"Waxaan ahay ninka ugu nasiibka badan dunida, haddana dhibban "ayuu yiri ninka kaliya ee ka badbaaday shilkii diyaaraddii Air India

Viswashkumar Ramesh ayaa ilmeeyay isaga oo ka hadlaya walaalkii ku waayay shilka
Qoraalka sawirka, Viswashkumar Ramesh ayaa ilmeeyay isaga oo ka hadlaya walaalkii oo uu ku waayay shilka

Qofka keliya ee ka badbaaday shilkii diyaaradeed ee Air India ee ay ku dhinteen 241 qof oo saarnaa diyaaradda, ayaa sheegay inuu dareemayo inuu nool yahay "Ninkii ugu nasiibka badnaa", balse uu jir ahaan iyo maskax ahaanba uu dhibaatoonayo.

Viswashkumar Ramesh ayaa ayaa ka lugeeyay burburka diyaaradii London kusii jeeday ee ka kacday Ahmedabad isagoo arkay muuqaallo aan caadi ahayn oo aduunka ka yaabiyay.

Waxa uu sheegay in ay ahayd "mucjiso" in uu ka baxsaday balse wax uu sheegay sida uu wax walba u waayay, maadaama walaalkii ka yar Ajay oo fadhiyay meel dhowr kursi ka xigta uu ku dhintay shilkan bishii June.

Tan iyo markii uu kusoo laabtay gurigiisa Leicester, Mr Ramesh waxa uu la daalaa dhacayay xanuunka dhimirka (PTSD), lataliyayaashiisa ayaa sheegay in uu awoodi waayay in uu la hadlo xaaskiisa iyo wiil uu dhalay oo afar jir ah.

Dab ayaa qabsaday diyaaradda Boeing 787, markii ay dhacday wax yar kaddib markii ay ka duushay galbeedka Hindiya.

Muuqaal naxdin leh oo wakhtigaas la baahiyay ayaa muujinayay Mr Ramesh oo kasii cararaya goobtii ay dhibaatadu ka dhacday isagoo u muuqda in uu leeyahay dhaawacyo dusha sare ka soo gaaray, iyadoo uu qiiq ka baxayay gadaashiisa.

Isagoo si qiiro leh ula hadlayay BBC News, Mr Ramesh, oo luqadiisa koowaad ay tahay Gujarati, ayaa yiri: "Waxa aan ahay kan kaliya ee badbaaday, weli, ma rumaysni, waa mucjiso.

"Waxa aan sidoo kale waayay walaalkay, walaalkay waxa uu ahaa laf dhabartayda, dhowrkii sano ee la soo dhaafay, mar walba wuu i taageeri jiray."

Waxa uu ka sheekeeyay saamaynta xun ee dhibaatada ku yeelatay nolosha qoyskiisa.

"Hadda kaligey ayaan ahay, kaliya waxa aan fadhiyaa qolkayga kaligey, lamana hadlin xaaskayga, wiilkeyga, waxa aan jeclahay inaan kaligey ku ahaado gurigayga" ayuu yiri Mr Ramesh.

Rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda ku dhintay,169 ka mid ah waxay u dhasheen Hindiya, 52 kalena waxay ahaayeen British, halka 19 kalena ay ku dhinteen dhulka
Qoraalka sawirka, Daqiiqadii uu Viswashkumar Ramesh ka lugeeyay goobta shilka
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xilli ayuu ka hadlayey sariirtii uu ku jiifay isbitaal ku yaala dalka Hindiya, ayuu ka sheekeeyay sida ay ugu suurtagashay in uu iska furo albaabka oo uu ka soo gurguurto burburka, wuxuuna la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi markii laga daweynayay dhaawaciisa.

Rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda ku dhintay,169 ka mid ah waxay u dhasheen Hindiya, 52 kalena waxay ahaayeen British, halka 19 kalena ay ku dhinteen dhulka.

Warbixin horudhac ah, oo ka baxsan shilka, oo ay daabacday Xafiiska Baaritaanka Shilalka Diyaaradaha ee Hindiya bishii Luulyo, ayaa sheegay in saadka shidaalka ee matoorada ay go'een ilbiriqsiyo ka dib markii ay diyaarddu kacday. Dhanka kale, baaritaan ayaa socda, shirkaddu waxay sheegtay in daryeelka Mr Ramesh, iyo dhammaan qoysaska ay saameysay masiibada, "ay weli tahay mudnaantaanta koobaad".

Waa markii ugu horreysay oo 39-jirkan uu la hadlo warbaahinta tan iyo markii uu ku laabtay UK. Dhowr hay'adood oo warbaahin ah ayaa lagu martiqaaday wareysi, koox dokumentari ka sameyneysay ayaa sidoo kale duubayay qolka.

BBC-du waxay wadahadal faahfaahsan la yeelatay la-taliyayaashiisa taas oo ku saabsan waajibaadkiisa daryeel ka hor wareysiga.

Mar wax laga weydiiyey xasuustiisa maalintii uu shilku dhacay, waxa uu yiri: "Arrintaas hadda waxba kama oran karo".

'Waan dhibbanahay'

Waxa garab taagnaa hoggaamiyaha jaalliyadda deegaanka Sanjiv Patel iyo afhayeenka Radd Seiger, Mr Ramesh waxa uu sheegay in ay aad u xanuun badan tahay in la xasuusto dhacdooyinkii masiibada ahaa, waxa uu xakameyn waayey dareenkiisa intii lagu jiray qaybo ka mid ah waraysiga lagula yeeshay Mr Patel gurigiisa ku yaal Leicester.

Mr Ramesh ayaa ka sheekeeyay murugada ay hadda ku nool yihiin isaga iyo qoyskiisa.

"Ani ahaan, shilkan ka dib... xaaladdu aad ayey u adagtahay.

"Jir ahaan iyo maskax ahaan ayey saameysay qoyskayga, sidoo kale, maskax ahaan... hooyaday afartii bilood ee lasoo dhaafay waxay fadhisaa maalin kasta albaabka bannaankiisa, mana hadlayso.

"Anigu cidna lama hadlo, ma jecli inaan cid kale la hadlo.

"Wax badan kama hadli karo, habeen oo dhan ayaan fekerayaa, maskaxiyan ayaan u dhibbanahay.

"Maalin walba waa mid ku xanuun badan qoyska oo dhan."

Mr Ramesh waxa kale oo uu ka hadlay dhaawaca jireed ee kasoo gaaray shilka, kaas oo la arkay isaga oo ka baxsanaya kursigiisii -11A – ee qeybta diyaaradda.

Waxa uu sheegay in uu xanuun ka dareemayo lugaha, garabka, jilibka iyo dhabarka, isla markaana aanu awoodin inuu shaqeeyo ama gaari kaxeeyo tan iyo markii ay musiibadani dhacday.

'In xaaladda lagusoo celiyo mid hagaagsan'

Shirkadda Air India ayaa si ku meel gaar ah u siisay Mr Ramesh lacag magdhow ah oo gaareysa £21,500, taasoo la aqbalay, balse la taliyayaashiisa ayaa sheegay in tani aysan ku filneyn inuu daboolo baahidiisa degdega ah.

Ganacsiga kalluumeysiga qoyska ee Diu ee India, oo Mr Ramesh uu la maamulayey walaalkiis ka hor shilka ayaa tan iyo markii uu dhacay shilku burburay, sida ay sheegeen lataliyayaashiisu.

Afhayeen u hadlay qoyska Mr Seiger ayaa sheegay in Air India ay kulan ku casuumeen saddex jeer, dhammaan seddexda jeerna waa la "iska dhega tiray ama waa la diiday".

Waraysiyada warbaahintu waa habka ay kooxdu u soo saareen racfaankaas markii afraad, ayuu yir.

Mr Seiger waxa uu intaas ku daray: "Waa wax laga naxo in aan maanta halkan fadhino oo isaga [Viswashkumar] uu dhibaatadan ku suganyahay.

"Dadka ay ahayd in ay maanta halkan fadhiyaan waa madaxda Air India, dadka mas'uulka ka ah inay isku dayaan inay wax saxaan.

"Fadlan noo imaada si aan arrintan si wadajir ah uga wada shaqeyno si aan isugu dayno in aan u yareyno dhibaatadan."

War qoraal ah oo ay soo saartay shirkadda diyaaradaha, oo ay iska leedahay Tata Group, ayaa lagu sheegay in madaxda sare ee shirkaddu ay sii wadaan booqashada qoysaska si ay u muujiyaan in aysi tiiraanyo leh ugu tacsiyeeyaan.

"Waxa loosoo bandhigay wakiilada Mr Ramesh si ay u diyaariyaan kulan noocan oo kale ah, waan sii wadi doonaa inaan la xiriirno, waxa aanan rajeyneynaa inaan helno jawaab celin wanaagsan," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Shirkadda ayaa BBC-da u sheegtay in yaboohaan la sameeyay ka hor wareysiyada warbaahintu la yeelatay Mr Ramesh.