ayaa ka mid ah dalalka ay taas ku dahcday kaddib markii ay ku duuleen Ukraine.

Sida uu sheegayo khabiirka, cunaqabataynada noocan ah waxay dhiirigelinayaan in ay la helo hab looga fogaado doolarka.

Madaxweyne Donald Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Arrinta kale ee laga dhawaajiyay ayaa ah hoos u dhaca maaliyadeed dalalka horumaray ee sanadihii u dambeeyay.

Mareykanka sanadkii hore ee 2024 deynta lagu lahaa dowlada federalka waxay aheyd $35.46 oo tirilyan.

Waxaa jira walaac ay qabaan maalgashatada kaas oo ku saabsan in uu jiro cadaadis doolarka daciifinaya. Qaar ka mid ah dhaqaaleyahanada waxay aaminsan yihiin in Mareykanka uu doonayo in uu waxa dhoofiyo oo ay tartanka soo galaan.

Keydka federalka Mareykanka waxaa uu dib u dhigay dhimista dulsaarka iyagoo sheegay in ay ka walaacsan yihiin canshuuraha Trump.

Dhinaca kale, Trump waxaa lagu eedeeyay in uu faragelin ku sameynayo bangiga dhexe isagoo ugu hanjabay in uu eryayo Jerome Powell.

Si kasta oo ay u jiraan caqabadahaas, haddana waxay khubaradu isku raaceen in doolarka weli uu yahay lacagta ugu awooda badan adduunka ee wax lagu kala iibsado maadaama aysan jirin lacag kale oo badelikarta xitaa hadii lagu daro xisaabta lacagta Shiinaha ee Yuan-ka.