Maxaa ka jira in la iibsan karo meel dayaxa dushiisa ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kadib markii uu si guul ah dayaxa dushiisa u soo caga dhigtay dayax gacmeedka Chandrayaan-3 ee Hindiya, dhamaan indhaha caalamku waxa ay eegayaan dayaxa. Haddaba dadku ma ku noolaan karaan dayaxa dushiisa? Ogsajiin ma laga heli karaa halkaas? Dad badan ayaa su'aalahan ku weydiinaya internetka.
Waxaa jira warar sheegaya in dadka qaar ay iibsadeen meelo dayaxa ka mid ah. Yaa iibiya meelahaas? Ma sharci baa in la iibsado? Maxay iibsadayaashu sheegayaan? Sharciguse muxuu ka qabaa?
Iibsadeyaashu Way Badan Yihiin?

Xigashada Sawirka, RAAJEEVVV
Ganacsade fadhigiisu yahay Hyderabad oo 50 jir ah laguna magacaabo Rajeev waa mid ka mid ah kuwa sheeganaya inay iibsadeen meelo dayaxa ka mid ah.
Waxa uu BBC-da u sheegay in uu goobtaas iibsaday sannadkii 2002-dii oo uu ka iibsaday ‘The Lunar Registry’ oo fadhigeedu yahay New York. 'Mare Imbrium' waa aag ku taal waqooyiga dayaxa halkaas oo ah meesha uu wax ka iibsaday.
Lunar registry waa koox qareenno caalami ah. Shirkadda, waxa ay sheegtay in ay ka shaqaynayso deegaanka, cilmi-baarista iyo habaynta dayaxa.
Rajiv ayaa BBC-da u sheegay sida uu ku helay fikradda ah in uu gato meel dayaxa agtiisa ah. "20 sano ka hor markii aan shaqaynayay waxaan arkay xayaysiis ku jira internetka, waxay sheegaysaa iibinta dhul dayaxa agtiisa ah, markii hore ma rumaysan. Laakiin, markii aan helay xogta, waxaan iibsaday dhul shan hektar ah” ayuu yiri.
Waxa uu ka hadlay sababta uu u iibsaday. "Waxaan iibsaday meeshaas, sababtoo ah waxay u fiican tahay bini'aadamka, waan ogahay inaanan tagi karin. Laakin, 50 ama 100 sano kadib, waa la dhisi karaa, markaa meelahayagu waxay noqon doonaan kuwo waxtar leh" ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, RAAJEEVVV
Sidoo kale, nin 46-jir laguna magacaabo Lalit Mohta, oo ah khabiir ku takhasusay kombuyuutarka kana yimid magaalada Bengaluru ee dalka Hindiya, ayaa sidoo kale 2006-kii iibsaday laba hektar oo dhul ah. Wuxuu ka iibsaday shirkadda The Lunar Registry .
Waxa uu ugu yeeray maalgashi wakhti dheer ah. Wuxuuna BBC-da uga warramay sababta uu u iibsaday.
"Waan ogahay in aanan hadda ku noolaan karin dayaxa. Laakiin, tijaabooyinka sida dayax-gacmeedka Chandrayaan-3, waxaa jirta rajo ah in la dego mustaqbalka.
Rupesh Mason, oo ah 49 jir ganacsade ah oo ka soo jeeda Jammu iyo Kashmir, ayaa dhawaan warbaahinta u sheegay inuu iibsaday boos dayaxa agtiisa ah.
Ilaa iyo hadda waxaa warbaahinta lagu sheegay in dad badan ay meelo ka iibsadeen dayaxa. Intooda badan waxay ka iibsadeen shirkadda Lunar.
Yaa iibinaya?

Xigashada Sawirka, LALIT MOHATA
Magaca buuxa ee shirkadda Lunar waa Diiwaanka Dhulka dayaxa ee Caalamiga ah' (ILLR), Waxaana la aas aasay 1999kii.
Shirkadda waxay sheegtay in laga bilaabo bishii July ee sanadkii 2019-kii, 326,000 oo qof ay isu diiwaangeliyeen inay iibsadaan dhul ku yalla aagga dayaxa.
Si kastaba ha ahaatee, shirkaddu waxay si cad ugu sheegtay boggeeda in aanay ahayn mulkiilayaasha dayaxa, balse ay diiwaangelinayaan oo keliya sheegashooyinka dhulka ku yaal.
BBC waxay la xiriirtay hay'adda si ay u ogaato waxa ay ku saleysan tahay diiwaangelinta. Laakiin ma jirin wax jawaab ah farriimo ama taleefan naga soo gaaray ilaa wakhtiga sheekadan aynu daabacaynay.
Sharcigu muxuu ka qabaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa heshiis ka galay walxaha hawada sare ee dayaxu ka mid yahay. Heshiiskan oo loogu magac daray ‘United Nations Convention on the Rules of Outer Space’ ayaa waxaa saxiixay in ka badan 100 waddan oo ay ku jirto Hindiya.
"Dhammaan kheyraadka dabiiciga ah ee cirka ku jira oo dayaxu ka mid yahay waxaa iska leh guud ahaan bini'aadamka. Qodobka 2aad ee heshiiska wuxuu dhigayaa "in waddanna uusan ku hantin karin kheyraadkaas xoog ama xeelad kale"
Laakiin heshiiskan 1967-dii, meelna lagama sheegin in shaqsiyaadku aanay xaq u lahayn inay dhul ku yeeshaan dayaxa. Waxaa jirta warbixin ay soo saartay warbaahinta oo sheegaysa in nin lagu magacaabo Dennis Hope oo u dhashay dalka Mareykanka uu mar ku dhawaaqay in uu iibinayo meel ka mid ah dayaxa oo iibkaasi uu ka helay lacag aad u badan.
N Raghunandan Kumar, oo ah agaasimaha ururka Planetary Society of India, ayaa sheegay in meel dayaxa laga iibsado shaqsiyaad ama shirkado ay tahay lacag khasaarin.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in hantida bannaan ay leeyihiin dhammaan aadanaha. "Sidee shirkadaha gaarka loo leeyahay ama ashkhaastu u iibin karaan dhul ay leeyihiin dadka oo dhan?" ayuu su’aalay.
Xiddiggii hadiyadeynta

Xigashada Sawirka, FACEBOOK/MAHESH BABU
N Raghunandan ayaa sheegay in dhawaanahan ay soo baxayeen warar sheegaya in taageerayaasha jilaaga filimka Mahesh Babu ay iibsadeen xiddig magaciisa lagu qoray.
“Waxaa ku qornaa warka in Mahesh Babu taageerayaashiisa ay soo iibsadeen xiddig ayna hadiyad ahaan u siiyeen maalintii dhalashadiisa, taageerayaal kale ayaa waxay Shah Rukh Khan xilli hore siiyeen hadiyad tan la mid ah ayuu yiri Raghunandan.
“Lama dhihin wadamada marka hore cagta saaray dayaxa ayaa xaq u leh, sidaa darteed diwaan galinta ay sameeyeen hay’ado iyo shaqsiyaad gaar ah ma jirto, taasi waa lacag khasaaro ah” ayuu yiri.













