Nidaamka qarsoodiga ah ee Xamaas ay ku bixiso mushaaraadka dowladda

Xamaas

Xigashada Sawirka, EPA

Ka dib ku dhawaad laba sano oo uu socdo dagaalka Qaza, waxaa aad loo wiiqay awooddii milatari ee Xamaas iyo hoggaankeeda siyaasadeed, taas oo cadaadis xooggan la saaray.

Hase yeeshee, intii uu socday dagaalka, Xamaas waxa ay ku guulaysatey in ay isticmaasho nidaam lacag-bixin oo sir ah, si ay u bixiso mushaarka 30,000 oo shaqaalaha dawladda oo dhan, lacagtaas oo ah 7 milyan oo doolar oo u dhiganta 5.3m oo pound.

BBC-da ayaa la hadashay saddex ka mid ah shaqaalaha dawladda, kuwaas oo xaqiijiyay in ay heleen ku dhawaad $300 midkiiba todobaadkii la soo dhaafay.

Waxaa la rumeysan yahay inay ka mid yihiin tobanaan kun oo shaqaale ah oo weli helayay ugu badnaan 20% mushaharkoodii ay qaadan jireen dagaalka ka hor.

Iyada oo uu jiro sicir-barar sii kordhaya, mushaharka aan dhameyn ee lagu bixiyo qaabka digitalka ah, ayaa ayaa sababtay khilaaf xisbiga dhexdiisa ah.

Cunto yaraan ba'an oo ay hay'adaha gargaarku ku eedeeyaan xannibaadaha Israa'iil iyo kiisaska sii kordhaya ee nafaqo darada ba'an, ayaa weli ka taagan Gaza, halkaas oo haklii kilo oo daqiiq ah toddobaadyadii la soo dhaafay lagu iibsanayay $80, qiimahaas oo ah kii ugu sarreeyay abid.

Iyadoo aanay jirin nidaam bangi oo ka shaqeynaya Gaza, xitaa helitaanka mushaharku waa mid adag oo mararka qaarkood halis ah. Israa'iil ayaa si joogto ah u aqoonsata oo bartilmaansata kuwa Xamaas siiya mushaharka, iyada oo doonaysa inay carqaladayso awoodda maamul ee kooxda.

Shaqaaluhu, min booliska ilaa saraakiisha cashuuraha, waxaa inta badan u soo dhaca fariin sir ah oo lagu soo diro telefoonadooda ama taleefanada xaasaskooda, kuwaas oo lagu farayo inay tegaan goob gaar ah wakhti gaar ah, si ay "ula qaxweeyaan saaxiib" halkaas jooga.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Goobta lagu ballamay, shaqaalaha waxaa u imanaya nin ama mararka qaar qof dumar ah, kaas oo si qarsoodi ah ugu dhiiba baqshad xiran oo ay ku jirto lacagta, kuwaas oo isla markiiba ka tega goobta iyadoo aanay jirin wax macaamil ah.

Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xamaas oo aan rabin in magaciisa la sheego sababo amni dartood, ayaa ka warramay khatarta uga imaan karta soo qaadashada lacagtiisa mushaarka.

"Mar kasta oo aan baxayo si aan u soo qaato mushaharkayga, waxaan macsalaameeyaa xaaskayga iyo carruurtayda, waxaan ogahay in laga yaabo inaanan soo laaban," ayuu yiri. "Dhowr jeer, duqaymaha Israa'iil waxay ku ddhaceen goobaha mushaharka lagu bixiyo, waxaan ka badbaaday mid lala beegsaday suuq mashquul ah oo ku yaal magaalada Gaza.", ayuu yiri shaqaalahan.

Calaa, oo aan magaciisa qarinnay si aan u ilaalino aqoonsigiisa, waa macalin iskuul u shaqeeya dowladda Xamaas ay maamusho, waana qofka keliya ee ay ku tiirsanyihiin qoys ka kooban lix qof.

"Waxaan helay 1,000 shekel oo u dhiganta qiyaastii $300 oo doolar oo lacag duug ah, mana jiro qof ganacsade ah oo ogolaanaya inuu qaato lacag nocaas ah . Kelia waxaan ka isticmaalay 200 oo shekel oo keliya inta kale, run ahaantii ma aqaano waxaan ku sameeyo," ayuu yiri Calaa oo BBC-da u warramay.

"Laba bilood iyo bar oo aan wajaheyno gaajo ka dib, waxay ina siiyaan lacag dug ah", ayuu yiri.

"Inta badan waxaa la igu khasbaa inaan tago goobaha gargaarka lagu qaybiyo anigoo rajaynaya inaan helo xoogaa daqiiq ah oo aan ku quudiyo carruurtayda. Mararka qaarkood waxaan ku guulaystaa inaan guriga keeno wax yar oo aan soo helo, laakiin inta badan waan ku guuldareystaa."

Xamaas

Xigashada Sawirka, Reuters

Bishii Maarso militariga Israa'iil ayaa sheegay in ay dileen madaxii dhaqaalaha ururka Xamaas, Ismail Barhoum, kadib markii ay weerar ku qaadeen isbitaalka Naasir ee Khan Younis. Waxa ay ku eedeeyeen in uu dhaqaale siiyo garabka milatari ee Xamaas.

Weli ma cadda sida ay Xamaas ugu suurtagashay bixinta mushaaraadka shaqaalahooda, marka loo eego in la burburiyay inta badan kaabayaashiisa maamul iyo maaliyadeed ee kooxda.

Mid ka mid ah shaqaalaha sare ee Xamaas, oo xilal sare ka soo qabtay kooxda, aqoonna u leh hawlaha maaliyadeed ee Xamaas, ayaa BBC-da u sheegay in kooxdu ay ku dhawaad 700 oo milyan oo doolar oo kaash ah iyo boqollaal milyan oo shekel ku keydisay godad dhulka hoostiisa ah ka hor weerarkii kooxdu ku qaadday Israa'iil 7-dii October 2023-kii, kaas oo dhaliyay ololihii millatariga Israel.

Weerarkas yaa sababay in la dilo hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwar, oo lagu tilmaamay "maskaxdii ka dambeysay xasuuqa iyo xadgudubyada" weerarkii 7-dii October iyo sidoo kale walaalkii, Maxamed.

Tagerayaasha Xamaas

Xamaas ayaa taariikh ahaan ku tiirsanayd dhaqaalaha ay ka hesho canshuuraha culus ee lagu soo rogo dadka Gaza, iyadoo sidoo kale malaayiin dollar oo taageero ah ka heli jirtay Qatar.

Guutada Al-Qassam, garabka milatari ee Xamaas oo ku shaqeeya nidaam maaliyadeed oo gaar ah, waxaa inta badan maalgeliya Iran.

Sarkaal sare oo ka tirsan ururka la mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin ee fadhigoodu yahay dalka Masar, kana mid ah ururada islaamiga ah ee ugu saameynta badan caalamka ayaa sheegay in ku dhawaad 10% miisaaniyadooda sidoo kale loo jiheeyo oo lagu taaba geliyo Xamaas.

Si ay dhaqaale u helaan inta uu dagaalku socdo, Xamaas waxa ay sidoo kale sii wadeen canshuuraha ay ka qaadaan ganacsatada, waxyana iibinayeen sigaar aad u badan oo ay ku iibinayeen 10 jibaar qiimihii hore . Dagaalka ka hor, sanduuq ku jira 20 sigaar ah ayaa qiimihiisu ahaa $5 - kaas oo hadda sare ugu kacay in ka badan $170.

Marka laga soot ago lacagaha mushaarka, Xamaas ayaa cunto u qeybisay xubnaha kooxdooda iyo qoysaskooda iyada oo loo sii marinayo guddiyada xaaladaha degdegga ah ee maxalliga ah kuwaas oo hoggaankoodu inta badan la kala shaandheeyo sababo la xirriira ah weerarrada soo noqnoqda ee Israa'iil.

Taasi ayaa sii xoojisay carada dadweynaha Qaza, iyadoo dad badan oo ku nool Gaza ay ku eedeeyeen Xamaas inay gargaar u qaybinayso taageerayaasheeda oo keliya, iyadoo meesha ka saartay dadweynaha kale.

Israa'iil ayaa Xamaas ku eedaysay in ay xadeen gargaarkii galay Gaza intii ay socotay xabbad joojinta horraantii sanadkan, arrintaas oo Xamaas ay beenisay. Si kastaba ha ahaatee ilo-wareedyo BBC-da ka tirsan oo ku sugan Qaza ayaa sheegay, in mucaawino aad u badan ay Xamaas xiligaas qaadatay.

"Miyaanay Xamaas sabab u ahayn dhibaatada na haysata manta?, maxay u tix-gelin waayeen in la helo cunto, biyo, iyo daawo ka hor intaanay bilaabin weerarkii 7 Oktoobar?" ayay tiri Nisreen oo ah hooyo leh saddex carruur ah.