Israa'iil oo lagu eedeeyay in ay sun ku buufisay dalaga beeraha Lubnaan

Xigashada Sawirka, Reuters
- Author, Samantha Granville
- Reporting from, Beirut
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Lubnaan ayaa ku eedaysay diyaaradaha Israa'iil in ay ku buufiyeen sunta dhirta tuulooyinka koonfureed taa oo maamulkeedu tilmaamay in ay tahay mid aad khatar u ah, taas oo kor u qaadaysa welwelka laga qabo ammaanka cuntada iyo deegaanka.
Wasaaradaha beeraha iyo deegaanka ayaa sheegtay in shaybaar ku xaqiijiyeen in walaxdaasi ay tahay glyphosate oo ah kiimiko loo isticmaalo in lagu baabi'iyo daaqsinka,iyada oo ay ku urursan yihiin muunada qaar "inta u dhaxaysa 20 ilaa 30 jeer heerka inta badan la aqbalo".
Madaxweyne Joseph Aoun ayaa cambaareeyay buufinta wax uu ku tilmaameen "walxaha sunta ah", isaga oo ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida Lubnaan iyo dembi deegaan iyo caafimaad.
Ciidamada difaaca Israa'iil (IDF) ayaa BBC-da u sheegay in aysan wax hadal ah ka bixin arrintan.
Ujeedada ka danbeysa buufinta daawoyinka dhirta ee tuulooyinka ayaan weli caddayn.
Dad ku nool tuulooyin dhowr ah oo xuduudka ku yaalla ayaa soo sheegay buufinta, taasoo ku soo beegantay in ka badan hal sano kaddib markii xabbad joojin lagu soo afjaray dagaal u dhexeeyay Israa'iil iyo kooxda Shiicada ah ee Xisbullah ee Lubnaan.
Horaantii usbuucan, ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan Lubnaan ayaa sheegay in ay ku wargelisay Israa'iil qorshooyin lagu buufinayo meel u dhow xadka, waxaana lagula taliyay in ay gabaad galaan.
Isgaarsiinta ayaa ku qasabtay inay joojiyaan qaar ka mid ah howlahooda qorsheysan. Waxay sheegeen in aanay ahayn markii ugu horreysay oo ciidamada Israa'iil ay diyaarado ka soo daadiyaan walxaha kiimikada ah oo aan la garanayn dhulka Lubnaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iyada oo tobanaan kun ay wali barakaceen ka dib colaaddii u dhaxaysay Israa'iil iyo Hezbollah sannadihii 2023-24, caqabadaha dib ugu laabashada dalkooda ayaa sii kordhay, sida uu sheegay Ramzi Kaiss, oo ah cilmi-baare ka tirsan Human Rights Watch oo jooga Lubnaan.
"Meelahani waxay si aad ah ugu tiirsan yihiin beeraha - geedo saytuun ah, tubaako, iyo dalagyo kale - waxayna dhacdadani adkeynaysaa awoodda dadka inay ku noqdaan guryahooda, ilaashadaan noloshooda, iyo dib u dhis ka dib burbur ballaaran," ayuu yiri Kaiss.
Khubarada ayaa ka digaya in dhacdooyinkan oo kale aysan waxyeelo u geysanayn nidaamka deegaanka balse ay sidoo kale cawaaqib dhaqaale oo ballaaran ku leeyihiin qaybta beeralayda ee Lubnaan.
Bishii Abriil 2025, Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in iskahorimaadka 2024 uu sababay in ka badan $700m waxyeello iyo khasaare soo gaartay waaxda beeraha ee Lubnaan, gaar ahaan koonfurta iyo Dooxada Bekaa.
Kooxaha deegaanka sida Green Southerners ee Lubnaan ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay saameynta wax soo saarka beeraha iyo bacriminta ciidda.
"Falalkani waxay khatar ku yihiin hab-nololeedyada deegaanka oo ay horay u waxyeeloobay fosfooraska cad, oo leh khataro halis ah oo ku wajahan bulshooyinka cayayaanka iyo pollinators dabiiciga ah, oo wiiqaya kala duwanaanshaha noolaha, sugnaanta cuntada, iyo hab-nololeedyada maxalliga ah," ayay kooxdu ku tidhi barta Instagram-ka.
Laakiin ma jiro heshiis caalami ah oo ku saabsan halista glyphosate.
Hay'adda Caalamiga ah ee Caafimaadka Adduunka (WHO) Cilmi-baaristeeda Kansarka waxay ku tilmaantay "inay tahay walax kansar ku keenta bini'aadamka," iyada oo tixraacaysa xiriirka non-Hodgkin lymphoma, halka hay'adaha kale ee sharciyeynta, oo ay ku jiraan Hay'adda Ilaalinta Deegaanka ee Maraykanka iyo Hay'adda Badbaadada Cunnada Yurub, ay sheegeen inaysan u badnayn inay keenaan khatarta kansarka ee bini'aadamka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Lubnaan ayaa sheegtay inay damacsan tahay inay dacwad ka dhan ah Israa'iil u gudbiso golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.












