Biyo intee le'eg ayuu qofku u baahan yahay si uu u ilaaliyo caafimaadka keliyihiisa?

Ilaalinta caafimaadka kelyaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ilaalinta caafimaadka kelyaha

Kelyuhu waxa ay ka mid yihiin xubnaha ugu muhiimsan ee jidhka bini'aadamka, kuwaas oo door badan ku leh ilaalinta caafimaadka jidhka.

Dhakhaatiirtu waxay inta badan kula taliyaan dadka in ay ilaaliyaan kana warqabaan caafimaadka kelyahooda. Talootyinkaas waxa ka mid ah in ay cunaan xaddi dhexdhexaad ah oo milix ah, ka fogaadaan sonkorta xad dhaafka ah iyo in aanay isticmaalin dawooyinka xanuunka baabi'iyaha haddii aanu qofku hasyan talo dhakhtar.

Tallaabooyin kale oo badan ayaa sidoo kale lagula talinayaa si looga fogaado cadaadiska xad-dhaafka ah ee kelyaha.

Haddaba muhiim ma tahay in aad cabto xaddi biyo ah si kelyahaagu u caafimaad qabaan? Warbixintan, waxaan isku dayi doonnaa in aan jawaabo u helno su'aalahan.

Dr. Vivekanand Jha, agaasimaha ee Mac'hadka Caafimaadka Caalamiga ee George waa mid ka mid ah khabarrada ku takhasusay kelyaha.

Waxa uu yidhi, "Kelyuhu waxa ay jidhka ka saaraan walxaha aan loo baahnayn, kuwaas oo aynu ka helno cuntada ama waxyaabaha kale.

Dr. Vivekanand Jha waxa uu intaasi raaciyay, "Sidoo kale kelyuhu waxa ay soo saaraan noocyo badan oo hormoonno ah oo jidhka ku jira, kuwaas oo ay ka mid yihiin hormoonnada dhiigga sameeya, hormoonnada xakameeya cadaadiska dhiigga, iyo hormoonnada ilaaliya dheellitirka dheecaannada.

Aad bay muhiim u tahay in la ilaaliyo dheellitirka dheecaannada ee habka dheef-shiidka kiimikaadka ee jidhkeenna.

Tusaale ahaan, qaddar go'an oo dheecaan ah ah ayaa loo baahan yahay si unug kasta oo wadnaha ah uu si habboon ugu shaqeeyo. Haddii ay ka maqan yihiin dheellitirka, shaqada maskaxda ayay arrintani saameyn kartaa, waxtarka muruqa ayaa hoos u dhici kara, habka dareenka ayaana sidoo kale ay saamayn ku yeelan kartaa.

Dr. Garima Agarwal oo ah dhakhtar ku takhasusay xanuunnada neerfaha oo ka tirsan cisbitaalka Manipal ee magaalada Bangalore ayaa iyadna sheegtay"Haddii kelyuhu aanay si fiican u shaqayn, markaa qaadashada fitamiin D-gu wax faa'iido ah ma yeelanayso.

Kelyaha waxaa sidoo kale loogu yeeraa goobta qabata shaqada ugu muhiimsan 'dejinta jidhka. Haddii qofku cabbo biyo ka badan inta loo baahan yahay, kelyuhu waxay jidhka ka saaraan biyaha dheeraadka ah.

Biyo intee leg ayaad u baahan tahay in aad cabto?

Cabbsita biyuhu waxay caawisaa caafimaadka kelyaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cabbsita biyuhu waxay caawisaa caafimaadka kelyaha
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dr. Vivekanand Jha waxa uu yidhi, "Ma jiro xaddi gaar ah oo biyo ah oo ay tahay in aan cabno maalin kasta si aan u ilaalino caafimaadka kelyaha, jidhkeenna. Maxaa yeelay jidhka laftiisa ayaa noo sheegaya inta biyo ah ee loo baahan yahay, dareenka harraadku waa calaamad muujinaysa."

Waxa uu sharraxay in biyuhu ay jidhka uga baxaan siyaabo badan, sida dhididka iyo neefsashada. Intaa waxaa dheer, waxaa jira qaar ka mid ah habab kale oo aan la arki karin kuwaas oo ay biyihu jidhka kaga baxaan. Sidaas daraadeed, ugu yaraan 700 ml ilaa 800 ml oo biyo ah ayaa lagama maarmaan u ah qof weyn.

Si kastaba ha ahaatee, jidhku ma helo cadadka biyaha loo baahan yahay isagoo cabbaya biyo cad oo keliya. Biyuhu sidoo kale waxay jidhka ku gaadhaan dareereyaal sida caano, cabbitaanka sharaabka iyo khudradda ama caano fadhi (gadhoodh).

Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado in inta biyo ah ee qofku u baahan yahay ay ku xiran tahay da'diisa, dhaqdhaqaaqa jirkiisa, iyo deegaankiisa. Haddii qofku ku nool yahay jawi kulul, wuxuu u baahan doonaa biyo badan.

Dr. Shailesh Chandra Sahay, oo ah Agaasimaha Waaxda Urology ee Isbitaalka Max, Patparganj oo ku yaalla magaalada Delhi, ayaa yidhi, "Qofka caadiga ah wuxuu u baahan yahay saddex ilaa saddex iyo bar litir oo biyo ah maalin kasta. Qaddarkan ma aha qasab in lagu buuxiyo biyo caadi ah oo keliya. Waxaa lagu dabooli karaa nooc kasta oo dareere ah. Haddii aan ilaalino dheellitirka biyaha ee jidhka, markaa fursadaha caabuqa kaadida ayaa sidoo kale hoos u dhacaya. "

Dr. Gariima Agarwal ayaa tidhi "Sidoo kale kelyuhu waxay isku dheellitiraan biyaha jidhka ku jira, haddii aad cabtay biyo badan, kelyaha ayaa soo saaraya, haddii aad biyo yar cabtidna, isla biyahaas ayay kelyuhu jidhka ku sii nagayn doonaan. Ha se ahaatee, guud ahaan qofka qaangaarka ah waa inuu cabbaa laba ilaa saddex litir oo biyo ah maalin kasta.

Baahida jidhku u qabo biyaha waxay sidoo kale ku xidhan tahay xajmiga jirka qofka. Tusaale ahaan, carruurta yaryar waxay u baahan yihiin biyo ka yar kuwa dadka waaweyn.

Sida ugu fudud ee aad ku ilaalin karto caafimaadka kelyahaaga

Cuntooyinka nafaqada leh waxay caawiyaan caafimaadka kelyaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cuntooyinka nafaqada leh waxay caawiyaan caafimaadka kelyaha

Habka aasaasiga ah ee aad ku ilaalin karto caafimaadka kelyahaaga waa in aad cunto cunnooyin caafimaad leh, in aad xakamayso miisaankaaga jidhkaaga, oo aad si joogto ah u sameyso jimicsi.

Dr. Garima Agarwal ayaa tidhi, "Cudurka kelyaha waa ku yar yahay dalalka Bariga Dhexe, sababtoo ah dadka ku nool waxay isticmaalaan cusbo ama milix yar, halka Hindiya ay dad badani isticmaalaan milix badan, taas oo saameynaysa kelyaha."

Marka qofku isticmaalo milix ama sonkor badan, waxaa jira cadaadis dheeraad ah oo kelyahu ay wajahaan si ay u ilaaliyaan dheellitirka. Cadaadiskaani wuxuu saameyn karaa shaqada kelyaha ee mustaqbalka fog.

Waxaa intaa dheer in dad badan ay la ildaran yihiin dhiig karka muddo dheer, laakiin aan si dhab ah u gu baraarugsanayn. Sida ay dhakhaatiirtu sheegeen, dhiig-karku wuxuu si toos ah u saameeyaa kelyaha, sababtoo ah waa in ay si adag u shaqeeyaan si ay cadaadiska dhiigga u ilaaliyaan ugana dhigaan mid caadi ah.

Sidaa darteed, haddii qofku uu leeyahay dhiig-kar, waa in lagu xakameeyaa dawooyinka sida uu qabo dhakhaatiirta caafimaadku.

Talo kale oo muhiim ah waa in qofku ka fogaado sigaar cabbista iyo isticmaalka tubbaakada si ay kelyihiisu u noqdaan uwo caafimaad qaba.