Xagee ayay ku sugan yihiin 35 tii nin ee burcad badeeda ahayd ee ciidamada Hinidya gacanta ku dhigeen?

Markabka

Xigashada Sawirka, INDIAN NAVY

Qoraalka sawirka, Ragii haystay markabka oo iyagoo maxaabiisa dul saaran

Ciidamada badda Hindiya ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa soo badbaadiyey toddobo iyo toban shaqaale ah oo saarnaa markabka MV Ruen oo muddo saddex bilooda gacanta ugu jiray burcad baddeeda Soomaaliya, sida aybaahiyeen ciidaamadda badda ee Hindiya.

Howlgal qaatay in ka badan afartan saacood oo gacan ka hadal ah ayaa waxaa fuliyey Markabka dagaalka ee INSSubhadra oo ay caawinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa ilaalada ee aan duuliyaha lahayn, sida ay bartooda X ee hore loo oron jiray Twiter ku sheegeen ciidamada badda Hindiya.

Tirada burcad baddeeda ay ciidamada Hindiya ku qabteen howlgalkaas ayay ku sheegeen in ay dhan tahay soddon iyo shan nin.

Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.

Puntland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso sida ciidamada Hindiya ay xeebahaas ugu fuliyeen howlgalkii labaad oo ay gacanta ku dhigeen burcad baddeed gacanta ku hayey doonyo iyo Markab ganacsi.

Wasiirka xilka ka dagaya ee dekaddaha iyo gaadiidka badda ee Puntland, Axmed Yasiin Saalax ayaa BBC-da u sheegay in howlgalkaasi uu u quus gooyey cid walba oo damac kaga jiray sida uu hadalka u dhigay dib u soo nooleeynta falalkii burcad baddeeda.

“Waxaa hadda dhamaantood lagu hayaa Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Hindiya, markabkii ayaa waxyeelo ka gaartay dhanka qolka laga hago ka dib rasaastii ay muddada dheerayd is dhaafsanayeen burcadda iyo ciidamada Hinidya, isagana hadda waxaan xogta aan helnay sheegeysaa in farsamayaqaano ka howlgali doonaan, sida ugu dhaqsaha badana uu sii wadan doono safarkiisa” ayuu yiri Wasiir Axmed

BURCAD BADDEED

Xigashada Sawirka, INDIAN NAVY

Qoraalka sawirka, Markabka Ruen ee laga furtay gacanta burcad baddeeda Soomaalida

Markabkaan oo lagu magacaabo MV Ruen, ayaa laga leeyahay dalka Bulgaariya balse ku gooshayey calanka dalka Malta, kaas oo burcad baddeed Soomaali ah ka soo afduubeen biyaha caalamigaa dhamadkii sanadkii 2023-kii.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xilligii burcad baddeedu afduubayeen markabka waxaa dhaawac gaaray mid ka mida ahaa shaqaalaha markabka saarnaa, kaas oo markii danbe ay burcadu ogolaadeen ina laga dajiyo ayna ku wareejiyeen markab dagaal oo Spain laga leeyahay oo ku sugan xeebaha Soomaaliya

Burcad baddeed kale ayaa hadda gacanta ku haya Markab kale oo lagu magacaabo MV Abdullah uuna ka dul babanayo calanka dalka Bangaladesh.

Markabkan Abdulah ayaa ka soo ambabaxay dalka Mozambique kuna sii jeeday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxaana uu siday shixnad dhuxul ah oo dhan 55,000 oo tan, markii ay weerar ku qaadeen kooxo burcad badeed Soomaali ah 12-kii bishan Maarso.

Wasiir Axmed ayaa BBC-da u sheegay in si la mida markabkii ka horeeyey ee MV Ruen ay qorshaynayaan in markabkaasna lagu qaado howlgal lagu soo furanayo markabka iyo shaqaaalaha saaranba.

“ Uma u ogaalan doono inay xeebaha Puntland ka dhigaan meel lagu haysto maraakiib,kana dhacaan falal burcad baddeednimo, saaxiibadeen ku sugan xeebaha ayaan ku wargalinay in aan la siin fursad burcadu ku sii kordhiyaan weeraradooda” ayuu intaas ku daray Axmed yaasiin.

Markabka

Xigashada Sawirka, INDIAN NAVY

Maxay wajihi karaan burcad baddeedka la qabtay?

Sida uu BBC-da u sheegay Axmed Yasiin, Wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda ee Puntland, dhinacyada ayaa ka wada hadli doona halka la gaynayo ragan burcad baddeeda ah wallow uu xusay in Puntland doonayso in la keeno deganadaas si ay u maraan ciqaabtooda sharci.

Burcad baddeeda Soomaaliya ayaa kordhiyey dhaqdhaaqyadooda dhamaadka sanadkii tagay ilaa bilowga sanadkaan iyagoo muddadas gacanta ku dhigay ilaa saddex Markab oo ay ka soo afduubteen biyaha caalamigaa

Xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamado baddeed caalami ah kuwaas oo ku howlgala sumada Atalanta.

Hawlgalkani waa mid milateri oo ka dhan ah burcad badeedda oo ka socda baddaha geeska Afrika iyo Galbeedka Badweynta Hindiya.

Xarunta hawlgalku waxay ku taal Saldhigga Naval Rota (NAVSTA Rota) ee Spain, ka dib markii ay ka soo guurtay London ka dib ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub

Soomaaliya oo leh xeeb dheer ayaa baylah u ah burcad baddeeda iyo kaluumaysiga sharci darrada ah ee shisheeyaha sida ay sheegeen xogaha Qaramada Midoobay.