Shan siyaabood oo aad u ilaalin karto caafimaadka kilyahaaga iyo waxa aad sameyn lahayd

Xanuunka killiyaha

Xigashada Sawirka, KIDNEY SCIENCE PHOTO LIBRARY

Qoraalka sawirka, Xanuunka killiyaha

Kelyaha aadanuhu waa xubin aad muhiim ugu ah jirka, waxa ayna ka shaqeeyaan in ay wasakhda ka saaraan dhiigga iyadoo kaadi ah.

Kelyuhu waxay sidoo kale caawiyaan xakamaynta cadaadiska dhiigga iyo ilaalinta dheelitirka kiimikada. Sidoo kale, waxay samayaan unugyada dhiigga cas.

Laakiin dad badan ayaa la il daran kelyo xanuun iyadoo ay ay ku dhacaan xanuunno kala duwan kuwaas oo aan lakala qaadin.

Khubarrada caafimaadka ayaa sheegay in heerka keliyo xanuunka ee ka hooseeya saxaraha Afrika uu yahay mid laga naxo. Dadku waxay lacag badan ku bixiyaan daaweynta kelyaha iyo nadiifinta.

Celceliska kharashka sanadlaha ah ee daaweynta kelyaha ee Afrika qofkiiba waa inta u dhaxaysa 13k - 25k oo dollar.

Adduunka oo dhan marka ay noqoto xanuunnnada keliyaha ayaa la sheegay in ay u badanyihiin dumarka.

Si gaar ah marka aynu u dul istaagno Soomaaliya, dadka ay lasoo deristo xanuunnada keliyaha ayaa ah kuwa qaba xanuunnada macaanka ama sonkorta iyo dhiig karka waa ahddii aysan si caadi ah u qaadan dawooyinkii loogu tala galay ama aan si weyn uga taxadarin la tacaalidda caafimaadkooda.

Sidoo kale waxaa jira dad la kulma xaalad deg de goo xanuunka keliyaha ah taas oo ay badanaa la kulmaan hooyooyinka dhalmada ku dhiig baxa ama aan sida wanaagsan u dhalin sida ay dhakhaatiirtu tilmaameen.

Dr Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo loo garan ogyahay Dr Shihaab, oo ka howl-gala isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, ayaa BBC-da uga warramay sida aysan Soomaalidu ugu baraarugsaneyn keliyo xanuunka iyo xaaladaha khatarta ah ee soo wajaha.

Cudurrada guud

Xigashada Sawirka, Dr Shihaab

Qoraalka sawirka, Dr Cabdiraxmaan Shihaab
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Nasiib darro waxaa laga yaabaa in qofku uusan xilli hore dareemin in killiyihisa ay xanuunsanyihiin, qofka waxa laga yaabaa in uu si caadi ah isaga shaqeysanayo oo uusan ogeyn khatarta uu ku suganyahay.

Calaamadaha dib ayey usoo dhacaan, waxaa laga yaabaa in qofku ay boqolkiiba 40 ama 30 kaliya ay u caafimaad qabaan killiyihiisa, balse uusan weli ku baraarugin, haddiiba qofku uu gaaro heerka caaladaha u uku dareemo waa mid halis ah”, ayuu yiri Dr shihaab.

Calamadaha lagu garan garo in qofku uu ka xanuunsanayo killiyaha ayaa ah kuwo aan si rasmi ah loogu garan karin in killiyaha laga hayo waxaana kamid ah, Lalabo badan, matag badan, kaadida oo yaraato iyo barar badan oo lugaha ah, sida uu dhakhtarku sheegay.

Dhakhaatiirtu waxa ay ku taliyaan in qofku uu si caadi ah ula socdo xaaladdiisa caafimaad.

“Waxa laga yaabaa in dadku intooda badan ay yihiin bukaan socod, dadkeenana kuma baraarugsana in ay baaritaanno sameeyaan iyaga oo aan xitaa xanuun dareemeyn, qofku waa in uu is baaraa sanadkiiba mar ama labo mar”, ayuu yiri Dr Shihaab.

Bukaan socodka ayaa ku tiirsanaa nadiifinta ugu yaraan laba jeer toddobaadkii si ay u noolaadaan. Adigoo ka saaraya wasakh iyo biyaha xad-dhaafka ah ee kelyaha sababtoo ah kelyuhu taas ma samayn karto. Dadkaas oo isugu jiray dad waayeel ah iyo kuwo da’yar ayaa qaarkood waxaa u dhintaan xanuunnada killiyaha ka haleela.

Iyadoo dunida laga xusayo toddobaadka kelliyo xanuunka gaar ahaan maalinta astaanta u ah killiyo xanuunka ee 14-ka Maarso, khubarradu waxay noo tilmaamayaan sida aan u ilaalin lahayn kelyeheenna.

Killiyaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Killiyo xanuunka

Shantaan qodob ayaa ugu muhiimsan oo aad ku ilaalin karto killiyahaaga

Dhaqtar Shihaab, ayaa sheegay in qof kastaa laga doonayo in uu sameeyo tilmaahan si uu uga taxadaro killiyo xanuun ku yimaada.

Cab biyo badan maalintii

Qiyaastii 8 koob oo biyo caadi ah oo la cabbo maalintii waxa ay u wanaagsantahay ilaalinta caafimaadka kelliyaha, biyuhu waxay ilaalin doonaan kelyaha, gaar ahaan bukaanada qaba sonkorowga, dhiig karka, cudurka iyo xanuunnada kale ee khatarta ah.

Yareynta maandooriyaha iyo Sigaarka

Joojinta maandooriyaha iyo sigaarka ayaa muhiim u ah qofku inuu ilaaliyo caafimaadka kelyihiisa. Sigaarku waxa uu qayb ka yahay waxyaabaha sababa keliyo xanuunka daran waana cawadga caafimaadkaaga.

Si sax ah u isticmaal daawada

Daawo kasta oo laguu qoro waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in aad u isticmaasho sidii lagu faray, waa inaad dhakhtarkaaga waydiisaa isticmaalka daawada. Daawooyinka qaarkood waxay dhaawici karaan xubnahaaga, gaar ahaan kelyaha. Raadso la talin caafimaad oo ha iibsan dawo aadan ogeyn waxa kaaga iman kara ama dhakhtar uusan kuu qorin.

Samee baaritaano caafimaad

Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in qof waliba uu si gaar ah ula socdo caafimaadkiisa guud, wax kale oo ay tahay in qof kastaa sameeyo waa baaritaanka miskaha ugu yaraan hal mar labadii ilaa shantii sanoba. Si loo hubiyo caafimaadka kelyaha iyo xubnaha kale.

Samee jimicsi jireed

Qaado 30 daqiiqo ama ka badan maalintii jimicsiga. Waxay kaa caawinaysaa nidaaminta jirkaaga iyo firfircoonida shaqada ee xubnahaaga guud, sidoo kale Dr shahiib ayaa xusay in dadka miisaankoodu badanyahay in khatar ugu jiraan killiyo xanuun iyadoo loo baahanyhaay jimicsi badan iyo miisaan dhimis.