Maxay waddadan Hargeysa ku taal uga shilal badan tahay waddooyinka kale?

Waddada Labada-boqol

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada- Facebook

    • Author, Saleebaan Saxansaxo
    • Role, Weriye
    • Reporting from, Hargeysa

Shilalka gaadiidka ee sababay dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhaca Jidka Labada-Boqol ee dhinaca Waqooyi ka mara Magaalada Hargeysa, ayaa kordhay toddobaadyadii u dambeeyey, waxaana labadii toddobaad ee ina dhaafay ku dhintay afar qof oo uu ka mid ahaa Fannaankii da'da yaraa ee Safwaan Xasan Aadan (Safwaan Halac). Kaas oo geeridiisu baraha bulshada gilgishay.

Jidkan Labada boqol oo ah mid dherarkiisu dhan yahay 16 KM, ayaa dhinaca waqooyi ka mara Magaalada Hargeysa, waxa aanu qayb ka yahay jidka dheer ee xidhiidhiya Hargeysa iyo Berbera, iyada oo laga leexiyey gudaha magaalada, si uu saxmadda uga qaado waddooyinka Magaalada dhex mara.

Jidkan oo dhismihiisa ay iska kaashadeen Dawladdaha Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta, waxa kordhay tan iyo markii la furay laba sanno ka hor shilalka ka dhaca jidkan, gaar ahaan xilliyada habeenkii.

Labadii toddobaad ee u dambeeyey waxa ku dhintay afar qof oo uu ku jiro Fannaan Safwaan Halac, oo shalay Hargeysa lagu aasay iyo saddex kale dhalinyaro ah.

Hoggaanka Nabad gelyada Waddooyinka ee Somaliland Maxamed Cige Cidheere, oo la hadlay BBC-da, ayaa ku sheegay sababta keentay shilalka gaadiidka ee ku soo noqnoqday jidka Labada-boqol xawaaraha darawaliintu ku wadaan gaadiidka.

Sarkaalkan oo sharraxaya sida ay u dhaceen labadii shil ee u dambeeyey ee ka dhacday Jidkaas waxa uu yidhi "Labadan Shil ee u dambeeyey waxa sababay aqoon darrada darawallada gaadiidka. Tusaale ahaan dhalinyaradii ku geeriyootay jidkan gaadhiga la dhacay geerash ayey ka soo saareen, aqoon badan uma ay lahayn dhinaca gaadiidka"

Shilka gaadhiga Fannaanku ku dhintay, ayaa lagu tilmaamay in uu sababay gaadhiga oo xawaare aad ah ku socday, ciidanka nabad gelyada waddooyinka oo meel ku dhow taagnaa ayaa sheegay, kuwaas oo markii danbena maydkiina soo qaaday, dhaawaciina badbaadiyey."

Maxaa keena shilalka Gaadiidka ee ka dhaca Jidka laba boqol?

Dad badan ayaa ku dhinta shilalka

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada -Facebook

Qoraalka sawirka, Dad badan ayaa ku dhinta shilalka

Fu'aad Axmed Xuseen, oo ah khabiir dhinaca nabad gelyada waddooyinka ah, ayaa sheegay in sababaha soo celcelisay shilalka gaadiidka ee xilliyada habeenkii ka dhaca Jidka Labada-boqol ay ka mid yihiin qaab-dhismeedka jidku u samaysan yahay iyo waxyaabahii muhiimka u ahaa waddo marista jidkaas oo aan loo samayn.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waddadani waa mid ku cusub Somaliland, waxaanay ku xidhan yahay jidka Berbera Corridor ee isku xidha Berbera iyo Itoobiya. Waxyaabaha keena shilalkan waxa ugu badan gaadiidka mara waxa ay ku socdaan xawaare dheer, waxa kale oo aanay lahayn waddadani calaamadaha loogu talo galay in lagu qoro xawaaraha gaadhigu ku socon karo. Jidkan waxa kale oo aanu lahayn laydh ku xidhan, waana waxyaabaha keena shilalka xilliyada habeenkii. Waxa kale oo aan jirin ciidanka nabad gelyada waddooyinka oo si joogto ah u joogin waddadaasi" Ayuu yidhi Fu'aad Axmed Xuseen oo u warramayey BBC-da.

Inkasta oo aan weli la soo saarin tiro-koobka rasmiga ah ee dadkii ku dhintay siddeedii bilood ee sannadkan 2025-ka u horreeyey Shilalka gaadiidka Somaliland, haddana sida uu sheegay Hoggaanka Nabadgelyada Waddooyinka ee Somaliland, waxa ka dhacay Somaliland sannadkii hore 2024-ka toddoba kun oo shil, kuwaas oo ay ku dhinteen dad ka badan boqol iyo laba iyo sagaashan qof.

Hoggaanka Nabad gelyada Waddooyinka ee Somaliland Maxamed Cige oo la weydiiyey sababta looga hortegi waayey shilalkan Somaliland ka dhaca ee khasaaraha keena, ayaa sheegay in ay qaadeen tallaabooyin.

"Ciidanka Nabadgelyada waddooyinku way la tacaalayaan ka hortagga shilalka Gaadiidka, siddeedii bilood ee u dambeeyey waxa aan qaadnay tallaabooyin aanu doonayno in aanu ku yarayno shilalkaas, waxaana ka mid ah Gaadiidka yaryar ee mootooyinka ayaanu samaynay si aanu u kormeerno jidadka, sharciga waddo marista ayaanu hubinaa iyo jidadka qaarkood oo aanu dhignay Ciidanka nabad gelyada waddooyinka, tusaale ahaan Hargeysa ilaa lixdan goobood ayaanu dhignay Ciidanka. Waxa kale oo aanu samaynay ciidan u gaar ah waddooyinka waaweyn" Ayuu yidhi Hoggaanka Nabad gelyada Waddooyinka

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cali oo ka mid ah Darawallada mara Jidka laba boqol ee Magaalada Hargeysa ayaa BBC-da uga waramay dhibaatooyinka uu kala kulmay wakhtiga uu jidkaas marayo ayaa yidhi "Meeshu dhibaatada aanu ku aragnay waxa ka mid ah jidku malaha iftiin xilliga habeenkii, taas oo keenta in marmar wax kedis ah wadada dhinaceeda ka soo bixi karaan, waxaanay gaadhiga ku keenaysaa inuu shil galo. Jidkana waxa aad mooda in waddooyinka laamiga ah uu ka sarreeyo, waana mid qofka maraa dareemayo."

Xal ma loo heli karaa dhibaatada shilalka gaadiidka ee ka dhaca Somaliland

.

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada -Facebook

Somaliland, waxay ka mid tahay meelaha shilalka ugu badan ee gaadiidku ka dhacaan maalin walba, iyada oo aan ilaa imika wax xal ah oo arrintaasi wax lagaga qabanayo la helin.

Fu'aad Axmed Xuseen, waxa uu tilmaamay in waxyaabaha xalka u noqon kara shilalka ku soo noq-noqday jidka laba boqol ay ka mid yihiin in la sameeyo in loo sameeyo buunooyin yaryar, oo la arki karo habeenkii iyo maalintiiba, in la helo ciidamo kuwa nabad gelyada waddooyinka ah oo si joogto ah uga hawl gala jidkaas.

Waxa kale, oo uu Fu'aad Axmed Xuseen, oo soo jeediyey in xal keliya ee wax lagaga qaban karaa shilalka ka dhaca deegaannada Somaliland in ay ugu muhiimsan yahay in Ciidanka nabad gelyada waddooyinka oo hoos taga imika Ciidanka Booliska in laga soo saaro, oo loo sameeyo talis u gaar ah, si loo xoojiyo awooddooda waxqabad, daba gal iyo kormeerka jidadka.

Saddexdii sanno ee u dambeeyey waxa shilal gaadiidka ku dhintay deegaannada Somaliland, dad gaadhaya shan boqol oo qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan toban kun oo qof.