Madaxda sare ee Israa'iil oo ka shiraya maanta qorshe lagula wareegayo gabi ahaanba Gaza

Xigashada Sawirka, Reuters
Golaha ammaanka ee Israa'iil ayaa maanta oo Khamiis ah shiraya si ay go'aan uga gaaraan in ay amar ku bixinayaan in gebi ahaanba ciidamadoodu ay la wareegaan Marinka Gaza - tillaabadan ayaa Qaramada Midoobay sheegtay in ay keeni karto "cawaaqib xun".
Warbaahinta Israa'iil ayaa sheegtay in ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu arrintan u arko habka keliya ee lagu burburin karo Xamaas iyo in la sii daayo la haystayaasha ay weli kooxdaasi haysato kaddib markii ay burbureen wadahadalladii xabbad joojinta.
Wararka, ayaa sheegaya in madaxa ciidamada iyo qaar ka mid ah wasiirrada ay isku khilaafeen, iyadoo laga digayo in tallaabadan oo kale ay masiibo ku noqon karto la haystayaasha iyo shacabka Falastiiniyiinta.
Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay Miroslav Jenča ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horaantii isbuucaan sheegay in tallaabadaan ay ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah ayna tahay " mid aad looga naxo".
Milatariga Israel ayaa hadda gacanta ku haya qiyaastii saddex meelood meel Gaza. Dadka ugu badan ee Gaza ayaa horay uga barakacay dagaalka, qaar kale oo badana waa la barakicin doona haddii ciidamadu ay la wareegaan goobaha ay ku harsan yihiin.
Golaha Wasiirada ee Amniga ee Wasiirada ugu sareeya Xukuumadda ayaa lagu wadaa inay kulmaan 18:00 Saacada Bariga Dhexe.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Israel, tobanaan kun oo askarta Israa'iil ah ayaa loo baahan doonaa in loo diro Gaza si ay ula wareegaan.
Wararka ayaa sheegaya in qorshuhu uu markii hore diiradda saarayay sidii si buuxda gacanta loogu dhigi lahaa magaalada Gaza, iyadoo hal milyan oo qof oo ku nool ay loo rari doono koonfurta. Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegi doona xerooyinka qaxootiga ee ku yaala bartamaha Qaza iyo meelaha la aaminsan yahay in lagu haysto maxaabiista.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wararka ayaa sheegaya in weerar labaad uu xigi doono toddobaadyo ka dib iyadoo ay barbar socoto xoojinta gargaarka bini'aadantinimo.
Safiirka Maraykanka ee Israa'iil Mike Huckabee ayaa u sheegay Fox News inay jiri doonto kor u qaadis weyn oo lagu samaynayo goobaha qaybinta gargaarka ee ay maamusho Hay'adda Gargaarka Bani'aadamnimada ee Gaza (GHF) ee ay Israa'iil iyo Maraykanku taageeraan.
GHF waxaa si adag u dhaleeceeyay Qaramada Midoobay iyo hay'adaha gargaarka, oo ku eedeeyay inay tahay fowdo iyo inay ku qasabto Falastiiniyiinta gaajeysan inay masaafo dheer u safraan xaalado halis ah si ay isugu dayaan inay cunto helaan.
Boqolaal ruux ayaa lagu toogtay gudaha ama agagaarka afarta goobood ee ay maamusho GHF tan iyo markii ay shaqada bilowday bishii May. Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho iyo goob joogayaal ayaa ku eedeeyay ciidamada Israel inay mas'uul ka yihiin toogashooyinkaas. Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa beeniyay in la bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah, iyagoo sheegay in askartu ay rideen rasaas digniin ah si ay dadka dib ugu celiyaan.
Dagaalkan ayaa Qaza ka abuuray masiibo bini'aadantinimo, kuwaas oo badi khubarada ay taageerto Qaramada Midoobay ay sheegeen in ay marayso heer macaluul ah oo dhanka cunnada ah. Dhulkaan ayaa sidoo kale laga dareemaya xaalufin ballaaran taasoo ka dhalatay xannibaado culus oo ay Israa'iil ku soo rogtay waxa loo ogol yahay in ay gudaha galaan - wax ay sheegtay in looga golleeyahay in lagu wiiqo Xamaas.
Netanyahu ayaa lagu soo waramayaa inuu maalmihii la soo dhaafay go'aan ka gaaray qabsashada Qaza, waxaana sare u kacay xiisadda isaga iyo taliyayaasha ciidamada ka dhaxaysa.
Kulan uu Talaadadii la qaatay Netanyahu, madaxa ciidamada IDF, Eyal Zamir, ayaa la sheegay in uu ka digay in xakameynta Qaza ay keeni karto dabin ciidan iyo khatar dheeraad ah oo la wajaho. Waxaa lagu soo waramayaa in uu soo bandhigay qorshe kale oo ku sheegaya in la hareereeyo goobaha haray ee Xamaas halkii ay si buuxda u qabsan lahaayeen.
Warbaahinta Israa'iil ayaa sheegaysa in inkasta oo ay tahay wax laga xumaado, haddana golaha wasiirrada amniga ayaa la filayaa in ay ansixiyaan qorshaha Netanyahu.
Qoysaska la haystayaasha ayaa arrintan ka hadlay, iyagoo ka baqaya in tallaabadan oo kale ay ku riixdo dadka afduubka u haysta inay dilaan dadkooda.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in la wareegida Qaza ay "runtii tahay mid u taalla Israel". Maraykanku waxa uu dhexdhexaadinayey wadahadalo xabbad-joojineed oo dadban oo u dhexeeyay Israa'iil iyo Xamaas muddo bilo ah, laakiin wada-hadallada ayaa burburay laba toddobaad ka hor.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Xamaas ay weerartay Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, halkaas oo ay ku dishay ilaa 1,200 oo qof, 251 kalena ay u wateen Qaza iyagoo la haystayaal ah. Israa'iil ayaa qaaday weerar millatari oo ballaaran oo ay kaga jawaabayso, kaasoo lagu dilay ugu yaraan 61,158 falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.













