Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Tiro dad ah oo ku dhintay weerar ka dhacay xabsi ku yaalla Afqanistaan

    Weerarka ka dhacay Afqanistaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Weerarka ka dhacay Afqanistaan

    Ku dhawaad 30 qof ayaa lagu dilay weerar dhexmaray ciidamada amniga Afqanistaan iyo maleeshiyaad ka tirsan ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka. Weerarka ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa 50 qof.

    Weerarka ayaa bilowday Axaddii kaddib markii gaari walxaha qarxa laga buuxiyay uu ku qarxay albaabka hore ee xabsi ku yalla magaalada Jalalabad ee gobolka Nagarhar. Waxaanu wararka sheegayaan in boqolaal maxaabis ah ay xabsiga ka baxsadeen.

    Hase yeeshee afahayeen u hadlay barasabka gobolka Nangarhar, Attaullah Khogyani ayaa sheegay in maxaabis kun ka badan dib loo soo qabtay.

    Afahyeenka ayaa sheegay in weerarka uu soo afjarmay kaddib muddo labataan sacaadood ah, waxaana ku nafwaayay 8 ka tirsan maleeshiyadkii weerarka soo qaaday.

    Si kastaba ilaa haatan lama ogo tirada maxaabista ee weli maqan. Waxana xabsigaasi lagu hayay qaar ka mid ah maleeshiyada iyo abaanduuleyaashooda.

  2. Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

    .

    Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay weerar is qarxin ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho mid kalena waa uu ku dhaawacmay sida ay sheegeen dad goobjoog ah.

    Qof soo xirtay jaakad walxaha qarxa ay ku xiran yihiin ayaa damcay inuu galo maqaayad la yiraahdo Luul Yamani oo ku taala meel aan sidaa uga fogeyn dekada weyn ee Muqdisho ee degmada Xamar Jajab balse nin ilaalo ka ahaa maqaayada ayaa is hortaagay taasoo keentay inuu is qarxiyo ruuxii xirnaa jaakadda qaraxa.

    Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa balse weerarrada noocan ah waxaa Muqdisho ka fuliya kooxda Alshabaab.

  3. War deg deg ah, Qarax ka dhacay mukhaayad ku taalla magaalada Muqdisho

    Qarax ayaa ka dhacay agagaarka mukhaayad ku taalla degamada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho. Wuxuu ka dhacay meel u dhaw mukhaayadda Luul Yemeni.

    Waxaa la sheegayaa inuu jira khasaare

    Faahfaahinta goor dhaw la soco

  4. Soomaaliya: Xildhibaanno u ololeynayo muddo kororsi

    .

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Magaalada Muqdisho kulan ay isugu yimaadeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee barlamaanka federaalka oo kor u dhaafayay konton ayaa ku baaqay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sidii ay soo jeediyeen guddiga doorashooyinka qaranka taasoo u baahnaanaysa in waqti loogu daro hay'adaha dastuutriga ah oo waqtigoodu ku egyahay dhamaadka sannadkan iyo bilowga sannadka cusub.

    “Waxa racaaya waa 8 bilood ma aha sannad..waayo baarlamaanka ku eg 27-ka Diseembar, Jannaayo iyo Agosto waaye waxa laga hadlayo, haddee muddo kororsi wa ay dhici jireen.. Waxan soo jeedinay muddo kororsi farsamo darteed” ayuu yiri xildhibaan Cabdifitaax Qaasim oo kamid ahaa xildhibaanadii ka qeybgalay kulankaas oo BBC-da u waramay.

    Maamul goboleedyada, ururrada mucaaradka ah iyo bulshada rayidka ayaa horey u diiday wax muddo kororsi ah oo loo sameeyo dawladda federaalka.

  5. Maxay tahay sababta magaalada Melbourne dadka Soomaalida ee dhinta laba qofba hal god loogu aaso?

    Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Melbourne ee dalka Austarlia ayaa xiligaan oo dhibaato ba'an dunida uu ku hayo cudurka safmarka ah ee fayraska Corona ayaa waxaa dhibaato ka haystaa dhanka qabuuraha dadka lagu aaso taas oo keentay in dadka qaar ay sii iibsadaan qabuuraha loogana iibiyo qarash badan.

    Qarashakaas badan ayaa sababay in dadka geeriyooda qaarkood hal god lagu wada aaso waxaana aasaka halka qof ku baxa dhaqaale dhan 12 kun oo dollar.

    Qoraalka Muuqaalka, Soomaalida Australia
  6. Militariga gobolka Tigreega oo dhoolatus sameeyay

    .

    Militariga gobolka Tigreega ayaa dhoolatus ka sameeyay halkaas xilli ay sare u kaceyso xiisadda ka dhex taagan gobolkan iyo dowladda federaalka.

    Ciidammada gaarka ah iyo miltariga ayaa la arkayay iyagoo labadii maalin ee lasoo dhaafay dhoolatus ku sameynayo magaalada caasimadda u ah gobolka ee Mekele iyo magaalooyin kale.

    Maamulka gobolka Tigreega kama uusan hadlin sababta ka dambeysa dhoolatuskan militari.

    Xisbiga TPLF oo horay uga tirsanaa xisbigii EPRDF ayaa dalka Itoobiya maamulayay 27 sano, Way kala boodeen Abiy Axmed markii uu xilka qabtay , iyagoona markii dambe diiday in ay ku biiraan xisbiga cusub ee barwaaqada ee PP.

    Waxay ku dhawaaqeen doorasho u gaar ah kaddib markii dowladda federaalka ay dib u dhigtay doorashada feyraska Corona awgii.

  7. Soomaaliya oo maanta dib u fureyso duulimaadayada caalamiga

    Garoonka diyaaradaha Muqdisho

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Garoonka diyaaradaha Muqdisho

    Ku dhawaad lix bilood oo ay xayiraad saarneed duulimaadyada caalamiga ah ee dalka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta dib loo furo dhamaan garoomada dalka, sidoo kale waxaa dib loo furayaa isu socodka dhanka xudduudaha dalka.

    Balse waxaa laga doonayaa rakaabka dalka soo galo inay heystaan shahaado caddeyneysa in aysan qabin cudurka Corona.

    Xanibaadaan saarneed duulimaadyada Caalamiga ah ayaa la soo rogay bishii Maarso ee aynu ka soo gudubnay kadib markii kiiskii ugu horeyay ee fayraska karona laga xaqiijiyay gudah dalka,mudadaas xanibaadu taagneed waxaa ka dhashay saameyn dhinaca scodaalka ah .

  8. Guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyada degmada walanweyn oo weerar lagu dilay

    Warrarka laga helayo degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in bam gacmeed xalay lagu tuuray gurigiisa uu ku dhintay gudoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee degmadaasi Maxamad Cabdillahi Koosto, sida ay BBC-da u sheegeen xubno ku dhawdhaw maamulka gobolka.

    Koox hubeysan ayaa la sheegay inay bam gacmeed ku tuureen guriga dabadeedna ay rasaas fureen.

    Marka laga soo tago geerida gudoomiye kuxigeenka waxa la sheegay inay jiraan dhaawacyo kale.

    Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan balse weerarrada noocan ah waxaa aalaaba qaada kooxda Al-Shabaab.

    .
  9. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .