Dhalinyarada Hargeysa ku nool ee isku xira bukaannada dhiigga u baahan iyo kuwa dhiigga u shuba

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Saleebaan Saxansaxo
- Role, Hargeysa
Sannad kasta waxa adduunka laga xusaa 14-ka bisha June maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey Dhiig-bixinta.
Maalintan oo Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO, u aqoonsatay in ay noqoto maalin la isku wacyi geliyo muhiimadda ay leedahay in dadku shubaan dhiigga si loo badbaadiyo nafaha, waxaana sannadkan hal-ku-dhig looga dhigay "Bixi dhiig, sii rejo, wadajir ayeynu nolol ku badbaadin karnaa"
Haddaba, waxa jira laba dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland, kuwaas oo badbaadiya boqollaal qof noloshooda, iyaga oo isu xil-qaamay in ay dhiig u raadiyaan dadka bukaanka ah ee ku jira isbitaallada.
Cabdillaahi Cabdi Muuse iyo Caydaruus Mustafe Carab, oo ah labada dhalinyarada ah ee ka shaqeeya in ay caawiyaan dadka dhiigga u baahan, waxa ay si gaar ah u caawiyaan dadka dhiigyadoodu naadirka yahay ee dhiigga u baahan.
Sidee ayey dadka bukaannada ah ugu fududeeyaan helitaanka fhiigga ay doonayaan?

Xigashada Sawirka, Saleebaan Saxansaxo
Cabdilaahi Cabdi Muuse, oo muddo 11 sanno ah ka shaqaynayey hawshan dhiig u raadinta dadka bukaannada ah, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dadka dhiigga shubaya iyo bukaannada uu isku xidho, isaga oo adeegsanaya baraha bulshada, gaar ahaan Facebook-ga oo uu soo dhigo baahida dhiig ee jira iyo nooca loo baahan yahay.
"Inta badan waxa la sii xidhiidhaa qofka bukaanka ah ama ehelkiisa, iyaga oo leh waxaan u baahanahay dhiigga noocaas ah, waxaana uga baahanahay isbitaal halkaas ku yaala, ka dib waxa aan ugu baahiyaa baraha bulshada, ka dib dad badan ila soo xidhiidha, waxaan ku xidhnaa dadka dhiigga u baahnaa," ayuu yidhi Cabdilaahi.
Waxa uu intaas ku daray in sannadkii hore ee 2024-ka, uu dad gaadhaya afar boqol oo qof oo bukaan ah uu la raadiyey dhiig ah noocii ay u baahnaayeen. "Sannadkii dhamaaday ee 2024-ka waxa aan dhiig la raadiyey, oo la helay bukaanno u baahnaa dhiig oo tiradoodu gaadhayso afar boqol iyo shan qof," ayuu intaa ku daray.
Maxaa ku dhiirri-geliyey hawshan ay isu xil-qaameen?

Xigashada Sawirka, Saleebaan Saxansaxo
Caydaruus Mustafe Carab, oo isaguna ah wiilka labaad ee isu xil-qaamay in uu dadka bukaannada ah iyo eheladooda ka caawiya in ay helaan dhiig, oo uga warramay BBC-da hawshan iyo waxyaabaha ku dhaliyey inuu ka shaqeeyo, ayaa sheegay in uu ka mid yahay dadka nooca dhiiggoodu ugu baahida badan yahay ee la raadiyo, taasna ay ku dhalisay inuu dadka ka caawiyo sidii ay dhiiga ay u baahan yihiin u heli lahaayeen.
"Waxa igu dhaliyey, aniga laftayda ayaa nooca dhiiggaygu yahay O-, oo ah noocyada ugu yar, baahidooduna badan tahay, markaa habeen ayaa la kulmay xaalad gabadh u baahnayd dhiig ilaa siddeed bac, markaa isku dhiig ayaan ahayn aniga la ii yeedhay, markaa habeenimadii dhibaatadii lala kulmay, isla habeenkaas ayaa haddana gabadh kale la keenay Isbitaalka oo iyadu xaaladdii oo kale ee baahida dhiigga la kulantay ayaa igu kaliftay in aan sameeyo in aan barnaamijkan bilaabo" ayuu yidhi Caydaruus.
Maxay yihiin dhiigyada ugu badan ee dadku u baahan yihiin ee la soo weydiiyo?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inkasta oo ay jiraan siddeed nooc oo dhiigyada ah, haddana qaar ka mid ah ayaa dhiigyadan ayaa baahidoodu badan tahay, maddaama oo ay yar yihiin.
Cabdilaahi Cabdi, waxa uu sharaxayaa noocyada dhiigyada ee dadku u baahan ay soo weydiiyaan,si uu ugu raadiyo, waxaanu yidhi "dhiigaga ugu badan ee loo baahdo ee dadku is soo weydiiyaan waa dhiigga naadir ah ee ay yar tahay in la helo dhiigyada negative u badan ee ay ka midka yihiin A-, O-, B- iyo AB-".
Dhinaca kale, Caydaruus Mustafe Carab, waxa uu xusay in hawshan tabarucaad dhiiga ee uu sameeyey uu ku ururiyey dad gaadhaya kun iyo shan boqol oo qof oo dhiig bixiyayaal ah, kuwaas oo uu u sameeyey bar-kulamo ay ku wada jiraan, iyaga oo loo qaybiyo intii isu nooc yahay dhiigoodu." Waxaa jira dhiigyada qaar aad u yar, tusaale ahaan dhiigga AB- oo dadkaas gaadhaya kun iyo shanta boqol ee aanu ururinay, 17 keliya ayaan ku jira leh dhiig AB-"
Dadka aan ehelkoodu joogin magaalada Hargeysa, ayaa ah kuwa inta badan raadiya cid dhiig u shubta, waana kuwa u badan ee ay dhalinyaradani caawiso, sida uu leeyahay Cabdilaahi Cabdi Muuse, "Dad badan oo aan dhiig la raadiyo, waxa ay ka yimaadaan gobolo madaama oo dadkaas qaarkood ehel u joogin Hargeysa."
Cabdilaahi Cabdi Muuse, waxa uu u sheegay BBC-da in jiraan caqabado kala duwan oo uu la kulmayey muddadii uu hawshan waday "Caqabado badan ayaa jira oo ay ka mid tahay dhiiggu mar walba waa wax loo baahan yahay iyo in aanay jirin meel uu mar walba dhiig ku diyaarsan yahay. Wacyi-gelin la'aanta ayaa jirta. Caqabadaha kale ee aan la kulmo waxa ka mid ah in marmar loo baahdo ilaa 10 qof oo dhiig shuba, oo ay adkaado in la wada helo," ayuu yidhi Cabdillaahi.
Caydaruus Mustafe, waxa uu isaguna u sheegay BBC-da in caqabadaha ay la kulmaan ay ka mid yihiin "Dadka qaarkood ayaa ku odhanaya hawsha mashruuc ayaad ku qaadateen, kuwa kale waxay moodayaan hawshan tabarucaadka ah ee aan wado in aan lacag ku qaato oo aan dilaalayno"

Xigashada Sawirka, Saleebaan Saxansaxo
Sannad kasta, boqollaal qof oo halis ay ku jirtay nololashoodu ayey dhalinyaradani badbaadiyeen, iyaga oo u raadiyey dhiig ay u baahnaayeen.
Dadkan ay badbaadiyeen waxa ka mid ahaa Musfate Maxamed Deeq, oo ku nool magaalada Hargeysa, isaga oo la hadlayey BBC-da ayaa sheegay in xilli uu baahi weyn u qabay inuu helo dhiig, la caawiyey, "Ilaahay ka sakow, waxa uu iga caawiyey in ay naftaydu badbaado, oo xilli aan baahi weyn u qabay ayuu ii raadiyey qof dhiig ii shuba. Markaa aan xaaladdii aan ku jiray ka baxay ee aan Ilaahay u mahad celiyey, qofkii labaad u mahad celiyey wuxuu ahaa Cabdilaahi, oo waqti kooban dhiiggii aan u baahnaa ii raadiyey, qofkii ii shubayna igu soo xidhay".
Wiilkan oo keliya maaha dadka ay noloshooda badbaadiyey dhalinyaradani, waxa jira dad badan sidan oo kale ay u badbaadiyeen, una caawiyeen ehelladooda oo markaas raadinayey dhiig.
"Walaashay oo xaalad halis ah ku jirta oo dhiig u baahan, oo aan garanayn meel aan u doono oo aan meel ka ooyayo, ayaa wiilka Caydaruus la yidhaahdo oo dadka caawinaya lambarkiisa la i siiyey, markii aan u sheegay dhiiga aan u baahanahay markiiba wuxuu ii keenay qof dhiig noo shuba. Runtii murugadii qoys ahaan na haystay ayuu wiilkaas saacado nagaga fayday." Ayey tidhi Ikraan Yaasiin, oo walaasheed oo xaalad caafimaad darro la soo deristay uu caawiyey mid ka mid ah dhalinyaradan mutadaciwiinta ah.














