Dhegeyso: Soomaaliya oo mar kale uu ku soo laabtay cudurka Kaduudiyaha iyo WHO oo ka digeysa
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa soo saartay baaq degdeg ah iyo tallaabo looga hortagayo faafitaanka fayraska ay kaneecadu dhaliso ee Kaduudiyaha loo yaqaanno.
Qiyaastii 5.6 bilyan oo qof oo ku nool 119 dal ayaa la sheegay in ay halis ugu jiraan fayraska, kaas oo sababi kara qandho badan, xanuun kalagoysyada ah iyo mararka qaar, naafo waqti dheer ah, sida ay wariyayaasha ay u sheegtay Diana Rojas Alvarez, oo ah sarkaal ka tirsanka WHO oo ku sugan magaalada Geneva.
Soomaaliya ayaa ka mid ah goobaha kiisaska cudurkan ah lagu arkay muddooyinkii u dambeeyay sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka dawladda federaalka.
Haddaba Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka dawladda feraalka Dr. Maxamed Xassan Maxamed ayay BBC-du wax ka waydisay cudarka Kaduudiyaha iyo meelaha lagu arkay iyo tallaabooyiinka ay qaadayaan, Axmed Badar ayuu u warramay.


