Daawo: Horta aslanba, yaa bulshadeenna baraha bulshada uga dhigay meel xal laga raadiyo?

Qoraalka Muuqaalka, Maxaa Soomaalida qaar ku kalifa inay xal ka raadiyaan baraha bulshada?

Waxaa waayadan dambe ee ay tiknolojiyadda casriga soo hana qaaday ku soo kordhay bulshada Soomaalida in isticmaalka internetka ay qaarkood si khaldan ugu baahiyaan arrimaha qoyska ee awal ahaa kuwa horay looga xishoon jiray si hoosana loo xalin jiray balse hadda khilaafyada dhexdooda ah ayay u soo bandhigaan malaayiin qof oo aysan aqoon u lahayn.

Marba marka ka dambaysa dhacdooyinka la yaabka leh ee baraha bulshada lagu baahiyo ayaa sii xoogaysanayay.