Haweeney guursatay meydka saaxiibkeed kaddib markii loo dilay arrimo la xiriira quursi

"Saaxiibkey wuu guuleystay xitaa markii uu dhintay, waalidkeyna way guuldaresteen xitaa markii ay dileen".
Sidaa waxaa yiri Achal Mamedwar oo 21 jir ah oo muujisay sida qotada dheer ay u jecleyd saaxiibkeed. Gabadha ayaa ku nool magaalada Andheri gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya.
Achal ayaa go'aan ku gaartay xitaa markii la dilay in ay guursato meydkiisa. Dilka saaxiibkeed ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen aabaheed iyo labo la dhalatay.
Dilka ayaa gilgilay magaalada ay ku noolaayeen, waxayna dadka deegaanka muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin dilka Suksham oo 20 jir ahaa.
Lammaanahan oo kala jiray 20 iyo 21 ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiriir jaceyl saddexdii sano ee la soo dhaafay balse qoyska Achal si weyn ayey uga horjeesteen in xiriirkaas sii socdo.

Kaddib markii la dilay Suksham, Achal waxay go'aansatay in ay joogto guriga Suksham. Mudadii ay joogtay ayaa halkaas waxaa lagu qabtay xaflad aroos sida dhaqanka guurka halkaas uu yahay.
"Qoyskeyga waxay diideen xiriirka wiilka igala dhexeeyay sababtuna waxay aheyd ayey tiri in uu ka soo jeedo dabaqad kale" ayey tiri Achal.
Achal waxay warbaahinta u sheegtay in Suksham mar aan dhaweyn xabsiga laga soo daayay markaa kaddibna ay hanjabaado uga imaaneysay qoyskeeyga.
Waxaa lagu eedeeyay in qoyska Achal xubno ka tirsan ay weerareen Suksham saacadu markii ay aheyd 5:45 daqiiqo galinkii dambe ee khamiista. Booliska waxay sheegaan in Achal aabaheed iyo walaalaheed ay toogteen Suksham kaddibana ay si xun u tumeen ilaa uu ka dhinto.
Hanjabaadaha dilka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Labo saac ka hor inta aan la dilin ayey Achal hooyadeed aaday guriga Suksham iyadoo u hanjabeysa. Qoyska dhibanaha ayaa booliska ku wargeliyay falka dilka ah.
Achal waxay warbaahinta u sheegtay in ay si weyn isu jeclaadeen iyada iyo Suksham kaddib markii xabsiga laga soo daayay. Waxay sheegtay in xitaa iyada loo hanjabay. Waxay sheegtay in loogu hanjabay daldalaad. Achal waxay kaloo sheegtay in sababta dilkan u dhacay ay tahay arrin la xiriirta dabaqad iyo naceyb.
"Suksham ma joogo balse weli waan jeclahay. Waxaan joogayaa gurigiisa" ayey tiri Achal oo murugo ka muuqato.
Kaddib markii qoyska Suksham ay booliska dacwad u direen ayaa loo diwaangeliyay kiiska fal dil iyo jirdil ah oo ay geysteen lix qof oo uu ku jiro aabaha dhalay Achal. Boolisku waxay sheegeen in dhammaan eedeysanayaasha lagu soo xiray 12 saacadood.
Achal hooyadeed, aabaheed iyo walaalkeed ayaa hadda xiran. BBC-da waxay isku dayday in ay hadal ka hesho qoyska la eedeeyay ama qareenadooda balse waxba weli ma aysan helin.

Achal waxay tiri, "Aabahey iyo walaalkey way guuldareysteen xitaa markii ay dileen halka Suksham uu guuleystay xitaa isagoo dhintay, maxaa yeelay weli jaceylkeena waa jiraa" ayey tiri iyadoo intaas ku dartay "xiriir ayaa inaga dhexeeyay saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Achal waxay sheegtay in aabaheed uu ku dhihi jiray, "Lama hadli kartid qof kale, waa kuu guurinaa ee jooji hadalka aad la siiwado?
Sida ay boolisku sheegeen, eedeysanayaasha way qirteen in ay dambiga galeen
Boolisku maxay sheegeen?
Sida uu sheegay taliye ku xigeenka booliska ee gobolka, Prashant Shinde, kiiskan ayaa loo diwaangeliyay fal dambiyeedyo kala duwan sida uu qabo xeerka ciqaabta dalka Hindiya.
Boolisku waxay kaloo sheegeen in lixda qof ee looga shakisan yahay in ay dilka geysteen ay ku jiraan gacanta booliska.













