Sidee ayuu kuleylka daran u saameeyaa jirka, xanuunno noocee ah ayaana laga qaadaa?

kuleyl

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhowr dal oo Afrikaan ah, gaar ahaanna Geeska Afrika oo idil Soomaaliyana ay ka mid tahay ayaa wajahaya kuleyl aad u daran, tanoo meelaha qaar ka dhalisay khasaare.

Deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo beeraha caanka ku ah ayaa isbddelka cimilada iyo fatahaaddiii hore El Nino iyo kuleylaha ba’an ee bishan April ay saameeyeen waxsoo saarka beeraha, gaar ahaanna mooska.

Kuleylaha ayaa sidoo kale sababay xanuunno uu ka mid yahay shuban-biyoodka oo halkaasi ay ugu dhinteen ilaa 16 qof, sida uu BBC u sheegay guddoomiyaha deegaanka Jannaalle, Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur (al-Caddaala)

Dhanka kale, magaalada Godey ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, heerkulka ba’an ayaa khasaare nafeed gaystay kaasoo toddobaadyadii u dambeeyey sare u sii kacayey.

Sida uu sheegayo Salaaxudiin Cabdullaahi Cumar oo ka tirsan madaxda iskaashatada deegaankaas ka jirta oo ka shaqaysa wax soo saarka, waxaa uu BBC u shegay in xaaladda hadda deegaankooda ka jirta aysan weli hore u soo marin.

Iskaashatada uu madaxda ka yahay Salaaxudiin ayaa todobaadkan weyday boqollaal digaag oo ay xanaaneynayeen, ka dib kulayl daran oo aan hore u soo marin Godey oo dadku ay la yaabeen.

“Kulaylka waxaa noo dheer magaaladu markii hore biyo fiican ayey haysan jirtay, haddii wax laga qabanayana waa naloo sii sheegi jiray, taana waxay noo saamixi jirtay in aan ka sii gaashaamanno muddada biyuhu go’an yihiin oo aan biyo sii dhaansanno, haddase waxaa dhacday in mar kaliya ay biyihii go’aan innagoo aan ka diyaar garoobin” ayuu yiri Salaaxudiin oo BBC u warramayey.

Meelaha kuleylka ba’an laga soo sheegayo waxaa sidoo kale ka mid ah caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, oo dadku ay baraha bulshada ku hadal hayaan kuleylka ka jira.

Waaxaha saadaasha hawada ee gobolka ayaa sheegaya in heerkulka daran ay sabab u yihiin dabeylaha usoo dhaqaaqaya dhanka Afrika.

Muxuu kuleylka daran jirkeenna u geystaa?

Somalia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iyadoo jirku uu sii kululaanayo, xiidmaha dhiigga ayaa is fura. Tan ayaa sababta inay cadaadiska dhiigga hoos u dhaco isla markaana wadnuhu aad u shaqeeyo si uu dhiigga u gaarsiiyo jirka.

Tan waxay sababtaa calaamado khafiif ah sida jirka oo finan kasoo daataan, cuncun iyo lugaha oo barara.

Isla mar ahaantaa, dhididka ayaa sababa in qofku dheecaan badan uu lumiyo amaba cusbada, waxaana lumaya dheellitirkooda gudaha jirka.

Arrintan, marka lagu daro cadaadiska dhiigga ee hoos u dhacaya, waxay horseedi kartaa xaalad ka dhalata kuleylka. Calaamadaha aad isku arkeyso waxaa ka mid ah:

  • Dawaqsanaan
  • Labalabbo
  • Suuxdin
  • Murqo-xanuun
  • Madax-xanuun
  • Dhidid saa'id ah
  • Daal
  • Jirka oo qabow noqda ama midabkiisu is beddelo
  • Haddii cadaadiska dhiiggu aad hoos ugu dhaco, waxaa kordheysa khatarta wadno xanuunka.

Sidee ayaan ugu badbaadi karaa meelaha kulul?

Kuleylka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xarunta Xakameynta Cudurrada iyo Kahortagga (CDC) ayaa dadka kula talineysa:

  • Xiro dhar kugu habboon kaasoo khafiif ah oo aan aad kugu dhegganeyn.
  • Ku sugnow meel furan oo haweo leh intaad awooddo. Haddii gurigaagu uusan qaboojiye lahayn, aad meelaha laga dukaameysto amaba matxafyada bulshada.
  • Waxaad sidoo kale wici kartaa waaxda caafimaadka deegaankaaga si aad u aragto in meelaha kuleylka laga galo ay ku yaallaan halkaas.
  • Iska xaddid bannaan u bixidda amaba dib u dhigo marka ay cimiladu xoogaa qabowdo.
  • Cab biyo badan.
  • Joog meel har leh, isticmaal kareenka qorraxda iyo koofiyad.
  • Ilaali oo ka war hay dadka uu kuleylku aadka u dhibayo, sida dadka waaweyn, kuwa qaba xaalado caafimaad amaba kuwa keligood nool.
  • Cidna gudaha gaari xiran ha uga tegin, gaar ahaan dhallaanka, carruurta amaba xayawaannada.