Maxay tahay sababta al Shabaab u weeraraan xarumaha dawladda ee ku yaalla daafaha Muqdisho?

Xigashada Sawirka, Social media
- Author, Abdi Abdullahi
- Role, Wariye
Kooxda Al shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday bar koontarool oo ciidanka xasilinta caasimada ee Booliska sida milatariga u tababaran ay ku lahaayeen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Barta koontarool ee weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ay ku taala xafada Baydhabo-yareey ee degamada kaxda, oo ah meel aan sida ugu fogayn saldhiga iyo xarunta degmada.
Sida ay noo sheegeen saraakiil katirsan ciidankaan, rag hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa sadex jaho weerar kaga soo qaaday goobta ay ku suganaayeen saaxibadood. Waqtigaas inta badan ay hurdeen ciidanka ku sugan barta koontarool sida ay BBC-da u xaqiijiyeen saraakiishaan.
Muddo rubuc saac ah ayay israsaasayn dhexmartay ciidankii goobta ku sugnaa iyo kuwii al Shabaab, kadibna waxaa u suuragalay inay la wareegaan qaybta hubinta ee ciidanka ayay noo sheegeen saraakiishaan.
Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sida ay BBC da u shegeen xubnahaan, ilaa 6 askari ayaa lagu dilay is rasaaseyntii dhexmartay ciidanka dawladda iyo kuwa Al shabab. Waxaa kale oo ku dhaawacmay ilaa sadex askari oo kale oo labo ka mid ah ay saaka isbitaalka ku geeriyoodeen .

Xigashada Sawirka, social media
Marka laga soo tago khasaaraha nafeed, waxa ay saraakiishaan noo sheegeen in koxdii weereraka soo qaaday ay qateen qaar kamid ah hubkii ciidanka ku sugnaa goobta. Nuucyada hubka ay qaateen ayaynaan si madax banaan u xaqiijin karin.
Kadib maxaa dhacay?
Saraakiishaan waxay noo sheegeen in kooxdii soo weerartay barta kontorool ay qarax ku aaseen goobta, kaas oo ay la kulmeen ciidankii dawladda ee u yimid gurmadka. Waxa ay noo sheegeen saraakiishu in qaraxaas uu khasaare u gaystay ciidankii la kulmay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale, qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa BBC da u sheegay in ay maqleen dhawaqa qaraxaas.
“In kasta oo qarax uu ka dhacay meel xooga ii jirta hadda waxaa uu ahaa mid weyn oo qalqal na galiyay,” ayuu BBC da u sheegay Shuceyb oo kamid ah dadka deeganka.
Saaraakiil ayaa sheegay in dhanka kale uu jiro khasaare gaaray kooxdii weerarka soo qaaday. "Waxaan aragnay in dhiig ku daatay meeshii ay ku sii carraeen. Waxa u ekayd in wax la jiidayay uu dhigaasi ka daatay,". Balse waxa aynaan xaqiijin karin inta uu la egyahay khasaaraha gaaray kooxda soo weerartay barta.
Saaka ay ciidamada dawladdu waxay hawlgallo ka sameeyeen goobta lagu soo weeraray ciidamada xasilinta. Sida uu noo sheegay qof goobjooge ah ciidamada ay joojiyay dhawr qof oo aagga ku sugnaa.
Dowladda Soomaaliya iyo laamaha amaanka ayaan isku day inaan xiriir la sameyno, balse nooma aysan suuragalin inaan helno.
Dhanka kale afahayeen booliska Soomaaliya oo aan ku helnay qadka taleefanka ayaa sheegay in ay war ka soo saari doonaan dhacdadan.

Xigashada Sawirka, social media
Dhowr jeer oo hore ayay kooxda Al shabab weerar ku qaadan saldhigyo ciidanka booliska Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Kaxda ee gobolka Banaadir iyo sidoo kale xaruunta ay ku shaqeeyaan maamulka degmadaas.
Cabdullaahi kaboole oo ka falanqooda amaanka Soomaaliya ayaa qaba in goobta ay ku taallo degmada Kaxda ay tahay sababta ugu wayn ee u nugleysay weerarada uga yimaada kooxda al Shabaab.
“Sida aan ognahay Kaxdu waxaa ay ku taal meel gees ah oo u furan baadiyaha, mana ahan meel ay ku badan yihiin koontaroolada iyo ciidamada," ayuu yiri Kaboole. "Weerarada al Shabab waa ku dhufo oo ka dhaqaaq. Marka, markii gudaha malgalada looga adkaaday ayay halkaasi door bideen oo mar walba ay tahay mid u sahlan”.
Dhanka kale mid kamid ah saraaiisha ka tirsan ciidanka xasilinta ee noo warramay ayaa sheegay in deegno badan oo hoostaga gobolka shabeelaha Hoose ay al shabab ay ku sugan yihiin. Deegaanadaas ayay sheegay in ay xaduud furan la leeyahiin degamada Kaxda ee gobolka Banaadir taas oo u suurta galinaysa kooxda in ay warar ku qaadan goobo dawladeed kadibna ay baxsadaan.
Amniga gobolka Banaadir ayaa ahaa mid degan maalmihii la soo dhaafay, marka loo eego sida ay qabaan dadka deggan. Dhanka kale ciidamada ayaa sheegay marar kala duwan in ay sii laba jibaareen hawlgalladooda.













