Sida Maraykanku usoo riday buufintii shiinaha iyo waxa uu ka damcsanyahay haraadigeeda

Maraykanka ayaa soo riday buufin weyn oo Shiinuhu leeyahay taas oo uu ku sheegay in ay ilaalo ku ahayd goobaha muhiimka ah ee ciidamada Maraykanka oo dhan.
Wasaaradda difaaca Maraykanka nayaa xaqiijisay in diyaaradaheeda dagaalka ay soo rideen buufintan hawada sare ee Mareykanka maraysay.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa markii dambe muujisay "qanacsanaan la'aan iyo diidmo ka dhan ah adeegsiga xoogga ee ciidamada Mareykanku kusoo rideen buufintan".
Muuqaallo ay baahiyeen shabakadaha iyo TV-yada wararka Maraykanka ayaa muujinayay buufinta oo ku dhacaysa badda kadib markii uu dhacay qarax yar oo ka dhashay gantaalkii lagu dhuftay buufinta.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Diyaarad nooca F-22 ee Maraykanka ah ayaa ku dhufatay buufinta oo joog sare ku socotay hal gantaal oo nooca - AIM-9X loo yaqaan ah - waxayna ku dhacday meel qiyaastii lix mayl u jirta xeebaha Mareykanka saacaddu markay ahayd 2:39pm xilliga bariga Maraykanka, ayuu saxaafadda u sheegay sarkaal ka tirsan gaashaandhigga.
Saraakiisha difaaca ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka in burburku uu ku dhacay meel badda dhexdeeda ah oo dheerarkeedu yahay 14 mitir – taas oo aan u qoto dheereyn sidii la filayey – oo ah meel u dhow xeebta Myrtle ee gobolka Koonfurta Carolina.
Milatarigu waxa ay hadda isku dayayaan in ay soo ceshadaan burburka oo ku firdhay ballac gaaraya illaa todobo mayl. Labo markab oo uu ku jiro mid wata wiish culus oo loogu tala galay in lagusoo bixiyo haraadiga buufinta ayaa ku sugan aagga.
War qoraal ah oo ka soo baxay Pentagon-ka ayuu sarkaal sare oo ka tirsan waaxda difaaca Mareykanka ku yiri "inkasta oo aan qaadnay dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan uga ilaalino in buufinta Shiinaha ay qaaddo macluumaadka xasaasiga ah, hadana in buufintan sahanka ah ay soo gasho hawada Mareykanka ayaa faaiido kale noo leh.
“Waxaa noo suurtagalaysa in aan baaritaan ku sameyno buufinta iyo qalabkeeda oo ah mid qiimo leh,” ayuu sarkaalku hadalkiisa ku daray.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cadaadis lagu saarayay inuu soo rido buufinta tan iyo markii saraakiisha gaashaandhigga ay ku dhawaaqeen inay la socdaan marrinka buufintan.
Ka dib markii buufinta la toogtay, ayuu Mr Biden yiri: "Si guul leh ayay u soo rideen, waxaana ku amaanan duuliyeyaasheenna soo riday."
War saxaafadeed ay soo saartay saacado ka dib, wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa lagu yiri: "Dhinaca Shiinaha waxuu si isdaba joog u wargelinayay Maraykanka ka dib markii la xaqiijiyay in buufintan ay tahay mid rayid ah oo hawada Maraykanka usoo gashay si aan ku tala gal ahayn - gabi ahaanba waxay ahayd shil."
Helitaanka buufinta ayaa kicisay xiisad diblomaasiyadeed, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu isla markiiba joojiyay safar uu usbuucan ku tagi lahaa Shiinaha “falka mas’uuliyad darroda ah” awgii.
Maamulka Shiinaha ayaa beeniyay inay tahay buufin wax basaasta, waxayna taasi bedelkeeda sheegeen inay ahayd mid loo adeegsado cimillada oo qadka ka luntay.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan oo ka falcelinaysa dhacdadan ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: "Falalka xukuumadda xisbiga shuuciga ee Shiinaha ee ka hor imanaya shuruucda caalamiga ah iyo ku xad-gudbidda hawada iyo madax-bannaanida dalalka kale waa inaanay u dulqaadan beesha caalamka oo ilbax ah."
Shiinuhu wuxuu u arkaa Taiwan oo iskeed isu maamusha; inay tahay gobol ka go'ay oo aakhirka hoos iman doona maamulka Beijing. Madaxweyne Xi Jinping ma uusan meesha ka saarin in awood loo isticmaalo si taas loo gaaro.
Laakiin Taiwan waxay isu aragtaa inay madaxbannaan tahay, iyada oo leh dastuur u gaar ah iyo hoggaamiyeyaal si dimoqraadi ah loo soo doortay.
Madaxweyne Biden ayaa markii ugu horreysay ansixiyay qorshaha lagu ridayo buufinta Arbacadii, balse Pentagon-ka ayaa sheegay in uu go’aansaday in la sugo ilaa shaygu uu ka gaarayo dhinaca badda si aysan dadka dhulku ugu gelin khatar aan loo baahnayn.
Qorshaha hawlgalka ayaa la dejiyay markii Maamulka Duulimaadyada Federaalka ee Mareykanka ee loo soo gaabiyo (FAA) ay si kooban u hakiyeen dhammaan duullimaadyadii rayidka ahaa ee saddexda garoon ee ku yaalla xeebta gobolka koonfurta Carolina galabnimadii Sabtida sabab lagu sheegay "dadaal amniga qaranka".
Ilaalada xeebaha ayaa sidoo kale kula taliyay badmaaxiinta inay ka baxaan aagga howlgallada milatari ay ka socdaan "kaas oo keenaya khatar weyn".
Goobjooge ku sugan xeebta, oo la yirahdo Hayley Walsh, ayaa BBC-da u sheegtay in ay aragtay saddex diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo wareegaya ka hor inta aan gantaalka la ridin, ka dibna "waxa aanu maqalnay bug weyn, gurigu waa gariiray".

Xigashada Sawirka, Reuters
Mid ka mid ah saraakiisha sare ee militariga ayaa u sheegay CNN in soo saarista burburka ay tahay "mid fudud" oo ay qaadan karto "waqti gaaban". Sargaalka ayaa intaa ku daray in "Diyaaradaha badda ee awooda leh" la diri karo si ay gacan uga geystaan howlgalka.
Saraakiisha difaaca ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday Sabtidii in buufinku uu markii ugu horeysay soo galay hawada Mareykanka 28-kii Janaayo meel u dhow jasiiradaha Aleutian, ka hor inta uusan u dhaqaaqin hawada Kanada seddex maalmood ka dib, oo uu dib u soo galay Mareykanka 31-kii Janaayo. Shayga ayaa lagu arkay gobolka Montana ee dalka Mareykanka, halkaasoo ay ku yaallaan dhowr goobood oo xasaasi ah oo ay yaallaan gantaallada Nukliyeerku.
Xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka ayaa waxaa uga sii daray shilkan, iyadoo Pentagon-ku uu ku tilmaamay "xadgudub aan la aqbali karin" oo ka dhan ah madax-banaanida Mareykanka.
Mr Blinken - xog hayaha arriimaha dibadda Mareykan ayaa u sheegay Beijing inay tani tahay "fal mas'uuliyad darro ah" ka hor safarkiisa hadda la baajiyay ee 5 illaa 6 Febraayo - waxay noqon lahaa kulankii ugu horreyay ee heer sare ah kaas oo Mareykanka iyo Shiinahu ku kulmaan halkaas sannado badan kadib.
Laakiin Shiinaha ayaa doonayey in uu hoos u dhigo baajinta booqashadiisa, isagoo bayaan uu soo saaray Sabtidii ku sheegay in labada dhinacba aysan si rasmi ah u shaacin qorshe safar.
Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in Beijing "aysan aqbali doonin mala-awaal aan sal lahayn ama buunbuunin" waxayna ku eedaysay "siyaasiyiinta iyo warbaahinta Mareykanka qaarkood" inay dhacdada u adeegsadeen "fursad ay ku caayaan kuna sumcad dilaan Shiinaha."
Jimcihii, ayuu Pentagon-ku sheegay in buufin labaad oo Shiinaha laga leeyahay lagu arkay - markan isagoo dul maraya waddamada Latin America ee Costa Rica iyo Venezuela.
Ciidamada Cirka ee Kolombiya ayaa sheegay in 3-dii Febraayo hawada dalkaasi laga helay shay la aqoonsaday – oo la rumeysan yahay inuu yahay buufin.
Waxa ay sheegtay in ay la socotay shaygaas ilaa ay ka baxay hawada dalkooda, iyada oo intaa ku dartay in aanay u ekayn wax khatar ku ah amniga qaranka.
Shiinaha weli si cad ugama hadlin buufinta labaad ee la sheegay.













