Sidee ayaad ku ogaan kartaa calaamadaha 8 nooc oo cudurka kilyaha ah?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Daraasad uu dhowaan soo saaray Ururka Hindida ee Nephrology, tirokoobyo naxdin leh ayaa soo baxay oo ku saabsan faafitaanka cudurrada kelyaha ee daba-dheeraada ee adduunka oo dhan.
Warbixintu waxa ay tilmaamtay in dad gaaraya 840 milyan ee adduunka oo dhan ay hadda la halgamayaan noocyo kala duwan oo ah xanuunnada kelyaha ee daba dheeraada, taas oo muujinaysa in 10kii qofba 1 qof uu saameeyo cudurrada kelyaha.
Sababaha ugu horreeya ee dadka u dhintaan waqtiyadan, cudurrada kelyaha ayaa booska 7-aad ka soo galay marka la eego liiska cudurada dadka ay u dhintaan.
Daabacaadda joornaalka ee kooxdan Hindiya ka soo jeedda ee Nephrology waxay sii xoojinaysaa culeyska xaaladda iyadoo daaha ka qaadaysa in sannad kasta Hindiya oo keliya, inta u dhaxaysa 200000 ilaa 25000 oo kun oo qof laga helo cudurrada kelyaha. Intaa waxaa dheer, in ku dhawaad 8-10% dadka qaangaarka ah ee Hindiya ay la halgamayaan cudur kelyaha uga dhacay oo daba-dheeraaday.
Khabiir sare oo ku takhasusay cudurrada kaadi mareenka ee Isbitaalka MGM Healthcare, Milli Mathew, ayaa iftiimiyay arrin muhiim ah oo gacan ka geysaneysa in la ogaado sababta keeneysa heerarka sii kordhaya ee cudurrada kelyaha – waxaa u sheegay inay kamid tahay in cudurka la aqoonsan waayo wakhti hore iyo fahamka cudurrada la xiriira kelyaha.
Sida laga soo xigtay Dr. Mathew, xanuunada kelyaha ayaa inta badan aan la ogaanin marxaladahooda bilowga ah, iyada oo calaamaduhu ay soo baxaan kaliya marka ay dhibaatooyin waaweyn soo baxaan.
Kelyuhu waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan shaqada jirkeena, iyaga oo ugu horayn masuul ka ah baabiinta qashinka kaadida iyo nidaaminta nadiifinta dhiiga iyaga oo sifaynaya macdanaha aan loo baahnayn.
Si kastaba ha ahaatee, doorashooyin qaab nololeed oo kala duwan, caadooyinka cuntada, dabeecadaha hidde-sideyaasha, isticmaalka daawooyinka kala duduwan, iyo xaaladaha kale ee caafimaad waxay caqabad ku noqon karaan waxqabadka wanaagsan ee kelyaha.
Caqabadda ku timaada shaqada joogtada ah ee kelyaha waxay keentaa xanuuno kala duwan oo laga yaabo inay dahsoonaadaan ilaa laga gaarayo heerar sare.
Dr. Milli Mathew waxa uu xooga saarayaa muhiimada ay leedahay feejignaanta maadaama astaamuhu ay si tartiib tartiib ah u soo baxaan, isaga oo ku booriyay shakhsiyaadka in ay maraan baarintaan caafimaad xili walbo si lxli hore loo sii ogaado cudurka.
Noocyada cudurrada kelyaha ee lagu qeexay maqaalka, dhowr xaaladood oo muhiim ah iyo calaamadaha la xiriira ayaa soo ifbaxay:

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cudurka kelyaha ee raaga
Cudurka kelyaha ee daba-dheeraada, oo lagu garto muddada dheer, inta badan waa asymptomatic wejigiisa hore. Caadi ahaan ay uga sii dartay shakhsiyaadka qaba sonkorowga iyo dhiig-karka, xaaladdan aan laga laaban karin waxay u baahan tahay daaweyn habboon si loo maareeyo cudurka.
Calaamadaha:
• Lalabbo iyo matag
• Cunto-xumo
• Lugaha iyo anqawyada oo barara
• Neefta oo ku yaraata
• Hurdada oo kugu adkaata
• Kaadida oo yaraada
Dhagaxa Kelyaha
Samaynta dhagxaan kelyaha oo ay ugu wacan tahay ururinta macdanta ayuu qofka isku arkaa calaamado ay ka mid yihiin xanuun marka la kaadinayo, dhiiga kaadida, iyo kaadi mareenka oo xirma. Arrimaha hab-nololeedka sida fuuq-baxa iyo cunto cun xumi ayaa kamid ah wax yaabaha lagu garto xaaladdan.
Calaamadaha:
• Xanuun marka la kaadinayo
• Dhiiga kaadida
• Mareenka kaadida oo istaaga
• Xanuun goobta dhagaxa kelyaha kaga jiro

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cudurka uu keeno Macaanka
Shakhsiyaadka qaba xanuunka macaanka ee aan la xakameynin waxay la kulmaan khatarta ah inuu ku dhaco cudurka kelyaha , oo lagu garto calaamadaha sida caga barar, kaadida xumbo yeelata, daal jireed, miisaan lumis, cuncun, lallabbo, iyo matag.
Calaamadaha:
• Cagaha oo barara
• Kaadi xumbo leh
• Daalka jirka
• Miisaanka oo yaraada
• Cuncun jidhka ah
• Lalabbo iyo matag
Dhiig-karka Nephrosclerosis
Cadaadiska dhiigga oo sarreeya ayaa khatar weyn ku ah caafimaadka kelyaha, waxyeellana u geysta xididdada dhiigga wuxuuna daciifiyaa hawlaha sifaynta kilyaha. Calaamadaha waxaa ka mid ah lallabbo, dawakhaad, caajisnimo, madax-xanuun, iyo qoor xanuun.
Calaamadaha:
• Lalabbo iyo matag
• Dawakhaad
• caajisnimo
•Madax xanuunka
• Qoor xanuun

Xigashada Sawirka, Getty Images
Caabuqa kaadi mareenka
Iyadoo aan ku gaar ahayn cilladaha kelyaha, caabuqyada kaadi mareenka waxay saameeyaan caafimaadka kelyaha. Calaamadaha sida dhabar xanuunka, qandho, xanuun marka la kaadinayo, calool xanuun, dhiiga kaadida, lallabbo, iyo matag ayay muhiim tahay in aad custibaalka tagto si daryeel caafimaad oo degdeg ah u hesho, si looga hortago dhibaatooyinka.
Calaamadaha:
• Dhabar xanuun
•Qandho
• Xanuun marka la kaadinayo
•Calool xanuun
• Dhiig marka la kaadinayo
• Lalabbo iyo matag
Cudurka kelyaha ee polycystic
Hidda-socodka ayaa door weyn ka ciyaarta horumarinta cudurrada kelyaha ee polycystic. Calaamadaha waxaa ka mid ah xanuunka caloosha sare, calool xanuun dhinaca ah, dhabar xanuun, dhiiga kaadida, iyo caabuqyada kaadi mareenka ee soo noqnoqda.
Calaamadaha:
• Xanuunka caloosha sare
• Xanuun dhinaca caloosha ah
• Dhabar xanuun
• Dhiiga kaadida
• Caabuqyada kaadi mareenka ee soo noqnoqda
IgA Nephropathy
Noocan kelyo xanuunka ayaa laga yaabaa in uu bilawdo xiliga caruurnimada ama qaan-gaarnimada, IgA nephropathy waxaa lagu agrtaa dhiig in uu kaadida soo raaco waxaana muhiim ah in la baaro si loo aqoonsado loona baxnaaniyo qofka.
Kelyaha oo fashilma

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kelyaha oo fashilma waxaa lagu gartaa rabitaanka cuntada oo luma, matag, daal jireed oo daran, barar jirka ah, iyo hurdo la'aan.
Calaamadaha:
• Cunto-xumo
•Matagid
• Daal jireed oo daran
• Jirka oo barara
• hurdo la'aan
Maaddaama cudurrada kelyaha ay ku sii kordhayaan adduunka, ogaanshaha hore iyo xeeladaha maaraynta firfircooni waa lama huraan si loola dagaallamo dhibaatadan caafimaad ee isa soo taraysa.













