Wax ka ogow kaneecada aan wax qaniini karin ee ay beeraneyso Jabuuti

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Jabuuti ayaa waxay daah-furtay ‘Barnaamijka ay ugu magac dartay "Kaneecada aan dhibka lahayn", kaas oo ay sheegeen inay doonayaan inay kaga takhalusaaan kaneecada dalkaasi ka jirta ee dhalisa cudurka Malaariyada.
Qorshahaan waxaa Jabuuti ka gacan siinaya shirkado caalami ah oo adeegsanaya cilmiga bayloojiga, waxaana ka mid ah shirkadda Oxitec, iyo NGO maxalli ah oo lagu magacaabo Association Mutualise.
Wasiirka caafimaadka Jamhuuriyada Jabuuti Axmed Rooble Cabdille ayaa BBCda u sheegay in tallaabadan tahay qorshe loo adeegsanayo Tiknoolajiyad sare si kaneecada looga dhammeeyo dalkaasi
“Mashruucaan waxaan ka shaqaynayey muddo labo sano ah, sida la ogyahayna waxaa keenaya isbaddelka cimilada oo dalka Jabuuti waxaa ka da’aya roobab badan, marka cimilada isbaddeshay waxay keentay in wixii xasharaadna is baddelaan” ayuu wasiir Rooble u sheegay BBC da.
Sida uu sheegay wasiir Rooble, waxaa qorshahaan la bilaabay maanta oo khamiis ah iyadoo uu daahfuray ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti.
“Waxaa jirtay Jabuuti nooc kaneeco ah oo hore loo yaqanay laakiin waa isbadeshay muddo shan sano laga joogo, kaneeca kale oo ka timi bariga Qaarada Aasiya gaar ahaan dalalka fog sida, Thailand oo la yiraahdo ‘Anopheles stephensi’ ayaa timi dalka taas oo leh dabeecado cajiiba, waxay dadka qaniinaysa marka heerkulku gaaro 50 degree", ayuu hadalkiisa raaciyay Rooble.
Muxuu yahay hanaankaan?

Xigashada Sawirka, oxitec
Dalku wuxuu samaynayaa ‘in la saaxiibiyo labo kaneeco oo jinsi ahaan kala duwan balse la doonayo in labadaas kala duwan la isku geeyo tooda lab iyo tooda dhaddig si ay u dhalaan nooc cusub oo aan lahayn waxyeelada labadaasi ay leeyihiin’
Kaneecadan cusub ayey Jabuuti ku sheegtay inay awood u yeelanayso in lagula dagaalamo cudurka duumada ee cusub ee Bariga Afrika, kaas oo loo yaqaano Anopheles stephensi, taas oo keenaysa khatar weyn oo caafimaadka bulshada ah. Faafinta cudurkaan ayaa la sheegay in ay ugu wacan tahay la qabsiga kaneecada ee bay'ada magaalooyinka iyo fogaanshaha daaweynta duumada.
Habkani wuxuu ku cusub yahay Qaarada Afrika basle waxaa sida hadda Jabuuti u adeegsanayso looga fuliyey dalalka Maraykanka iyo Brazil sida uu BBCda u sheegay wasiirka caafimaadka Axmed Rooble
“Waxaan xaafadaha magaalada Jabuuti ka qaqabanay kaneeco ka dibna waa la koriyey iyadoo la adeegsanayo hidde side, qorshuna waxaa weeye in la ogaaday in kaneecada keenta fayriska duumada ay tahay tan dhaddig taas ayaan doonaynaa inaan Jabuuti ka tirtirno.,” ayuu yiri wasiir Rooble.
Noocaan cusub ee kaneecada ah ayuu wasiir Rooble sheegay “inaysan u ekeyn tii hore oo si toosa loo garanayo”

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Toddobaadyada soo socda, tobannaan kun oo kaneeco ah oo qaniinyadeedu wax dhib ah aysan lahayn ayaa lagu sii dayn doonaa miyiga dalka Jabuuti si tijaaba ah iyadoo la qiimaynayo sida uu BBCda u sheegay wasiir Rooble.
Wuxuu sheegay inay si taxadar leh u howlgalin doonaan tijaabooyinka muddada saddexda bilood ee soo socda.
Xalkan cusub waxa uu noqon karaa qaab lama huraan ah oo lagula dagaalamo duumada guud ahaan qaaradda Afrika, maadaama fayraska cusubi uu ku sii fidayo meelo cusub oo uu la qabsanayo agabka la dagaalanka duumada ee jira sida shabaqyada sariiraha iyo sunta cayayaanka lagu dilo.
'Anopheles Stephensi' waa kaneeco ka soo hayanatay dalal ku yaala Aasiya, taasoo ku fiday bariga dhexe, haatanna ku soo duushay Geeska Afrika. Si ka duwan inta badan cudurada duumada, waxa ay si fiican ula qabsatay deegaanka magaalooyinka.
Kiisaska Jabuuti ayaa si aad ah kor ugu kacay sannadihii u dambeeyay, 27 oo keliya ayay ahayd sannadkii 2012 kii, waxayna gaartau 73,000 iyo wax ka sii badan sanadkii 2020 kii.
Sida lagu sheegay xogta la xiriirta duumada ee ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, 94 boqolkiiba dhammaan kiisaska duumada ee dunida waxay ka jiraan Qaaradda Afrika.
















