Maxaa ku dhacaya akoonnadeena baraha bulshada markaan dhimanno, maxayse tahay dooda ka taagan?

qabri

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka qaar oo xilli hore dhintay ayaa wali barahooda bulshadu dib u xasuusiyaan dhalashadooda kuwii saaxiibka kula ahaayeen baraha bulshada sida Facebook, adka qaar oo aan ka war hayn dhamashada dadkaas ayaana soo qoraan "dhalasho farxad leh" laakiin taasi waxay saamayn ku yeelataa ehellada.

"Dadka qaar ma oga in Matthew uu dhintay, welina waxay arkayaan dhalashadiisa oo waxay ku qoraan akoonkiisa dhalashada farxadda leh, taas oo ah mid aad looga xumaado," ayey tiri Hayley

Hayley Smith, ninkeedii, Matthew, ayaa dhintay muddo laba sano ka hor ah ka dib muddo uu la dhul yaalay cudurka kansarka, xiligaas oo da’diisu ahay saddex iyo soddon jir. Hayley ayaa wali la halgamaysa waxay ka samayn lahayd akoonadiisii baraha bulshada ee saygeedii geeriyooday.

"Waxaan isku dayay inaan barta Facebook-ga Matthew u rogo bog xusuus ah, basle waxaa boggu ku waydiinayaa inaad geliso shahaadadiisii dhimashada," Waxaan sameeyay in ka badan 20 jeer, waxna ma dhicin, mana haysto tamar aan ugu tago Facebook si aan isugu dayo xallinta dhibaatada".

Muxuu yahay akoonka xasuusta

AKOONADA XASUUSTA AH

Waxa ku dhacaya qofka akoonkiisa shaqaynayo basle dhintay ayaa hadda ah mowduuc aad u weyn oo dad badan maanka ku hayaan.

Akoonada ayaa wali shaqaynaya iyada oo waliba lagu wargaliyay shirkadaha baraha bulshada in qofkii lahaa uu geeriyooday.

Qaar ka mid ah shabakadaha warbaahinta bulshada ayaa bixiya ikhtiyaarka ah in la xiro profile ka dib markii si rasmi ah ay ugu u ogeysiiyaan qaraabada dhimashada qofka.

Tusaale ahaan marka shahaadada dhimashada loo gudbiyo Meta,oo ah shirkada leh Facebook iyo Instagram, akoonka qofka dhintay waa la xiri kara ama loo baddeli karaa xasuus ahaan taas oo macnaheedu yahay in waqti kooban ka dib akoonkaas la xiri karo,

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Akoonka nuuca xasuusta ah ayaa waxaa ka maqan laba adeeg, waxaana ka mid ah in aan dad kale loo bandhigi doonin akoonkaaga, sida qaybta 'dadka aad aqoon karto' ee facebook gu leeyahay, sidoo kale saaxiibadaada Facebook ayaan lala wadaagi doonin waqtiga dhalashadaada.

Laakiin Google, oo leh YouTube, Gmail, iyo qaybta kaydak Sawirrada ee Google, waxay siisaa isticmaaleyaasheeda ikhtiyaarka ah inay jaangooyaan waxa ku dhacaya akoonadooda iyo xogtooda haddii aysan dhaqdhaqaaq sameynin muddo cayiman.

Dhinaca kale barta X, oo hore loo oron jiray Twiter ayaan bixin ikhtiyaarka ah in la sameysan karo akoon xasuus ah, sidoo kale koontada lama tirtiri karo marka laga reebo haddii ay dhacdo geeri ama awood u la'aanta milkiiluhu inuu isticmaalo.

"Waxaa jira habab kala duwan, laakiin dhammaan shirkadaha ayaa mudnaanta siinaya sirta qofka dhintay," ayuu yiri Joe Tiede, weriyaha tignoolajiyada ee BBC-da

Wuxuu sheegay in aaladaha cusub ee warbaahinta bulshada, sida TikTok iyo Snapchat, aysan haysan wax agab ah oo meesha yaalla.

Dhaxalka dhijitaalka ah

.

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Sida uu qabo Sasa Zivanovic, khabiir ku xeeldheer danbiyada internetka madaxna ka soo noqday qaybta waaxda dambiyada farsamada sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Serbia, xogta macaamiisha shirkadahaan ee dhintay ayaa keeni karta dhibaato hadii xogta ama sawiradu ay ku dhacaan gacmo khaldan.

"Sawirada, xogta iyo fiidiyowyada waxaa loo isticmaali karaa in lagu sameeyo akoono been abuur ah oo hoos yimaada magacyo been abuur ah, dadka ay yaqaanaan iyo saaxiibada aan ogeyn in qofka laga hadlayo uu dhintay, laguna qasbo inay lacag soo diraan," ayuu yiri Sasa

James Norris, oo ah aasaasaha Ururka Digital Heritage ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay muhiim tahay in qof kastaa uu ka fikiro waxa ku jira shabakadaha bulshada iyo in uu sameeyo nuqul koobi ah marka ay awoodaan.

James wuxuu aaminsan yahay inay muhiim tahay in la qorsheeyo waxa ku dhacaya akoonadada warbaahinta bulshada ka dib markaad dhimato, isaga oo ku taliyay in la fiirsado waxa lagu daabacayo baraha bulshada.

"Dhaxalka dhijitaalka ah waa mawduuc aad muhiim u ah una ah dadka qaba cudurada an laga rajaynayn in laga bogsooda," ayay tiri Sarah Stanley, oo ah sarkaal cilmi-baariseed oo ka tirsan Marie Curie, oo ah hay'ad samafal oo fadhigeedu yahay Ingiriiska.