Jacaylkii wicitaanka nambarka khaldan ku billowday ee xabsiga ku danbeeyey

Xigashada Sawirka, .
Sannadkii 2011-kii, Gulzar Khan oo u dhashay Pakistan ayaa si sharci-darro ah ku soo galay Hindiya, waxaanu guursaday gacalisadiisa oo uu ka qariyay aqoonsigiisa dhabta ah siddeedda sano ee xigtay, ilaa la xidhay. Hadda waxa uu sugayaa in uu maqlo warka ah ‘in dib loogu celin doono Pakistan’.
Sheekooyinka jacaylka ah ee u dhexeeya Hindida iyo Bakistaaniyiinta ee guulaystaa waa naadir – wada xidhiidhka dadkaasi aad buu u xun yahay sabab la xidhiidha khilaafka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dalalkaas dariska ah, kuwaas oo isku qaaday saddex dagaal tan iyo markii ay xornimada qaateen 1947. Arrintan ayaa dadka labada dhinac u dhashay ku adkaysa helidda dal-ku-galka dalka kale.
Dhowr qof oo u dhashay India iyo Pakistan ayaa la kulmay dhibaato ka dib markii ay si sharci darro ah uga soo gudbeen xadka. Sanadihii la soo dhaafay, lamaanayaal badan oo sheekadooda ay heshay dareenka warbaahinta ayaa kulankooda uu u sahlay internetka, iyaga oo ku kala nool labadaas ee aan badanaa la isaga gudbin.
Dhanka Gulzar Khan iyo Daulat Bi, waxay ku bilaabatay lambar khaldan.
Mr Khan wuxuu ka soo jeedaa gobolka Sialkot ee gobolka Punjab ee Pakistan (waxaa sidoo kale jira gobolka Punjab ee Hindiya, maadaama gobolka uu qaybsan yahay xilligii gumeysigu kala qaybiyey 1947). Ms Bi waxay ka soo jeeddaa gobolka Andhra Pradesh ee koonfurta Hindiya.
Mr Khan oo ka shaqaynayey rinjiile dalka Sucuudiga ayaa sheegay in uu isku dayey in uu la xidhiidho nin ay hore u wada shaqayn jireen oo Hindiya sannadkii 2009-kii. Markii uu ka gudbi waayey, waxa uu isku dayey in uu halkan iyo halkaa ka beddelo lambar, isaga oo u malaynaya in laga yaabo in uu hoos u dhacay. nambar khaldan.
"Mid ka mid ah lambarradaas aan tooska ahayn ayaa igu xidhay isaga," Ms Bi ayaa tidhi.
"Waxay ka yara cabsatay inay la hadasho qof aan garanayn" laakiin wuu ku adkaystay.
Mr Khan ayaa sheegay in uu Ms Bi ugu sheegay teleefoonkii ugu horeeyay in uu ka yimid Punjab, balse ma uusan cadeyn in uu ula jeedo kan Pakistan. Sidoo kale daaha kama uusanqaadin inuu yahay Masiixi - muddo sannado ah, xitaa guurkooda ka dib, Ms Bi waxay u qaadatay inuu yahay Muslim iyada oo kale ah.
Labadii sano ee xigtay, waxay si joogto ah ugu wada hadli jireen taleefanka.
Ms Bi, oo ahayd haweenay carmal ah ama garoob ah oo ilmo haysata, ayaa sheegtay in qaraabadeeda iyo deriskeeda ay ku canaanan jireen inay la hadasho isaga.

Xigashada Sawirka, getty image
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Waxaan u sheegi jiray inay wanaagsan tahay inaan dhinto, haddii aanan isaga helaynin" ayay tidhi. Laakiin waxa uu u ballan qaaday in uu u yimaado oo uu guursan doono.
Mr Khan ayaa isku deyey helidda dhawr jeer dal-ku-galka waddankaas, laakiin mar walba safaaradda Hindiya ee sucuudigu waa ay u soo diideysay.
Ugu dambeyntii, wuxuu go'aansaday inuu iska dhigo muwaadin Hindi ah. "Waxaan u sheegay [mas'uuliyiinta] in aan waayay baasaboorkaygii, isla mar ahaantaana aan ahay Hindi oo aan doonayo in aan ku laabto Hindiya," ayuu yidhi, oo wuxuu tusay kaadh aqoonsi oo uu sawir madow iyo caddaan ah oo nin Hindi ah oo u eg ahaa.
Waa la xidhay oo waxa la siiyay shahaado degdeg ah, ka dib waxa loo musaafuriyay Hindiya, sida uu sheegay. BBC-da ayaa xidiidh la sameysay safaaradda India ee Sacuudiga si ay wax uga weydiiyaan.
Mr Khan waxa uu tegay magaalada Hyderabad ee Hindiya bishii Janaayo 2011, toddobaadyo gudahood, lammaanahan ayaa is guursaday waxayna u guureen tuulada Ms Bi ee degmada Nandyal ee gobolka Andhra Pradesh. Markii uu yimid, bilayska deegaanka ayaa su'aalo waydiiyay, laakiin ma jirto wax kiis ah oo la diiwaan geliyay.
Siddeeddii sano ee xigtay, labadooduba waxay wateen noloshooda, waxayna isu dhaleen afar carruur ah oo kale, iyadoo Mr Khan uu muddadaas nolol maalmeedkiisa ka heli jirey shaqada rinjiyeynta oo uu qaban jirey.
Mr Khan ayaa sheegay in uu gabi ahaanba jaray xidhiidhkii uu la lahaa qoyskiisa Pakistan, taas oo gaadhay heer Adeerkii xataa uu booqday Sucuudiga si uu u ogaado waxa ku dhacay.
"Waxaan u maleynay inuu shil galay," ayay walaashii Sheela Lal, oo ku nool magaalada Rawalpindi ee Pakistan, u sheegtay BBC.
"Markii aan la noolaa qoyskeyga cusub, waxaan bilaabay inaan nafteyda u tixgeliyo Hindi," ayuu yidhi Mr Khan. Laakin wax yar ka dib, ayuu yidhi, in uu u boholyoobay hoygiisii hore ee Pakistan, markaas oo uu go'aansaday in uu booqdo Pakistan mar kale.
2019 ayaa markii u horraysay la xidhay isaga oo kolkaas damacsan in uu Pakistan aado xilli ay la socdeen qoyskiisa , waana la xidhay iyada oo loo haysto inuu watay warqado la been abuuray.
Markii la xidhay ayay ku war heshay in ninkeedu aanu Hindi ahayn, kolkaas oo askartu u sheegeen in uu yahay Pakistani ayna wadaan baadhis ka dhan ah.
Ms Bi ayaa sheegtay in warkaas markii hore ka naxday haddase ay iska aammintay oo niyadda u sii deysay.
Mr Khan ayaan dafirin eedaha loo soo jeediyey, isla mar ahaantaana qirsan hadda in uu Paskistani yahay balse uu si been isaga dhigay Hindi.
Waxaana uu BBC-da u sheegay ‘waan helay wixii aan u qalmay’.
Maxkamad ayaa hadda ku socota waxaana dadkiisii ka war sugayaan go’aanka maxkamadda ka soo bixi doona, kaas oo ay uga weyn tahay qoyskooda ma waxa ay ku wada noolaan Pakistan mise Hindiya.













