Hantida Iiraan ee lagu haysto wadamada Reer Galbeedka

Xigashada Sawirka, Reuters
Nus-qarnigii la soo dhaafay, qaar ka mid ah hantida iyo dhismayaal ay dawladda Iiraan ku leedahay dibadda, gaar ahaan waddammada reer galbeedka, waxay saldhig u ahaayeen murannada sharciga, siyaasadda iyo amniga.
Colaadahaas waxaa ka mid ah; xariga, la wareegidda, wareejinta qasabka ah lahaanshaha ama maamulka, xiritaanka xarumaha diinta iyo dhaqanka, iyo sidoo kale sheegashooyinka maaliyadeed ee ka dhashay cunaqabateynta.
Kiisas badan oo kuwaasi ka mid ah, arrintu ma aha oo kaliya lahaanshaha dhismaha, laakiin sidoo kale isku dhaca nidaamyada sharciga iyo siyaasadda, mabaadi'da xasaanadda diblomaasiyadeed ee Axdiga Vienna, khadka u dhexeeya dawladda rasmiga ah iyo hantida ganacsiga, mabaadi'da la-dagaallanka argagixisada, iyo habka fulinta xukunnada ka dhanka ah hantida shisheeye - kuwaas oo dhammaantood door ka ciyaara go'aaminta masiirka hantidaas.
Arimahan cakiran ayaa sababay in qaar ka mid ah kiisaskan ay qaataan sanado in la xaliyo, walina lama oga inta ay le'eg tahay hantida maguurtada ah ee Iiraan ee dibadda.
Warbixintan, waxa aan ku eegnay dhowr ka mid ah dhismayaashan muhiimka ah iyo kiisaskooda; New York ilaa magaalooyinka kale ee Yurub.
Lambar 650 Waddada Shanaad ee New York

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhismaha ku yaal lambarka 650 ee Waddada Shanaad ee New Yorkoo ku taal bartamaha degmada ganacsiga ee Manhattan waa mid ka mid ah hantida ugu qiimaha badan Iiraan ee dibedda ee xudunta u ah mid ka mid ah murannada sharci ee ugu dheer ee u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.
Dhismahan oo ka kooban 36 dabaq ayaa la dhisay sanadkii 1978-dii, sanad ka hor kacaankii Iiraan, iyadoo ay maalgelinaysay Hay'adda Pahlavi Foundation, oo loogu talagalay maalgashiga iyo samafalka, kacaankii ka dib, waxaa loo beddelay "Alavi Foundation", iyadoo ay hoos imaanayso maamulka Mostazafan Foundation.
Ujeedada loo dhsiay dhismaha ayaa ahayd in la abuuro dakhli waara iyada oo la kiraynayo xafiisyo lagu taageerayo barnaamijyada dhaqanka iyo waxbarashada Iiraan ee dibadda.
Kacaankii ka dib, Hay'adda Alavi Foundation waxa ay hoos imaaneysay dawladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyada oo leh boqolkiiba 60 saamiga, halka boqolkiiba 40 kalena ay leeyihiin ASA, oo xiriir la leh Bangiga Qaranka ee Iiraan.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay 2008-dii in qaab dhismeedka maamulka loogu tala galay in looga baxsado cunaqabateynta iyo in Alavi Foundation ay malaayiin doolar ku wareejisay Bangiga Qaranka ee Iiraan iyada oo loo sii marsiinayo ASA.
2017, maxkamad federaal ah ayaa xukuntay in lala wareego dhismaha. Laakiin sanadka 2019, Maxkamadda Racfaanka New York ayaa laashay iaydoo sheegtay in lagu xadgudubay habraaca iyo in la sameeyay qiimeyn aan sax ahayn, waxayna kiiska dib ugu celisay maxkamadda degmada si ay dib u eegis ugu sameeyso.
Kiiska dhismaha ayaa wali taagan, lamana oga halka uu ku dambeyn doono. Dhismahan ayaa lagu qiyaasaa in uu ku kacayo inta u dhaxaysa $500 milyan ilaa $1 bilyan.
Safaaraddii hore ee Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Safaaraddii hore ee Iiraan ee Washington, DC, oo ku taal 3005 Massachusetts Avenue, ayaa la dhisay 1959. Dhismahan oo leh aag qiyaastii 3,400 mitir oo laba jibbaaran ah ayaa ahayd xarunta hawlaha diblomaasiyadeed ee Iiraan markii xiriirka Maraykanku lala yeeshay xilligii Pahlavi.
Kadib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay in uu go'ay xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal 7-dii April 1980-kii, kadib markii la qabsaday safaaradii Mareykanka ee Tehran, waxaa diblumaasiyiinta Iiraan laga saaray dalka Mareykanka.
Wixii tan iyo markaas ka dambeeyay, dhismaha ayaa si rasmi ah loo xiray oo laga tagay. Sida uu dhigayo heshiiska Vienna, lahaanshaha sharciyeed ayaa waxaa leh dowladda Iiraan, laakiin dowladda Mareykanka ayaa mas'uul ka ah ilaalinteeda iyo dayactirkeeda, kuwaas oo qarashka ku baxaya lagu bixiyo canshuuraha hantida kale ee Iiraan ee dalka Mareykanka.
Hoyga safiirkii hore oo ku dheggan dhismaha safaaradda ayaa ah guri weyn oo ka kooban in ka badan 40 qol iyo dhul baaxaddiisu dhanyahay 1,600 oo mitir oo laba jibbaaran. Gurigan, oo ay la socdaan hanti kale oo dublamaasiyadeed oo Iiraan ah, ayaa lagu wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka 1980kii.
Dhismahan ayaa la sheegay in la dayac tiray sagaashamaadkii, waxaana la kireeyay 1995-tii, balse markii dambe waa la joojiyay sababo la xiriira deymo lagu yeeshay kiraystaha.
Hantida Iiraan ee Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka laga soo tago dhismaha safaaradda iyo guriga qunsuliyadda ee Washington, dawladda Maraykanku waxay haysataa in ka badan 10 guri oo kale oo ay Iiraan leedahay iyada oo ay kormeerayaan Xafiiska Arrimaha Dibadda tan iyo 1980. Guryahaas waxaa ka mid ah guryo diblomaasiyadeed, guryo qunsuliyadeed, iyo degaanno ku yaal magaalooyinka sida New York, Chicago, Houston, iyo San Francisco.
Magaalada New York, guri ku yaal wadada 69-aad ee dhanka bari ayaa la kireeyay 2002dii waxaana la sheegay in ay kasoo xarooto ilaa $500,000 sanadkii.
Magaalada Chicago, laba dhismo oo hore oo safaaradeed ayaa la isku daray oo laga dhigay hal dhismo oo la kireeyay. San Francisco, dhismihii hore ee safaraada oo kakooban 17-qol oo safaaradda ah kaas oo ku yaal Waddada Washington ayaa la sheegay in sanadkii 2019kii ay ku baxday $5 milyan oo doolar si loo dayactiro.
Marka loo eego warbixin rasmi ah oo la daabacay 2010, wadarta dakhliga kiraynta ee dhismayaashan laga soo bilaabo 1990 ilaa 2008 waa ku dhawaad $10 milyan, laakiin kharashka dayactirka muddadaas aad ayuu u sarreeyaa.
Shirkadda Shidaalka

Kiiska Shirkada Crescent ayaa ka yimid heshiis gaas ah oo 25 sano ah oo ay kala saxiixdeen 2001dii Shirkadda Shidaalka Qaranka Iiran (NIOC) iyo Shirkada Crescent Petroleum ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Shirkadda Shidaalka Qaranka Iiraan waxa ay ku qasban tahay inay bixiso 500 milyan cubic oo gaas ah maalintii, laakiin sida ku cad dukumentiyada sharciga ah, ma aysan samayn sahaydaas tan iyo 2005 waxayna joojisay qandaraaska 2010.
Crescent waxay gudbisay dacwad, guddi dhexdhexaadin caalami ah ayaa 2021 ku amray Shirkadda Shidaalka Qaranka Iiraan inay bixiso magdhow dhan $2.43 bilyan.
Iiraan ayaa diiday go'aanka, waxayna shirkadda Crescent bilaawday in ay la wareegto hantida Shirkadda Shidaalka Qaranka Iiraan ee ku taal caalamka iyada oo loo marayo tallaabo sharci ah.
Dhismayaashaas waxa ka mid ah "Dhismaha Shirkadda Shidaalka Iiraan" ee ku yaal London, kaas oo muddo nus qarni ku dhow calaamad u ahaa joogitaanka dhaqaale ee Iiraan ee caasimadda Ingiriiska.
Dhismahan qaaliga ah, ayaa qiimihiisu ku dhow yahay 100 milyan ginni, wuxuuna ku yaal meel u dhow baarlamaanka Ingiriiska. Dhismahan ayaa tan iyo sannadihii 1970-aadkii xarun u ahaa laamaha Yurub ee wasaaradda saliidda Iiraan, balse hadda waa mid ka mid ah hantida ugu muhiimsan Iiraan ee lagu qabsaday dibadda ka dib go'aankii Maxkamadda Racfaanka ee kiiskii Shirkada Crescent.
Shirkadda Shidaalka Qaranka Iiraan ayaa isku dayday in ay beddesho lahaanshaha dhismaha, balse bishii Abriil 2024, maxkamad London ku taalla ayaa xukuntay in wareejinta lahaanshaha ay ujeeddadu tahay inlagu qariyo hantida.
Iran ayaa racfaan ka qaadatay, balse Maxkamadda Racfaanka ee UK ayaa ugu dambeyntii taageertay go'aanka, taasoo u gogol xaareysay in dhismahaas la iibiyo ama la siiyo Shirkadda Crescent. Go'aankan ayaa loo arkaa mid ka mid ah natiijooyinkii maxkamadaha ee ugu waxyeellada badnaa Iiraan.
Magaalada Rotterdam ee dalka Netherland, qaramaynta xafiiska Shirkadda Shidaalka Qaranka Iiraan (NIOC) waxay bilaabatay bishii May 2022. Dhismaha waxaa lagu iibiyay xaraash dadweyne oo laga leeyahay shirkadda Hovel Fasthood BV ee Nederland.
Bishii Janaayo 2025, Maxkamadda Degmada Rotterdam ayaa ku dhawaaqday wareejinta lahaanshaha, iyadoo diiday diidmada NIOC. Go'aankani wuxuu soo afjaray joogitaankii NIOC ee Netherland wuxuuna u gogol xaarayey falal la mid ah kuwii ka dhacay wadamada kale.
Crescent ayaa sidoo kale sii wadaysa qaadista tillaabada sharciga ah ee wadamada kale, sida Giriiga iyo Imaaraadka, si ay u hesho hantida Shirkadda Shidaalka Qaranka ee Iiraan.
Xarumaha Islaamiga ah ee Yurub

Xigashada Sawirka, Abna24
Xarunta Islaamiga ah ee Britain waa machad Shiico ah oo ka howlgasha London tan iyo 1995. Dhaleeceynta ka dhanka ah xarunta ayaa sii xoogeysatay ka dib markii labo xus oo loo sameeyay Qassem Soleimani, taliyihii hore ee ciidamada Quds ee IRGC, lagu qabtay xarunta 2020.
intaas ka dib, Guddiga Awqaafta ee England iyo Wales waxay bilaabeen baaritaan rasmi ah oo ku saabsan maamulka xarunta, daah-furnaanta maaliyadeed iyo shuruudaha sharciga.
Xarunta ayaa si ku meel gaar ah loo xiray bishii Luulyo 2023. Guddiga ayaa sababta xiritaanka ku sheegay in aanu lahayn caymis sax ah, waxaana xarunta dib loo furay ka dib markii la helay caymis. Baaritaanku wuu socdaa, waxayna guddigu ka codsadeen maamulka inay bixiyaan daah-furnaan ku saabsan maalgelinta, doorashada afhayeenka, iyo xogta la daabacay
Xarunta Islaamiga ah ee Hamburg

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xarunta Islaamiga ah ee Hamburg oo ah mid ka mid ah xarumaha Shiicada ee ugu faca weyn qaarada Yurub waxaa la aas aasay 1950-meeyadii oo ay lahaayeen dad u dhashay dalka Iiraan, waxaana la balaariyay sanadihii 1960-kii markii la furay Masjidka Imaam Cali.
Bishii Luulyo 2024, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jarmalku waxay mamnuucday Xarunta Islaamka ee Hamburg iyo dhowr hay'adood oo xiriir la leh, iyadoo ku dhawaaqday in xaruntu tahay "qalab lagu horumarinayo fikirka xagjirka Islaamiga ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan" gudaha Jarmalka "oo uu si toos ah u maamulo Hogaamiyaha Sare ee Kacaanka Iiraan."
Dhanka kale, Booliiska Federaalka ayaa kormeeray 53 dhisme oo ku xiran xarunta oo ku yaalla siddeed gobol, waxayna la wareegeen hantidooda. Dowladda Jarmalku waxay sheegtay in tillaabadan looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo dimuqraadiyadda. Iiraan ayaa cambaareysay go'aankaas oo ay ku tilmaantay fal cadawtinimo oo ka hor imaanaya mabaadi'da xuquuqul insaanka.
Masjidka Imaam Cali ee magaalada Copenhagen ayaa sidoo kale ah xarunta ugu weyn ee Shiicada Denmark, kaas oo sanadihii ugu dambeeyay si aad ah loogu hadal haayay wararka sheegaya in dhaqaalaha ay ka helaan hey'adaha Iiraan, Imaamka Masjidka ayaa xiriir la leh safaarada Iiraan, waxaana dusha kala socda laamaha ammaanka Denmark.
Xafiiska Duulista Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xafiiska Hay'adda Duulista ee Iiraan ee ku yaal 63 Champs-Elysees ee Paris wuxuu ahaa mid ka mid ah dhismayaasha ganacsi ee Iiraan ee Yurub ugu caansan.
Xafiiskan oo ku yaala meel aad qaali u ah oo ku taal magaalada Paris, ayaa sanadihii ugu dambeeyay ahaa wararka ugu waaweyn, sababo la xiriira muran sharci oo u dhexeeya mulkiilaha dhismahan ee u dhasahy Faransiiska iyo Duulista Iiraan.
Milkiilaha ayaa ku andacoonaya in Hay'adda Duulista Iiraan aysan bixin kirada dhismaha dhowr sano. Iiraan Air ayaa sheegtay in cunaqabateynta bangiyada Mareykanka ay hor istaagtay in dhaqaalaha laga soo xawilo Iiraan lagu shubo akoonnada bangiyada ay ku leedahay Faransiiska.
Kiis la xiriira dhismahan ayaa ka socday maxkamadda Paris tan iyo bishii Febraayo 2019, Iran Air ayaa sheegtay in ay waddo tallaabo sharci ah iyada oo loo marayo qareenadeeda si looga hortago in xafiiska laga wareejiyo.










