Wasiir xilkeedii ku weyday dadka tuugsada oo ay wax ka sheegtay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka Shaqada iyo Daryeelka Bulshada ee Cuba, Marta Elena Feitó-Cabrera, ayaa lagu qasbay inay xilka iska casisho kadib hadallo muran dhaliyay oo ay ka jeedisay fadhiga baarlamaanka dalkaas, kaas oo ay ku inkirtay jiritaanka dad tuugsada oo ku nool jasiiradda Shuucigu maamulo.
Wasiiraddu waxay sheegtay in aysan jirin wax la yiraahdo "masaakiin ama dad tuugsada" gudaha Cuba, isla markaana dadka cuntada ka raadsada goobaha qashinka lagu qubo waxa ay cunaan oo ay sidaas u sameynayaan waa "ikhtiyaar ahaan" si ay lacag fudud ku helaan, ayay tiri".
Hadalladeeda waxaa si weyn u cambaareeyay dad badan oo reer Cuba ah, gudaha dalka iyo dibeddiisaba, waxaana ka falceliyay madaxweynaha dalka, Miguel Díaz-Canel. Wax yar kadib ayay xilka iska casishay.
Sicir-bararka iyo yaraanta cuntooyinka ayaa si aad ah u kordhay gudaha Cuba iyadoo dalku wajahayo dhibaato dhaqaale oo ba'an.
Feitó-Cabrera waxay todobaadkan horraantiisii hadallo ka jeedisay fadhigii Golaha Qaranka, halkaas oo ay kaga hadashay dadka masaakiinta ah iyo kuwa qashinka ka raadsada cuntada gudaha Cuba.
Waxay u muuqatay mid diiday jiritaanka dad danyar ah iyadoo tiri: "Cuba gudaheeda ma jiraan dad dawarsada. Waxa jira dad iska dhigaya masaakiin si ay lacag sahlan u helaan."
Intaas waxaa dheer, waxay ku eedeysay dadka qashinka ka gurta waxyaabaha dib loo warshadeeyo inay yihiin "kuwo ka qayb qaadanaya waxyaabo sharci-darro ah."
Waxay intaas ku dartay in dadka nadiifiya muraayadaha hore ee baabuurta ay lacagta u isticmaalaan "inay khamri ku cabbaan."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hadalladeedu waxay si weyn uga careysiiyeen shacabka, iyadoo dad badan ay u arkayeen inay tahay hoggaamiye aan naxariis lahayn, kaligii-taliye ah, isla markaana si xun jees-jeesaysa duruufaha nololeed ee dadka caadiga ah.
Dhowr aqoonyahan iyo dhaqdhaqaaqayaal reer Cuba ah ayaa warqad furan qoray, iyagoo ku baaqay in xilka laga qaado Feitó-Cabrera, waxaana ay hadalladeeda ku tilmaameen "aflagaado loo geystay shacabka Cuba."
Madaxweynaha Cuba ayaa sidoo kale cambaareeyay Feitó-Cabrera intii lagu jiray fadhiga baarlamaanka – in kasta oo uusan magacaabin – isagoo sheegay in hoggaamiyaashi aysan "ula dhaqmi karin dadka si quursi ah" ama aysan noqon karin "kuwa iska indha tira xaqiiqda dhabta ah ee dadka."
Cilmi-baare dhanka dhaqaalaha ah oo u dhashay Cuba, laguna magacaabpo Pedro Monreal, ayaa bartiisa X, ku qoray in "dad is-moodsiiyay wasiirro" ay ka jiraan Cuba.
Enrique Guillén oo iskii u shaqeysta ayaa aaminsan in wasiirddu qaldantahay, dadkuna anae isku si wax u arkin.
"Waa dad da' ah oo ku xisaabtama hawlgab aan jirin, xitaa ma iibsan karaan kartoon ukun ah, waa xaqiiqda aan ku noolnahay haddaan nahay reer Cuba," Guillén ayaa sidaas yiri.
Isniintii, mas'uuliyiinta jasiiradda ayaa sheegay in wax-soo-saarka guud ee Cuba uu hoos u dhacay 1.1% 2024-kii, isaga tix raacayay hoos u dhaca 11% ee shantii sano ee la soo dhaafay.
Ugu dambeyn, Feitó-Cabrera xil-ka-qaadis ayaa lagu sameeyay, waxaana is-casilaadeeda oggolaaday Xisbiga Shuuciga Cuba iyo dowladda.
Inkastoo dowladda Cuba aysan shaacin tiro rasmi ah oo ku saabsan dadka tuugsada, haddana kororka tiradooda ayaa ah wax aan qarssooneyn, s, iyadoo ay sabab u tahay dhibaatada dhaqaale ee aadka u daran ee jasiiradda ka jirta.













