Shabaabka oo xalay dhowr weerar ka gaystay Muqdisho

v

Xigashada Sawirka, Social media

Qoraalka sawirka, Burburka saldhiga booliska kaxda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Al shabaab ay weerar ku soo qaaday xalay saldhig boolis oo ku yaalla Kaxda iyo bar kontrool oo ku taalla xaafadda Daaru Salaam ee magaalada Muqdisho.

Dhowr qarax iyo rasaas ayaa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah caasimadda, wax yar ka dib siqdii dhexe, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Waxaa markii hore dhacay qaraxa Kaxda, oo lala beegsaday saldhigga booliska degmada, kadibna waxaa xigay rasaas culus, oo lagu qaaday isla saldhigga, sida uu sheegay weriye ka tirsan BBC-da oo joogo magaalada.

Wax yar ka dib, waxaa dhacay qarax labaad oo ka dhacay bar koontarool oo ku taalla xaafadda Daaru-Salaam.

Wasiirka amniga gudaha Cabdullaahi Nuur ayaa sheegay in laga adkaaday kooxdii weerarka so qaaday.

Ma jirta ila ayo hadda faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadaasi. Kooxdu waxay sheegtay in laba gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay ku weerareen saldhiga booliska ee Kaxda iyo xaafadda Dar Al Salaam.

Waxaa jira warar sheegaya inay jiraan weeraro kale oo ka dhacay Ceelsha Biyaha, Dayniile iyo Hodan oo lagu qaaday ciidammo gurmad ah oo lagu waday inay xoojiyaan kuwa Shababaka kula dagaalamayay Kaxda iyo Daru Salaam.