Muxuu ahaa hadalka jees-jeeska ah ee Trump uu ka yiri hogaamiyihii ciidamada Iran ee la dilay

Qaasim Soleimani,

Xigashada Sawirka, AFP

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbad uu jeediyay ku jees jeesay Qaasem Soleimani, taliyihii hore ee ciidamada Quds ee IRGC, isagoo ku eedeeyay ku lug lahaan dhimashada ciidamada Mareykanka.

Qassem Soleimani ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay magaalada Baqdaad shan sano ka hor, waxaana amarkaasi bixiyay Mr. Trump.

Mr. Trump ayaa ku jees-jeesay inta uu cirka eegay xilli ay socotay xaflad billado geesinimo ah lagu guddoonsiinayay askarta ku dhaawacantay Aqalka Cad:

"Waad garanaysaa cidda bamka waddada dhinaceeda dhigaysay, sax, Soleimani, xaggee buu hadda joogaa? xaggee buu joogaa? Aaway Soleimani?"

"Waxay yiraahdeen 92 boqolkiiba dadka la dilay ama la dhaawacay waa shaqada Soleimani".

Sannadkii 2020-kii, Qasem Soleimani, oo ahaa taliyihii ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ee loo yaqaanno IRGC iyo Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliyihii Kata'ib Hezbollah iyo ku-xigeenkii madaxa ciidamada abaabulka caanka ah, ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku.

Saraakiisha Iran ayaa si joogta ah ugu hanjabay inay "aargoosi adag" ku sameyn doonaan Mareykanka.

Xukuumadda Washington waxay sheegtay in uu ahaa nin dhiigga Mareykanka gacmaha ku sita. Balse wuxuu sidoo kale caan ka ahaa gudaha Iiraan. Gaar ahaan wuxuu hoggaaminayay dagaalkii Tehran ee ka dhanka ahaa ololaha ballaaran ee cadaadiska lagu saarayo Iiraan iyo cunaqabateynta Mareykanka.

waa kuma Jeneraal Qaasim Sulaymaani?

Qasem wuxuu aad ugu dhawaa hogaamiyaha Iran

Xigashada Sawirka, AFP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qaasim Sulaymaani waxaa uu dhashay sanadkii 1957, wuxuuna hadda madax ka ahaa ciidamada Qudus ee qaybta ka ah ciidanka ilaalada kacaanka.

Qaasim wuxuu caan ka ahaa gudaha dalalka Iran, Ciraaq, Lubnaan, Suuriya iyo Yemen oo ah dalal ay ku nool yihiin dadka heysta mad-habta shiicada, waxaana aad u xurmeyn jiray hogaamiyeyaasha dalka Iran iyo dadka shiicada.

Ciidanka uu madaxda ka ahaa ee Qudus waxay ahaayeen ciidamo qaabilsan hawlgallada dibadda, gaar ahaan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, waxayna si toos ah uga amar qaataan hogaamiyaha Iran.

Ciidamada Qudus waxay hawgalo ka sameeyaan meelo ka baxsan xuduuda dalka Iran, waxay taageero buuxda u muujiyeen Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, xilligii ay xoogaga mucaaradka Suuriya qabsadeen qeybo badan oo kamid ah dalkaas.

Ciidamada Qudus ayaa sidoo kale gudaha dalka Ciraaq kula dagaalameen kooxda ISIS, waxayna ku guuleysteen in ay ka saaraan deegaano badan.

Wuxuu astaan muuqata u ahaa saameynta sii kordheysa ee Iran, gaar ahaan bariga dhexe oo ay ku loolamayaan xulafada Sacuudiga iyo Iran.

Qaasim Sulaymaani waxaa uu ciidamada Quds madax ka noqday sanadkii 1988, balse xilligaas ma uusan ahayn nin aad loo garanayay, waxaana uu gacan weyn ka geystay xoojinta xiriirka Iran ay la leedahay ururuka Xisbullah, Dowladda Suuriya iyo maleeshiyaadka shiicada ee dalka Ciraaq.

Sanadihii dambe, Qaasim Sulaymaani wuxuu aad ugu dhawaa hogaamiyaha ruuxiga ee dalka Iran Ayatollah Ayatollah Cali Khameni.

Intii uu madaxda ka ahaa ciidamada Qudus, waxay awood u yeesheen in ay ballaariyaan awoodooda dhanka milateriga, sirdoonka, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Sulaymani waxaa uu ka dhashay qoys sabool ah oo ka soo jeeda bariga dalka Iran, waxaana uu shaqo bilaabay isagoo 13 sano jir ah, si uu u caawiyo qoyskooda.

Xilliyada fasaxa waxaa la sheegay in uu sameyn jiray jimicsi jir dhis ah, waxaana uu sidoo kale aad u dhageysan jiray khudbadaha hogamaiyaha ruuxiga ee dalka Iran.

Wargeyska the Foreign Policy ayaa kusoo warramay in isagoo dhalinyaro ah uu ku biiray milateriga dalka Iran sannadkii 1979, waxaana la sheegay in uu ka soo qeyb qaatay dagaalkii dhexmaray dalalka Iran iyo Ciraaq, xilligaas oo dalka Iran looga aqoonsaday "nin geesi ah".