Maxey salka ku haysaa booqashada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee dalka Serbia?

Ra'iisul wasaarayaasha Soomaaliya iyo Serbia

Xigashada Sawirka, OPM Somalia

Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaarayaasha Soomaaliya iyo Serbia

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdo Barre ayaa ku sugan dalka Serbia halkaas oo kulan ay wafdigaasi kula yeesheen ra'iisul wasaaraha dalkaas Đuro Macut, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr oo ay ka mid yihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo wada-shaqeynta amniga, waxbarashada iyo caafimaadka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga, ayaa ka mid awafdig ara''siul wasarae Xamse.

Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu yiri: "Ra'iisul Wasaaruhu waxa uu ku casuumay dowladda iyo ganacsatada Serbia in ay booqdaan Soomaaliya, si loo sii ballaariyo iskaashiga labada dal, loona sahmiyo ilaha ku habboon ee ay maalgashi ku sameyn karaan".

Labada dhinac ayaa sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Serbiya, isla markaana ay habboontahay in la sii xoojiyo.

Haddaba booqashadaan iyo waxa ay salka ku hayso ayaan ka waraysanay Safiirka Soomaaliya ee dalkaas Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed oo isaga oo caasimadda Serbia ee Belgrade ku sugan khadka Taleefanka ugu warramay Cabdishukri Haybe.

Qoraalka Codka, Wefdi ka socda Soomaaliya oo ku sugan Serbia