Dil tobanaan sano ka hor dhacay oo hadda muran ka dhaliyey Hindiya

Shakereh

Xigashada Sawirka, PRIME VIDEO

Shekereh Khaleeli waxay ahayd “quruxley taajirad ah” waxayna kasoo jeedday mid ka mid ah qoysaskii ka talin jiray gobolka koonfurta Hindiya ee Karnataka. Balse 1991 kii dhaxal sugtadan maal qabeenka ah ayaa hal mar uun la waayey jaan iyo cidhib meel ay dhigtay.

Muddo saddex sano ah ayuu ninkeedii labaad – Murali Monahar Mishra oo ku magac dheer Swami Shraddhananda isku toosinayey sheeko cajiib ah oo ku saabsan meesha ay ku dambeysay xaaskiisu.

Sannadku markuu ahaa 1994-kii ayaa hadhaadiga meydkeeda laga helay barxadda aqalkooda qasriga ah ee ku yiil magaalada Bengaluru oo hadda loo yaqaan (Bangalore). Shakereh waa la jiidjiiday waxaana lagu cabbeeyay sanduuq (naxash) alwaax ka sameysan – sida mar dambe la ogaan doonana waxaa la aasay iyada oo nool.

Sannadkii 2003-dii maxkamadda ayaa Murali ku heshay dembiga waxaana lagu xukumay dil, taas oo maxakamdda sare ay mar dambe xaqiijisay. Waxay maxkamaduhu aqbaleen in Murali uu haweenayda ku raacay isla markaana damcayey hantideeda oo balaayiin rubbi ahayd.

Xilligii racfaankiisa, waxay maxakamaddu ugu yeedhay “kiis isku darsaday damac aadmi iyo dhagar shaydaan”, balse waxaa xukunkiisa hoos loogu dhigay cimri xarig “aan lka noqosho lahayn”. Maxkamadda ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay ku gacan saydhay codsigiisa ahaa in cafis loo fidyo.

Dambiga shucuurta xambaarsan ee Hindiya ruxay 30 sano ka hor ayaa ciwaan u ah filinka taxana ah ee internetka laga daawado kaas oo laga heli karo Amazon Prime looguna magac daray Ciyaarta qabriga dushiisa (Dancing on The Grave) – waxaana magacan loogu bixyey sababtoo ah ardaaga ay ku aasnayd Shakereh ayuu ku qaban jiray xaflado laguna dul ciyaari jiray qoob ka ciyaar.

Soo saaraha Filimka Chandni Ahlawat Dabas ee shirkadda India Today of Production ayaa tiri waxaa jiray su’aalaha sida, “maxay, sabab iyo sidee” ku xeeran dembigan oo ilaa hadda aan la aamini Karin.

“kasokow in uu dembigan 30 sano jiro, waxaan dareennay in dembigani yahay mid u baahan in la baahiyo waayo waa wax la yaab leh illaa iyo manta,” ayey kusii dartay.

Taxanaha Dilka iyo Dilaaga ayaa ku guul darreystay in uu ka jawaabo dhammaan su’aalaha, balse wuxuu kasbaday daawasho badan wuxuuna soo jiidasho badan ka helay guda Hindiya.

Shraddhananda ilaa hadda wuu inkirsan yahay dembiga

Xigashada Sawirka, BANGALORE NEWS PHOTOS

Qoraalka sawirka, Shraddhananda ilaa hadda wuu inkirsan yahay dembiga
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Labada qaybood ee ugu horreeya ee taxanaha afarta qaybood ah waxay ku qotomeen nolosha Shakereh.

Gabadha uu awoowaha u yahay Sir Mirza Ismail - oo u adeegi jirtay Dewan ee dawladihii amiirrada ahaa ee Mysore, Bangalore, Jaipur iyo Hyderabad, waxaana lagu tiriyaa inay dhistay dhismayaal iyo taallooyin taariikhi ah - waxay guursatay diblomaasiga caanka ah ee Akbar Khaleeli waxayna ubad dhashay afar gabdhood. .

Xubnaha qoysku waxay ku tilmaamaan inay ahayd "qof soo jiidasho leh, oo meeqaam sare leh" taasoo ahayd "gaadiid jacayl, bulshaawiyad, dadka jecel lana jecel yahay".

Laakiin bartamihii 1980-meeyadii, waxay la kulantay Shraddhananda, nolosheeduna waxay yeelatay isbedel xooggan.

Weriyaha BBC Hindi, Imran Qureshi, oo wakhtigaas ka shaqeynayay wargeyska Times of India ee Bangalore, ayaa yidhi "dilka ayey dadku ka naxeen ugu horrayn sababtuna waxay tahay qaabka loo dilay - xaqiiqda ah in iyada oo nool la aasay".

Denbiga ayaa sidoo kale noqday hadal heynta magaalada ugu weyn sababtoo ah Shakereh waxa ay guursatay nin sida Shraddhananda oo kale ah ka dib markii ay kala tageen ninkeedii ugu horeeyay,” ayuu raaciyay.

Sida laga helay Jaraa’idyada waagaas Shraddhananda waxa uu ka caray dugsiga wuxuuna kasoo jeeday qoys sabool ah, "nin fariid iska yeel ah" iyo "wiil shaqo doon ah" kaasoo is jeclaysiiyey Shakereh isagoo "ka caawiyay xallinta arrimaha hantida" kana faa’iideysanaya “baahida ay will u qabtay isaga oo sheegtay inuu leeyahay awood sixir oo taas suurta gelin garta”.

Wararka ayaa sheegaya in xiriirkoodu xumaaday wax yar uun ka dib markii ay is guursadeen sanadkii 1986-kii

Xigashada Sawirka, PRIME VIDEO

Qoraalka sawirka, Wararka ayaa sheegaya in xiriirkoodu xumaaday wax yar uun ka dib markii ay is guursadeen sanadkii 1986-kii

Wararka ayaa sheegaya in xiriirkoodu xumaaday wax yar uun ka dib markii ay is guursadeen sanadkii 1986-kii, waxaanay labadoodu marar badan isku qabsadeen arrimo badan oo dhanka lacagta ah, taasoo keentay in Shraddhananda uu qorsheeyo inuu xaaskiisa u dilo si xun.

Laakiin inkastoo xaqiiqda ah in ay dambiga ku heleen wadar ahaan sideed garsoore oo ka kala socday maxkamadaha India, maxkamada sare iyo maxkamada ugu sarreysa, qareenkiisa ayaa ku adkeysanaya in cadeymaha lagu soo oogay sida ugu wanaagsan ay tahay dhacdo xaaladu sababtay waxaana taxanaha shabakada ka maqalnaa Shraddhananda laftiisa oo weli dafiraya dambigiisa.

Qaar ka mid ah dadka ayaa su'aal ka keenay bandhigga in madal la siiyay qof gacan ku dhiiglenimo lagu xukumay laakiin Patrick Graham oo ah filim sameeye British ah oo Mumbai deggan, waxna ka qoray oo agaasime ka ahaa Dancing on the Grave, ayaa difaacay go'aanka ah in sheekada Shraddhananda la siiyo mudnaan.

"Waxaan u maleynayaa inay aad muhiim u tahay inaan dhankiisana sheekada ka dhageysanno, si ka sii badan sababtoo ah waligeen wax war ah kama aynaan maqal 30-kii sano ee la soo dhaafay. Waxaa intaa dheer, wuxuu na siiyay fikrado qiimo leh oo ku saabsan dabeecadda Shakereh," ayuu u sheegay BBC.

Laakiin aakhirkii, wuxuu ka dhigi kari waayay maxkamadaha Hindiya inay rumaystaan in aanu dembi lahayn.