Dood ka dhalatay aragtida safiirka cusub ee Itoobiya ay u soo magacawday Soomaaliya uu ka qabo "midnimada Soomaaliya"

Xigashada Sawirka, MFA Ethiopia
Safiirka Itoobiya u soo magacawday Soomaaliya Sulaymaan Dedefo ee uu madaxweyne Xasan Sheekh ka guddoomay waraaqaha safiirnimo ayey hadal hayn dhalisay magacaabistiisa.
Qoraallo horay uu ugu soo qoray baraha bulshada, gaar ahaana uu ku taageeray madax banaanida Somaliland ayaa dhaliyey in dadka qaar ay ka caroodaan in Soomaaliya ay aqbasho safiirka cusub.
Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in Suleiman Dedefo loo magacaabo safiirka Soomaaliya, isaga oo waraaqihiisa ogolaanshaha ee dalka u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Talaado, Luulyo 29, 2017.
Magacaabista Suleiman Dedefo ayaa timid ka dib markii in ka badan hal sano, Safiirkii hore ee Itoobiya danjire Mukhtaar Maxamed Waare oo fadhigiisu ahaa Muqdisho lagu amray in uu dalka isaga baxo muddo 72 saac ah.
Soomaaliya oo go'aansatay in xiriirkii diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay jarto ayna musaafuriso diblomaasiyiinta uu ku jiro safiirka ayaa dib ugu wacatay safiirkeeda Addis Ababa ee wakhtigaasi.
Ka dib magacaabitaanka Itoobiya ee safiirka cusub, ma jirin wax ku dhawaaqis ah oo la xiriirta in Soomaaliya ay magacaabayso safiir cusub ama ay dib u soo celinayso kii hore.
BBC qaybteeda afka amxaariga ayaa sheegtay iyada oo soo xiganaysa Wasaarada arrimaha dibadda, in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qeexay mahad celintiisa shacabka Itoobiya iyo dowladooda taageeradooda xasiloonida Soomaaliya iyo dowlad dhiska, markii uu ka qabanayey safiirka Itoobiya waraaqaha ogolaanshaha.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in Madaxweynuhu uu tilmaamay in '' labada dal ee walaalaha ah ay wax badan wadaagaan, ayna nabadooda iyo horumarkooda si dhow u xiriiraan.''

Xigashada Sawirka, X
Mowqifka Danjire Suleiman ee midnimada Soomaaliya iyo aqoonsiga Somaliland
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X oo horay loogu yaqaanay twitter ayuu bishii Janaayo 10, 2024 uu ku sheegay ''in ay in badan dhibtoodeen (Somaliland) sababna ay u tahay diidmada bulshada caalamka ee aqoonsigooda. Shacabka Soomaaliya aysan waxba ka helin dhibta ay mareen dadka Somaliland. Sidaasi darteed, hadda waa wakhtiga ugu haboon oo beesha caalamku ay aqoonsan lahayd madax banaanida Somaliland''.
Qoraalkaas waxaa laga jawaabay 77 goor, waxayna dadkii jawaabaha bixinayey isugu jreen qaar Danjiraha ku taageersan aragtidaas, kuwo diiddan, iyo kuwo xelad kale ku talinaya.

Xigashada Sawirka, X
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa uu sidoo kale isla bartiis X uu ku soo qaatay sheekooyin kala duwan oo la xiriira Somaliland, waxaana mid kamid ahayd arrin barta X uu soo dhigay qof ay ugu qoran tahay magaca Abdisamad kaasi oo uu ku sheegay ''Goobjooge kamid ah dadkii Somaliland ee ka badbaaday xasuuqii dabayaaqadii 1980 ee Hargeysa iyo magaalooyin kale oo kamid ah Somaliland.''
Bishii Janaayo 3, 2024 ayuu isaga oo ka hadlaya isla arrimaha Somaliland uu isku weydiiyay ''Ilaa goorma ayay beesha caalamka u diidaysaa dadka Somaliland xaqa jiritaanka oo ay ka hor istaagaysaa aqoonsigooda sida dowlad madax banaan? Dadka Somaliland waxa ay xaq sharci ah u leeyihiin inay qeexaan aragtidooda in loogu aqoonsado dal madax banaan''
Dad badan oo isugu jira siyaasiyiin iyo shacab ayaa ka falceliyay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu waraaqaha aqoonsiga uu ka guddoomo safiir u ololeeyay Somaliland, iyaga oo tusaalooyin u soo qaatay habka uu maro magacaabista safiir cusub ee uu dal kale ka guddoomayo aqoonsiga oo ay sheegeen inay ku jirto ogaanshaha taariikhda hore ee safiirka iyo khatar inuu ku ahaan karo ammaanka qaranka.
Wasiirkii hore ee Shidaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Maxamed ayaa bartiisa X, ee horay loogu yaqaanay Twitter ku qoray ''Waa khalad weyn iyo ceeb. Marka ay dowladdu ku guul daraysato inay samayso shaqooyinka aasaasiga ee ah in si fudud u baarto waraaqaha aqoonsiga diblomaasiyiinta ee loo soo diro Soomaaliya, waxaad ku dhammaanaysaa la macaamilka diblomaasiyiin leh ujeedo xun''.
Marxaladaha ay marto magacaabista safiirka
Ka hor inta aan safiir laga guddoomin waraaqaha oo uusan hawshiisa si rasmi ah u bilaabin, seddex marxaladood oo muhiim ah ayuu maraa.
1- Qoraal loo qoro dalka loo dirayo: Qoraalkan wuxuu ka yimaadaa dalka uu safiirku ka so jeedo, wuxuuna ku socdaa dalka fariisinka u noqonaya, waxaana lagu hagaajiyaa Note Verbale wasaaradda arrimaha dibadda. Waxaa akaloo la socda taariikh nololeedka danjiraha oo loo yaqaanno ambassador-designate. Haddii dalka martigelinaya uu diido Khasab looguma laha inuu sababta sheego sida ku cad cahdiga Vienna ee xiriirka diblomaasiyadda.
2- Ogolanshaha: dalka marti galiyaha ah marka uu ogolaado safiirka cusub, wuxuu dalka safiirka soo dirsaday ku wargaliyaa qoraal rasmi ah.
3- Marka aqbalo safiirka loo yaqaannay Ambassador-designate waxaa la diyaariyaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo oo ah warqad ka timaada madaxweynaha dalka uu safiirku ka soo jeedo. Waxaa qoraalka ka guddooma madaxweynaha ama wasiirka arrimaha dibadda ee dalka marti galiyaha ah, ka dibna hawlihii safiirnimo ayaa safiirkii magacwnaa u billowda, ayadoo laga reebo kalmadda designate.
Dawladda Soomaaliya kama aysan hadlin arrintan, ayadoo safiirka cusub warqadaha laga guddoomay, halka safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Addis Ababa aan dib loo celin, ama aan mid cusub la magacaabin.













