Xiisada Ukraine: Waddammada reer Galbeedka oo qaaday tallaabo dhabarjab ku noqon doonta Ruuhka

Xigashada Sawirka, EPA
Midowga Yurub, Maraykanka iyo xulafadooda ayaa ku heshiiyey in tiro ka mid ah bangiyada Ruushka laga jaro nidaamka lacag-bixinta caalamiga ah ee Swift, taas oo la'aantood aysan bangiyada adduunka lacag u xawili karin bangi kale amase aysan macaamil ganacsi la samayn karin cid kale. Hantida bangiga dhexe ee Ruushka ayaa sidoo kale la xayiri doonaa, taasoo xaddidaysa awoodda Ruushka ee helitaanka kaydka dibadda.
Ujeedada ayaa ah in "in la go'doomiyo nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah ee Ruushka", sida lagu yidhi lagu yiri bayaan wadajir ah oo ka oo baxay. Ruushka ayaa si weyn ugu tiirsan nidaamka Swift, siiba kaas oo muhiim ah u ah dhoofinta saliidda iyo gaaska.
Cunaqabateynta wadajirka ah ayaa ah tii ugu adkeyd ee ilaa hadda lagu soo rogo Ruushka tan iyo intii uu duullaanka ku qaaday Ukraine.
Swift, ama "Society for Worldwide Interbank Financial Telecommunication", waa nidaam ammaan ah oo suurageliya in si degdeg ah, la isugu gudbiyo lacag-bixinnada adduunka ee xuduudaha ka gudba, kaas oo awood gaar ah siinaya ganacsiga caalamiga ah.
Iyada oo fadhigeedu yahay Beljamka, waxay uu fududeeyaa wax kala iibsiga ka dhexeeya in ka badan 11,000 oo ah bangiyada iyo hay'adaha maaliyadeed ee adduunka oo dhan.
Waxa uu door muhiim ah ka ciyaartaa taageeridda dhaqaalaha caalamka, laakiin ma laha awood ay ku qaadato go'aannada cunaqabataynta lafteeda. Bangiyada ay saamaysay waa "dhammaan kuwii ay horay u cunaqabateeyeen beesha caalamka, iyo sidoo kale hay'adaha kale e la halmaala, haddii loo baahdo," ayuu yidhi afhayeenka Jarmalku. Ka saarida bangiyada Swift waxaa loo arkaa inay tahay xannibaad daran sababta oo ah ku dhawaad dhammaan bangiyada ayaa isticmaala nidaamka.
Tallaabooyinkan waxaa isku raacay Mareykanka, UK, Yurub iyo Kanada.
Halista ku aaddan in dalalka ugu awoodda badan ay isku dhacaan
Madaxweyne Joe Biden waxa uu dadaallo aad u xooggan oo dhanka diblomaasiyadda ah u sameeyay si uu uga hortago farogelin uu Ruushka ku sameeyo Ukraine. Maamulkiisu waxay digniino aad u clus ka jeedinayeen in Ruushka uu xoog ku gali rabo dalkaas - taasoo run noqotay - waxa ayna ku dhawaaqeen in tallaabadaasi ay khatar gelineyso xaaladda guud ee caalamka.
Balse Mr Biden waxa uu sidoo kale caddeeyay in Mareykanku aysan dooneynin in uu dagaal galo, inkastoo ay sida cad ay Ruushka diyaar u yihiin dagaal.
Intaas waxaa sii dheer in Biden uu meesha ka saaray inuu ciidamo Mareykan ah u dirayo Ukraine si ay usoo badbaadiyaan muwaadiniinta Mareykanka ah, haddii ay xaaladdu heerkaas gaadho. Waxaa uu xitaa soo bixiyay la taliyeyaashii militeriga Mareykanka ee ku sugnaa Ukraine iyo kormeerayaashiiba.
Haddaba muxuu xariiqinta casaanka ah u mariyay arrintan ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda ee ugu saameynta badneyd xilliga uu madaxweynaha yahay.
Taasi waa meesha ugu dambeysa - Putin waxaa bakhaar uga buuxa madaxyada hubka nuclear-ka.
Biden ma doonayo in uu kiciyo "Dagaalka Adduunka ugu weyn" taasoo ah in ay si toos ah Ukraine ugu dagaallamaan Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ruushka, taasina mar walba wuu caddeynayay.
"Tani lama mid aha sida inaan la tacaaleyno koox argagixiso ah," ayuu madaxweynaha ku yidhi wareysi uu horaantii bishan siiyay warbaahinta NBC. "Waxaan la tacaaleynaa mid ka mid ah waddamada ugu awoodda badan caalamka. Arrintani waa xaalad aad u adag, wax kasta si deg deg ah ayay isu baddali karaan."











