Xamaas oo diidday inay hubka dhigto shuruud adagna ku xirtay

Xamaas

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock

Qoraalka sawirka, Sawir la qaaday February oo muujinaya dagaal-yahannada hubeysan ee Xamaas mar ay wareejinayeen la heystayaasha Israa'iil
    • Author, Thomas Mackintosh
    • Role, BBC News

Xamaas waxay mar kale xaqiijisay inaysan oggolaan doonin inay hubka dhigto ilaa la aasaaso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, taasoo ay uga jawaabayso mid ka mid ah shuruudaha muhiimka ah ee Israa'iil ku xirtay wadaxaajoodka xabbad-joojinta ee Qasa.

Kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ah ayaa sheegtay inay ka jawaabayso hadallo ay ku sheegtay inuu yiri wakiilka Bariga Dhexe ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Steve Witkoff, kaasoo sheegay in Xamas ay "muujisay diyaar garowgeeda" inay hubka dhigto.

Isras'iil l waxay u aragtaa in hub ka dhigista Xamas ay tahay mid ka mid ah shuruudaha muhiimka ah ee heshiis kasta oo lagu soo afjaro colaadda.

Wadaxaajood aan toos ahayn oo u dhexeeya Israa'iill iyo Xamaas si loo gaaro xabbad-joojin iyo sii deynta maxaabiista ayaa hakaday toddobaadkii hore.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, dowladaha Carabta ayaa ku boorriyay Xamaas inay hubka ka dhigaan oo ay dhiibaan maamulka Gaza, ka dib markii dalal badan oo reer galbeed ah - oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Kanada - ay ku dhawaaqeen qorshe ay ku aqoonsanayaan dowlad Falastiin. UK waxa ay sheegtay in aqoonsan doonto dowlad Falastiin ahhaddii Israa'iil ay buuxin weydo shuruudaha qaarkood marka la gaaro Sebtembar.

Xamaas oo ah koox ay argagixiso u aqoonsan yihiin Maraykanka, UK, iyo Midowga Yurub — waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay inaanay ka tanaasuli karin "xaquuqda iska-caabinta iyo hubkeeda" ilaa la aasaaso "dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, si buuxda u leh karaamadeeda, oo ay caasimad u tahay Qudus."

Taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Israa'iil ee IDF, Jenaraal Eyal Zamir, ayaa Jimcihii ka digay inuusan joogsan doonin dagaalka Qasa hadii wadaxaajoodyada fashilmaan oo si deg deg ah loogu xaqjiiqin sii dayn lahaystayaasha ay Xamaas haysato.

Sabtidii, qoyska la hayste Evyatar David ayaa soo saaray bayaan kaddib markii Xamas ay sii daysay muuqaal fiidiyow ah oo muujinaya isaga isagoo shaadh la'aan ah, aad u caatoobay, kuna jira god mugdi ah.

Qoyska ayaa ku eedeeyay Xamaas inay gaajeyneysiiyeen isaga si uu qayb ugu noqdo been abuura, waxayna ka codsadeen dowladda Maraykanka iyo Israa'iil inay sameeyaan wax kasta oo suuragal ah si loo badbaadiyo.

Qasa

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Lishay Lavi, haweeneyda la heyste Omri Miran oo lagu afduubtay weerarkii dhiiggu ku daatay ee October 7, 2023 ee Xamaas ay ku qaadday Israa'iil, oo dhex fadhisa siligga ammaanka mar dibad-bax uu ka socday Talaabiib
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Witkoff ayaa booqanayay Israa'iil l xilli dowladda uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ay wajahayo cadaadis isa soo taraya oo la xiriira xaaladda bini'aadantinimo ee kasii daraysa ee gudaha Qasa.

Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay in Qasa ay ka jirto gaajo dad sameysay oo baahsan, waxayna eedda dusha uga tuureen Israa'iila, oo gacanta ku haysa dhammaan sahayda gasha dhulkaasi. Israa'iil ayaase ku adkeysatay inaysan jirin wax xayiraad ah oo saaran caawimada bini'aadantinimo, iyadoo sheegtay inaysan jirin "gaajo" halkaas ka jirta.

Horraantii sabtidii, Witkoff wuxuu magaalada Tel Aviv kula kulmay qoysaska Israa'iiliyiinta ee weli lagu haysto gudaha Qasa.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Wakiilka Maraykanka ee wadaxaajoodka isagoo si diirran loogu soo dhaweeyay sacab iyo codsiyo gargaar ah markii uu yimid barxad caan ku noqotay bannaanbaxyada la xiriira la haystayaasha.

Witkoff wuxuu sheegay in dadaallada nabadeed ay tahay in diiradda lagu saaro soo afjaridda colaadda iyo soo celinta dhammaan la haystayaasha, halkii laga raaci lahaa waxa uu ugu yeeray "heshiis qayb ah"

Intii uu safarkiisa ku guda jiray, Witkoff wuxuu Khamiistii la kulmay Netanyahu, Jimcihiina wuxuu kormeeray xarun gargaar oo ku taalla koonfurta Qasa oo si weyn loo dhaleeceeyay.

Tirooyinka ugu dambeeyay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in ugu yaraan 1,373 Falastiiniyiin ah lagu dilay iyagoo raadinaya cunto tan iyo dabayaaqadii bisha Maajo.

Inta badan dadkaasi waxaa lagu dilay meelaha sahayda lagu qeybiyo ee ku dhow xadka, gaar ahaan kuwa uu taageerayo mashruuca Gargaarka Qasa ee ay maalgelinayaan Israel iyo Mareykanka, sida ay sheegtay QM.

Israa'iil ayaa ku eedeysay Xamaas inay fowdo ka abuurayso agagaarka goobahaasi, iyadoo sheegtay in ciidamadeeda aysan si ula kac ah u beegsan rayid.

Steve Witkoff oo gacan qaadaya haweeney xijaab xiran

Xigashada Sawirka, Office of United States Special Envoy to the Middle East

Qoraalka sawirka, Steve Witkoff ayaa Jimcihii tegay Marinka Qasa si uu ugu kuurgalo xaaladda bani'aadannimo

Milatariga Israa'iil ayaa Qasa ka bilaabay olole ay kaga jawaabayaan weerarkii ay Xamaas hogaaminaysay ee lagu qaaday koonfurta Israa'iil 7-dii October 2023, kaas oo ku dhawaad 1,200 oo qof lagu dilay, 251 kalena lagu qafaashay.

In ka badan 60,000 oo qof ayaa tan iyo markii lagu dilay Qasa, 169 qof oo ay ku jiraan 93 carruur ah ayaa u dhintay nafaqo darro, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee dhulkaas