Ingiriiska oo xiray tahriibayaashii ugu horeeyay isaga oo adeegsanaya heshiis ay wada saxiixdeen Faransiiska

doon

Xigashada Sawirka, Getty Images

Muhaajiriintii ugu horreeyay ayaa la xiray iyada oo la adeegsanayo heshiiska cusub ee ay wadagaleen Faransiiska iyo Ingiriiska ka dib markii ay ka gudbeen kanaalka Ingiriiska.

Sawirro la baahiyay ayaa muujinaya tahriibayaasha oo xiran jaakadaha badbaadada oo ka soo degaya doomaha ciidamada xudduudaha ee Dover Arbacadii, taasoo ahayd maalintii ugu horreysay ee qorshaha tijaabada ah uu hirgalo.

Tirakoobyada cusub ee Xafiiska Arrimaha Gudaha ayaa muujinaya in 155 muhaajiriin ah ay soo gaareen UK ka dib markii ay ka gudbeen kanaalka Arbacadii. Dawladdu waxay goor sii horreysay sheegtay in kuwa la xiray lagu hayn doono xarumaha socdaalka ilaa inta dib loogu celinayo Faransiiska.

Xoghayaha arrimaha gudaha Yvette Cooper ma aysan xaqiijin tirada muhaajiriinta la hayo waxayna sheegtay inay diyaar u tahay inay iska caabiso caqabad kasta oo dhanka sharciga ah oo looga gol leeyahay ka hortagga in loo raro Faransiiska.

Waxay tiri: "U wareejinta xarumaha celinta tahriibayaasha ayaa isla xilligaan aan hadlayno socota, marka ma bixin doono faahfaahinta hawlgalka xilligan maadaama kooxaha dambiilayaasha ay si fudud u isticmaali karaan oo ay uga faa'iideysan karaan xogta.

"Laakin, qofna waa inaysan shaki ka gelin: qof kasta oo yimaada hadda wixii dambeeya si dhaqso ah ayaa loo xiri doonaa dibna waa loo celin doonaa."

Waxay sheegtay in muhaajiriinta ugu horreeya dib loo celin doono toddobaadyo gudahood.

Cooper waxay intaa ku dartay: "Waa bilawga barnaamijkaan tijaabada ah, si tartiib ah ayuuna u xoogaysan doonaa, laakiin sidoo kale waxaan caddaynaynaa in Faransiisku yahay waddan ammaan ah, sidaas darteed waxaan si adag u difaaci doonnaa caqabad kasta oo sharci ah oo ay dadku isku dayaan."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qorshahan tijaabada ah ayaa la dejiyay, iyadoo qayb ka ah heshiis ay ku dhawaaqeen Ra'iisul Wasaare Keir Starmer iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo booqasho ku tagay UK bishii Luulyo.

Mar uu Keir ka hadlayay qabashadaan ah tii ugu horeysay ayaa waxa uu yiri: "Haddii aad jabiso sharciga si aad dalkan u soo gasho, dib ayaa laguu celin doonaa.

Barnaamijkaan ayaa waxa uu sii jiri doonaa ilaa 11 bilood wuxuuna Ingiriisku tan badalkeeda aqbali doonaa tiro magangalyadoon ah oo u dhiganta inta uu dalka ka celiyo, laakiin waa hadii aysan sharci darro ku soo gelin dalka oo kaliya, ayna soo maraan hanaanka lagu hubiyo amniga.

Saraakiisha Imgiriiska ayaa la filayaa inay u gudbiyaan xogta dadka la celinayo Faransiiska seddex maalmood gudahood oo ka bilaabanaysa marka muhaajiriinta ay ku yimaadaan doonta yar, iyadoo mas'uuliyiinta Faransiiska ay ku jawaab celin doonaan14 maalmood gudahood.

Tani badalkeeda Faransiisku wuxuu xaq u yeelanayaa in magangalyo doonka aan sharciga la siin ay ku celin doonaan Ingiriiska iyada oo la marayo waddo ammaan ah.

Sharciga UK iyo kan caalamiga ah ayaa ka hortagaya in dowladduhu ay magangalyo-doonka dib ugu celiyaan waddankii ay ka yimaadeen asal ahaan ka hor inta aan la tixgelin oo aan la diidin codsigooda. Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo diri karaa wadamo nabdoon oo loo diyaariyey inay tixgeliyaan sheegashadooda.

Xisbiga Konserfatifka ayaa ku doodaya in qorshahan cusub aanu noqon doonin mid wax soo kordhiya, isla markaana aanu soo celin doonin tiro badan oo tahriibayaal ah.