Wax ka ogow xanuunka Soomaaliya ka jira ee haatan faraha ba'an ku haya Shiinaha

Kaduudiye

Xigashada Sawirka, Getty Images

In ka badan 7,000 oo kiis oo fayras ay kaneecadu sababto ah ayaa laga soo sheegay gobolka Guangdong ee Shiinaha tan iyo bishii Luulyo, taasoo keentay in Shiinuhu qaado tallaabooyin la mid ah kuwii intii lagu jiray xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Magaalada Foshan city, oo uu aad u haleeyay xanuunkan chikungunya oo af soomaaliga lagu yiraahdo kaduudiye, ayay bukaannadu ku qasban yihiin inay isbitaallada joogaan, halkaasoo sariirahooda lagu xiray maro kaneeco. Waxaa keliya isbitaalka laga saari karaa marka la baaro lagana waayo xanuunka kadib muddo hal toddobaad ah oo ay joogeen isbitaalka.

Xanuunkan oo ay sababto qaniinyada kaneeco xanuunsan, ayaa wuxuu sababaa qandho iyo xanuun kala goysyada ah, waxaana laga yaabaa inaad muddo sanado ah isku aragto calamadaha.

Inkastoo uu dhif ku yahay Shiinaha, kaduudiyaha ayaa wuxuu inta badan ka dillaacaa koofurta iyo koofur bari Aasiya iyo qeybo ka mid ah Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.

Marka laga soot ago Foshan, ugu yaraan 12 magaalo oo kale oo ka tirsan gobolka koofureed ee Guangdong ayaa laga soo sheegay inuu ka dilaacay. Ku dhowaad 3,000 oo kiis ayaa laga soo sheegay toddobaadkii hore keliya.

Isniintii, Hong Kong ayaa laga helay kiiskii ugu horreeyay, wiil 12 jir ah ayaa waxaa qabatay qandho nabro jirkiisa kasoo yaacay iyo xanuun kala goysyada ah ayaana lagu arkau kadib markii uu bishii hore u safray Foshan.

Waa sidee heerka faafitaanka xanuunka ee Shiinaha?

Kaduudiye

Xigashada Sawirka, Getty Images

Fayraska ma aha mid faafa, waxaana keliya lagu kala qaadaa marka qof qaba ay qaniinto kaneeco taasoo haddana sii qaniinta dadka kale.

Saraakiisha dalkaas Shiinaha ayaa sheegay in dhammaanba kiisaska ay ahaayeen kuwo fudud, oo 95% bukaannada isbitaallada laga saaray toddoba maalmood gudahood.

Haddana kiisaska ayaa sababay walaac, marka la eego in fayraska aan sidaa looga aqoon dalkaas.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa ugu baaqay muwaadiniintiisa u safraya Shiinaha inay aad u taxadaraan.

Maxaa tallaabooyin ah oo kale oo uu qaadayaa Shiinuhu?

Shiinaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maamulka gobolka Guangdong ayaa wacad ku maray inay qaadi doonaan tallaabo adag oo lagu joojinayo faafitaanka xanuunka.

Dadka lagu arko calaamadaha sida qandho, xanuun kala goysyada ah, ama nabro ayaa lagu boorriyay inay tagaan isbitaalka ugu dhow si looga baaro xanuunka.

Waxaa dadka loogu baaqay inay gurayhooda ka saaraan biyaha ku raagay sida kuwa lagu waraabiyo ubaxa, waxaana qofkii aan sidaa sameyn lagu ganaaxi doonaa ilaa 10,000 oo yuan ah una dhiganta ($1,400).

Tallaabooyinka kale ee dalkaasi uu qaadayo waxaa ka mid ah in kaneecada cudurka faafineysa ay kusii daayeen kalluunka cuna kaneecada.

Toddobaadkii lasoo dhaafay maamulka magaalada Foshan ayaa sheegay in ilaa 5,000 oo kalluunkaas ah ay kusii daayeen harooyinka magaalada. Qeybo ka mid ah magaalada, waxay xitaa la dul mareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ugu kuur galaan biyaha ku raagay meelaha godan.

Dadka qaar ayaa tallaabooyinkaas la barbar dhigay kuwii xilligii xanuunka safmarka ah ee Covid, waxayna su'aal ka keeneen sababta loogu baahday.

Shiinaha ayaa xilligii uu socday xanuunka safmarka ah hirgelisay tallaabooyin adag, waxaana ka mid ah in dadka lagu qasbayay xerooyin lagu karantiilayo.

Soomaaliya iyo kaduudiyaha

Kaduudiye

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa bishii hore soo saartay baaq degdeg ah iyo tallaabo looga hortagayo faafitaanka fayraska ay kaneecadu dhaliso ee kaduudiyaha loo yaqaanno.

Qiyaastii 5.6 bilyan oo qof oo ku nool 119 dal ayaa la sheegay in ay halis ugu jiraan fayraska, kaas oo sababi kara qandho badan, xanuun kalagoysyada ah iyo mararka qaar, naafo waqti dheer ah, sida ay wariyayaasha ay u sheegtay Diana Rojas Alvarez, oo ah sarkaal ka tirsanka WHO oo ku sugan magaalada Geneva.

Soomaaliya ayaa ka mid ah goobaha kiisaska cudurkan ah lagu arkay muddooyinkii u dambeeyay sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka dawladda federaalka.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka dawladda feraalka Dr. Maxamed Xasan Maxamed ayay BBC u sheegay in baaritaan ay ku wadaan heerka faafitaanka xanuunkan ee gudaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay jiraan kiisas xanuunka ah, meelaha lagu arkayna ay ka mid yihiin deegaannada u dhow webiga iyo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wuxuu intaa raaciyay inay wadaan tallaabooyin taxadar leh oo looga hortagayo faafitaanka xanuunkan.

Muxuu yahay kaduudiye?

Kaduudiye

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inta badan dadka ay qaniinto kaneecada cudurka qabta waxay uga soo baxaysaa calaamadaha kaduudiyaha saddex ilaa toddoba maalmood gudahood.

Marka laga reebo qandho iyo xanuunka kalagoysyada, calaamadaha kale ee cudurkan waxaa ka mid ah finan, madax-xanuun, murqo xanuun iyo kala goysyada oo barara.

Inta badan, bukaanku waxay dareemi doonaan xoogaa kasoo reyn toddobaad gudihiis. Xaaladaha qaar si kastaba ha ahaatee, xanuunka wuxuu socon karaa bilo ama xitaa sanado.

Kuwa halista ugu jira waxaa ka mid ah dhallaanka, dadka da'da ah, iyo dadka qaba xaalado caafimaad oo hoose, sida cudurrada wadnaha ama sokorowga.

Ma jirto daawo, laakiin dhimashada kaduudiyaha waa dhif.

Fayraska waxaa markii ugu horreysay laga helay Tanzania sanadkii 1952. Kaddibna wuxuu ku faafay dalal kale oo ka hooseeya Saxaraha Afrika iyo Koonfur Bari Aasiya.

Ilaa hadda, waxaa laga soo sheegay in ka badan 110 waddan.

Sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo faafitaanka fayraska waa in la dhimo baraagaha biyaha fadhiya ee u oggolaanaya kaneecada inay taranto, sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.