Israa'iil oo Lubnaan ka baadi-goobeysa meydadka askar 40 sano ka hor dhintay

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Dagaal dhulka iyo cirka ahaa oo u dhexeeyay Israa'iil iyo kooxda Xisbullaah oo ay taageerto Iiraan ayaa sababay dhimashada tobanaan qof oo Lubnaan u dhashay.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 41 qof la dilay, 40 kalena ay ku dhaawacmeen hawlgal habeenimo ka dhacay gobolka bari ee Bekaa Valley, kaas oo ay Israa'iil fulisay.

Saddex askari oo ka tirsan ciidanka Lubnaan ayaa ka mid ahaa dadka dhintay, halka dadka deegaanka ay sheegeen in dad rayid ah, oo ay ku jiraan carruur ay sidoo kale ku dhinteen hawlglkaasi.

Hawlgalkan milatari ayaa la sheegay in ujeeddadiisu ahayd in la helo maydka xubin ka tirsan Ciidanka Cirka ee Israa'iil oo 40 sano ka hor lagu waayey Lubnaan. In kasta oo god qabri ah laga helay xabaalaha tuulada maalintii Sabtida.

"Waxaan moodaynay inuu halkaas ku jiray, laakiin waxba lama helin," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka, isagoo intaa ku daray in qabriga la helay uu ahaa mid faaruq ah oo aan waxba ku duugneyn.

Dhanka kale, waxaa jira dhismayaal ku yaallay aagga oo dumay; kadib qarax dhulka hoostiisa ka dhacay, kadibna waxaa halkaa ka samaysmay god weyn. Burburka dhexdiisa waxaa ku daadsan buugaag carruur, sawirro iyo weelal, taasoo muujinaysa in aaggaasi hore u ahaa meel ay deganaayeen dad rayid ah. Xisbullaah oo ka Talisa deegaankaas ayaa warbaahinta u ogolaatay inay galaan tuulada si ay u muujiyaan baaxadda burburka.

Xisbullaah oo koox siyaasadda ku jirta waxa ay dalal badan oo ay kamid yihiin Ingiriiska iyo Maraylanka u aqoonsadeen urur argagixiso.

Ciidanka Lubnaan ayaa sheegay inay arkeen afar diyaaradood oo Israa'iil oo ka soo gudbiya meel u dhow xadka u dhexeeya Lubnaan iyo Siiriya fiidkii Jimcihii ee lasoo dhaafay, laba ka mid ah diyaaradahaas ayaa la sheegay inay ciidamo gaar ah ku dejiyeen halkaas.

Waxa kale oo ay sheegeyn in isla markiiba ka bilowdeyn halkaas"duqeymo cirka ah oo ballaaran". Ciidanka Lubnaan oo doonayay in aysan ku lug yeelan dagaalka u dhexeeya Xisbullaah iyo Israa'iil ayaa sheegay inay qaadeen "tallaabooyin degdeg ah oo feejignaan iyo difaac ah", iyagoo isticmaalay bambooyin iftiin leh si ay u ogaadaan goobta ay ciidamadu ku soo dageen.

Iska hor imaadkaan ka dhacay Tuulada Nabi Chit, ayaa dhexeeyay ciidamada Israa'iil, dagaalyahannada Xisbullaah, iyo dad rayid ah oo difaacanayey guryahooda

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Saqda dhexe habeenkaas waxaan dareennay dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo ka dhacay dhinac ka mid ah tuulada. Markii dambe waxaa ogaanay inay ahaayeen cutub ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Israa'iil oo sameenayey hawlgal gaar ah," ayuu yiri sarkaal deegaanka ka tirsan oo joogay goobta uu ka dhacay qaraxa.

"Markaas 'iska caabinta' ayaa hareeraysay, waxaana bilowday dagaal culus. Kadibna ciidanka cirka ayaa kordhiyay duqeymaha si ay ugu suurtagasho inay ka saaraan cutubyadooda, taasoo sababtay burburka aadka u weyn."

Xisbullaah iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in Israa'iil ay ka geesatay aagga ku dhowaad 40 duqeyn oo cirka ah si ay ugu suuragasho in Meesha ka baxaan ciidamadooda gaarka ah.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay BBC in askarta Israa'iil ay yimaadeen iyagoo isku soo ekeesiiyey askarta Lubnaan, ayna adeegsadeen ambalaasyo ay ku yaallaan astaanta ururka caafimaadka ee Xisbullaah.

Taliyaha ciidanka Lubnaan ayaa arrintan markii dambe u xaqiijiyay warbaahinta gudaha, balse ciidamada difaaca Israa'iil (IDF) kama aysan jawaabin codsi ay BBC-da u dirtay oo ku saabsan eedeyntaas.

Magalaadaan ayaa kamid ah magaalooyin ay Israa'iil amartay in ay dadka iskaga baxaan,iyada oo dadka deegaanka ay sheegayn in ay heleen farriin lagu amrayo dadka rayidka ah inay guryahooda ka baxaan la bixiyay wax yar ka hor inta hawlgalku bilaaban.

Maxamed Chokr, oo adeerkiis iyo qaraabo kale ay ka mid ahaayeen dadka la dilay, ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisu ay dareemayeen ammaan yar sababtoo ah waxay ogaayeen in aysan wax xiriir ah la lahayn Xisbullaah

"Adeerkay waa askari hawlgab ah, wiilkiisuna sidoo kale waa askari hawlgab ah, wiilkiisa kalena waa macallin dugsi. Annagu kuma xirnin xisbi siyaasadeed. Waxaan nahay Shiico, waan jecelnahay Xisbullaah, laakiin xubin kama nihin Xisbullaah, dhammaanteen waxaan ka tirsanahay ciidanka Lubnaan," ayuu yiri.

"Sideen maanta u dareemayaa? Kuwani waa adeerkay, carruurtiisa iyo carruurtooda."

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxa uu Maxamed sheegay in qaar kale oo mid ah qaraabadiisa uu ku qaaday cagaf si uu isugu dayo inuu qoyska ka badbaadiyo burburka dhisma.

Qof kale oo deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay magaca adeerka Maxamed iyo magacyada dad kale, isagoo tirinaya dadka ku dhintay dagaalka

Dadka deegaanka ee joogay magaalada xilligii hawlgalka milatari, iyo kuwo kale oo meel kale ku sugnaa, ayaa Sabtidii isugu yimid god weyn oo qarax ka sameeyay si ay u qiimeeyaan khasaaraha una fahmaan waxa dhacay.

"Waxay bambooyin ku rideen wax walba. Tani waa waalli," ayuu yiri Cali Shakur.

"Waxaan u maleynayaa inay la yaabeen cidda weli joogtay halkan, sababtoo ah markii ay bambooyinka tuurayeen waxay u maleeyeen in qof walba uu hore u baxay."

Nin kale oo magaalada ka degan ayaa sheegay in qaar kamid ah dadka ay hore u baxeen, carruurtooduna ay daadgureeyeen, balse ay jireen dad kale oo joogay tuulada iyagoo rumaysan in weerarradu ay la mid noqon doonaan kuwii hore.

"Si caadiga ahayd waxa ay duqeyn jireen laba ama sadex guri, laakiin markaan waa ay ka duwaneyd xaaladda sidaas, weerarku ma joogsan muddo, waad arki kartaa sida uu u weynaa", ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray "Laakiin annagu halkan waxaan u joognaa oo aan nahay iska-caabin, waana iska caabinnay."

Haweeney ku dhex socotay guryaha burburay ayaa ku qaylineesay "Israa'iil si aan caddaalad ahayn ayey noo weerareysa, annagu waxaa nahay Xisbullaah, waana guuleysan doonnaa."

Ciidanka Israa'iil ayaa sheegay in hawlgalkii habeenkii aan wax askar ah oo ka tirsan IDF wax kusoo gaarin. Waxay sidoo kale intaas ku dareen inay "si aan kala joogsi lahayn u sii wadi doonaan hawlgallada, habeen iyo maalin, illaa guryahooda kusoo celiyaan dhammaan wiilasha Israa'iil ee dhintay iyo kuwa la la'yahay."

Laakiin Tami, xaaska Ron Arad oo mid kamid ah askarta lagu la'ayahay Lubnaan ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Israa'iil in aysan halis gelin nolosha askarta IDF.

"Waxaan fahamsanahay in hadalladayadii hore aysan si fiican u gaarin madaxda, sidaas darteed waa muhiim inaan caddeyno rabitaankeenna, waa inaan ogaano waxa ku dhacay Ron, waana la in la joojiyo marka ay jirto khatar ku wajahan askarta IDF," ayay ku qortay Facebook.

"Annaga aragtideenna, qiimaha nolosha ayaa ka horreeya waajibaadka ah in maydka askari dib loogu soo celiyo si loo aaso."

Qoraal kale oo ay Sabtidii soo saareyn ciidamada IDF ayey kuu sheegeen in weerarkii ay ka geesteyn koofurta iyo bariga Lubnaan Bekaa Valley ay beegsadeen hub iyo "goobo milatari oo uu lahaa ururka argagixisada ee Xisbullaah".

IDF kama aysan jawaabin codsiyada BBC ee ku saabsan bartilmaameedyada duqeymaha ku hareeraysan Nabi Chit.

Guud ahaan Lubnaan ugu yaraan 294 qof ayaa lagu dilay hawlgallada milatari ee Israa'iil tan iyo Isniintii, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.