Waa maxay baahida keenaty in buufin loo adeegsado basaasid iyadoo dayax gacmeedyo jiraan?

Xigashada Sawirka, Marty Melville/AFP/Getty Images
Bishii May Sannadkii 2002-dii, buufin laga diray Xarunta Buufinnada Sanriku (SBC) ee woqooyiga dalka Japan, ayaa si tartiib ah u jabisay taariikh walba oo joog sare ah oo aadmigu dhigay abid.
Waxay si dhaqsi ah u dhaaftay jooggi ay gaartay buufintii abid kor loo diro si guul ah sannadkii 1783 – waxay dhaaftay halkii ay gaartay buufintii kale ee 1901 lagu ogaaday lakabka jawiga sare ee dhulka ku xeeran ee loo yaqaan ‘stratosphere’ taas oo kor u kacday masaafo dhan 10.8km. Waxay kor u dhaaftay joog walba oo abid ay diyaaradi gaarto, ha ahaato helikobtar, diyaaradaha dagaalka amaba kuwa shacabka.
Buufintani xataa waxay dhaaftay halka ay gaartay buufintii uu ku duulay madaxii hore ee shirkadda Google sannadkii 2014 taas oo gaartay 41.4km ka hor inta uusan baarashuut kaga boodin sanduuqa ay buufiinadu qaadan.
Kor ayey usii kacday waxayna gaartay qaybaha ugu sareeya jawiga hawada dhulka oo ka mid yihiin meelaha ugu qabow oo heerkulku ka hooseeyo -143c oo ka qabow heerkul kasta oo abid laga diiwaan galiyey dusha sare ee dhulka.
Ugu dambentii waxay buufintu gaadhay joog dhulka ka sareeya 53km ama (173,900ft). walxaha lagu gano gantaallada iyo dayax gacmeedyada oo kali ah ayaa halkaas ka sare mari kara. Ma aha diyaarad balse waa buufin shayga sayniska ee aadanah gaarsiiyey cidhifka ugu fog ee hwada sare .
Qalabkan u hawada ee u muuqda mid iska fudud ayaa alaabta iyo qalabka cilmi baarista gaarsiin kara meel aanay diyaarad gaarsiin Karin waxayna ku nagaan kartaa halkaas muddo dheer.
Maalmo kadib markii buufin basaasimo looga shakiyey ay soo rideen ciidamada Maraykanku waxay BBC-du u kuur gashay sababta buufinta ay u tahay dookha ugu horeeya ee saynisyahannada, shirkadaha internet-ka, kuwa cimilada, iyo dabcan wakiillada dawladaha wax u basaasa.
Joog sare intee dhan ayey buufintu gaari kartaa?

Buufinnada gaaraya joogga aadka u sareeya sida middii Japan ee 2002-dii taariikhda dhigtay iyo toddobaadkii hore dhacdada diblomaasiyadeed ka dhex dhalisay Shiinaha iyo Maraykanka ayaa dabcan ka duwan kuwa raaxada ee dadweynuhu ku duulaan. Maxay ku kacaysaa in la sameeyo buufinta joogga sidan u sareeya gaari karta – halkaasna ku nagaan karta?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Russ Van Der Werff oo ka shaqeeysa shirkadda sameeya buufinnada joogga sare ku duula ee Maraykanka Raven Aerostar waxuu hayaa fikir ka wanagaasan kuwa kale badankood. Van Der Werff, gudoomiye ku xigeenka shirkadda ee xalalka stratospheric, waa injineer hogaaminaya kooxda naqshadaynta buufinnada si ay ugu isticmaalaan kiiloomitir ka sarreeya saaxada diyaaradahu gaaraan.
Raven Aerostar waxay ka shaqaysaa labada qaybood ee difaaca iyo ganacsigaba, waxayna u naqshadeynaysaa buufinnada mashruuca internetka degdegga ah ee Google Loon.
10-kii sano ee la soo dhaafay, Raven Aerostar waxa ay daah furtay in ka badan 3,000 buufin. “Waxa aanu samaynay noocyo kala duwan oo baco ah, waxa aanu haynaa dhawr shay oo aanu hadda isticmaalnay oo aad uga wanaagsan kuwii aanu isticmaali jirnay 10 sano ka hor marka waa geedi socod gaar ah oo aan wax badan ku soo kordhinay."
Hagaajintani kaliya kama caawinayso buufinadu inay sare u kacaan, balse sidoo kale waxay ka caawiyaan inay kor u kacaan muddo dheer. "Kaliya si aan ku siino nooc ka mid ah fikradda, Thunderhead, oo ah wax soo saarka ganacsiga ee hadda, waxaan sameynay duulimaadyo 150 maalmood ah oo aan ku jirno hal buufin hadda.Rikoorkeena dhamaadka wuxuu ahaa 320 maalmood.
Markaa kuwanu waa tirooyinka aynaan heli karin 30 sano ka hor, agabka iyo farsamooyinka wax soo saarkuna waxay sameeyeen farqi weyn muddadaas.” Mashruucii Loon waxa la joojiyay 2021, laakiin Van Der Werff waxa uu sheegay in uu rajaynayo in shirkadiisu ay dhawaan awood u yeelan doonto in ay soo saarto buufin kor ku maqnaan karta sannad buuxa.
Buufinta Shiinaha ayaa la soo riday toddobaadkan ka dib markii ay soo martay kumanaan mayl oo ka mid ah badda Baasifigga iyo qaaradaha Mareykanka waxayna tani muujinaysaa masaafada weyn ee buufinnada noocan oo kale ah ay awoodaan inay duulaan. Masafada ay duuli karaan waxay sidoo kale ku xirantahay inta uu la egyahay culayska buufintu iyo waxa ay sidddo.
Maxay qaadaan Buufinnada Jooga sare ku duula?
Iyada oo ku xiran waxa hadafkoodu yahay, buufinnadani waxa ay qaadaan wax kasta oo ka soo baxa qalabka cabbiraadda sayniska ilaa qalabka isgaarsiinta ama - haddii basaas loo isticmaalayo - dareen-qaadayaal ama kaamirooyin si ay u eegaan dhulka ka hooseeya. Waa jawi adag in loo naqshadeeyo qalabka, ayuu yiri Van Der Werff. "Naqshadeynta qalabka Elektiroonigga ah ee buufinta waxay la mid tahay naqshadeynta qalabka Elektaroonigga ah ee dayax-gacmeedka, jawiga 27.2km oo inanga sareysa waa qiyaastii 1% cufnaanta halkan.
"Halkaas aad bay u qabowdahay, waxaan hoos ugu degi doonnaa ilaa -80C (-112F)," ayuu yiri. "Laakiin waxa xiisaha leh ayaa ah, sida caadiga ah, marka dadku u naqshadeeyaan qalabka Elektiroonigga ah ee stratosphere, waxay dhab ahaantii dhib badan ku qabaan inay qaboojiyaan marka loo eego diirimaad, sababtoo ah halkaasi malaha wax hawo ah. Markaa, ma awoodid inaad afuufto marawaxada kuleyliyaha si aad u dhaqaajiso kuleyliyaha.
Inaad ka dhigto qalabka elekroonikada mid ku shaqeeya wax 20km dhulka ka sareeya aya ah mid aan fududeyn qudheedu. "Inta badan duulista maanta waxay ku shaqeeyaan shidaal fosil ah," ayuu yiri Van Der Werff. "Marka aad gubto shidaalka matoorka, waxaad haysataa awood badan, inta badan dareemayaasha elektiroonigga ah, qalabka isgaarsiinta ee loogu talagalay diyaaraduhu waxay cunaan awood badan, sababtoo ah awoodda korontadu maaha mid caqabad weyn ku ah inta badan diyaaradaha."
Qalabka buufinta qaada waxay hadaba u baahan yihiin xal kale.
"Waxaan ku qaadannaa dhammaan tamartayada qorraxda inta lagu jiro maalinta, kadibna waxay awoddaasi u qaybsantaa habeenka iyo baytariyada, ka dibna dhex-wareegaya habeenkii iyo baytariyada," Van Der Werff ayaa yidhi. "Kadibna marka aan u qaadayno buufinta kor iyo hoos, waxaan isticmaalnaa kombaresarada korontada ku shaqeysa oo soo jiidan kara ilaa 800W. Waxaa jira caqabado naqshadeed oo dhab ah oo ku wareegsan isticmaalka tamarta ee dareemayaasha qalabka isgaarsiinta."
“Haddii aan si sax ah u qiyaaso oo aan u saadaaliyo kala duwanaanta dabaysha ee lakabyada kala duwan ee jawiga sare, markaa waxaan bedeli karaa meelaha sare waxaana ku sii socon karaa hal aag” - Russ Van Der Werff
Sidee loo xakameeyaa buufinta noocan ah
Beddelka jihada buufinka ee meelaha sare waa adag tahay, sidoo kale. Van Der Werff ayaa sheegay in habka ugu fiican ay tahay in kor iyo hoos loo dhaqaajiyo buufinta, halkaas oo laga faa'iidaysan karo sifooyinka gaarka ah ee lakabyada kala duwan. "Waxaa loo yaqaan stratosphere sababtoo ah waxaa jira lakabyo kala duwan e tilmaamaha jawiga kala duwan ee halkaas. Waxa aan ka ogannay duulista dhammaan buufinnadaas waa in kuwa sare ee kala duwan, waxaa jira dhab ahaantii xoogaa kala duwanaansho ah xawaaraha dabaysha iyo jihada. dabayshu waxay u dhacaysaa jihooyin kala duwan."
Inta badan tan lama aqoon ilaa dhowr iyo toban sano ka hor, saynisyahannadu iyo injineeradu waxay isticmaalayaan xisaabta ‘algorithms’ iyagoo isku dayaya inay saadaaliyaan qaababka dabaysha ee lakabyada jawiga sare.
Waxay ka dhigan tahay in halka buufinku aanu "ku sugnaan" karin sida diyaarada iyadoo ku duuleysa qaabka orodka ee ku wareegsan bar go'an, waxay ka faa'iideysan kartaa qaababka kala duwan ee dabaysha ee u dhexeeya lakabyadan.












