Gabdhaha qaybta ka ah horumarka dhismaha sii bullaalaya ee Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Anthony Irungu / BBC
- Author, Fardowsa Hanshi & Anthony Irungu
- Role, BBC News, Mogadishu
Dhismayaal cusub ayaa si xawli ah uga soconaya caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, taasoo muujinaysa horumar iyo fursado lama filaan ah oo u soo baxaya haweenka, sida Fatxi Maxamed Cabdi iyo Sacdiya Axmed Cumar.
Labadan injineer ee da'da yar ayaa kormeeraya dhismaha dhismo dabaqyo ah oo ka kooban 10 dabaq, oo laga dhisayo xaafadda Taleex ee degmada Hodan.
Iyaga oo xiran koofiyadaha badbaadada, ayay dhex socdaan qalabka dhismaha, iyaga oo faraya shaqaalaha - dhammaantood rag ah.
"Markii aan bilowga ahaa, dadku way iga shakiyeen," ayay tiri Fatxi Cabdi, oo 24 jir ah, ahna madaxa fulinta ee Arkan Engineering Services, oo ah shirkad dhismo Soomaaliyeed ah.
"Waxay Idihi jireen, 'Sidee ayaan ugu kalsoonaan karaa guri ay haweeney dhistay? Sideen hantidayda iyo gurigayga ugu aamini karaa injineer dumar ah oo dhalinyaro ah?'"
Fatxi iyo saaxiibteed Sacdiya waa injineerro xirfadlayaal ah muddo shan sano ah.
"Muqdisho way noo baahan tahay," ayay tiri Sacdiya oo iyaduna 24 jir ah. "Markii aan yaraa, magaalada waxay ahayd mid fowdo ah. Hadda, annagaa dib u dhiseyna."
Soomaaliya, oo horay gumeystayTalyaaniga, waxay gashay dagaal sokeeye oo socday dheer kadib markii uu dhacay xukunkii Madaxweyne Siyaad Barre bishii Janaayo 1991.
Xitaa maanta, raadadkii dagaalka waa laga arki karaa - sida degmada dhexe ee Shangaani oo ay wali ku yaallaan dhismayaal la qarxiyay. Laakiin burburkaas hadda wuu qarsoon yahay ama waxaa lagu beddelayaa dhismayaal dhaadheer iyo xafiisyo cusub, muuqaalka magaalada ayaa si weyn isku badelaya.
Labada haween waxay dhasheen xilligii dagaalka, iyaga oo marqaati ka ahaa dalkooda oo burburaya. In badan oo Soomaali ah waxay doorbideen inay ka cararaan, balse iyagu way joogeen, iyaga oo leh rajo iyo rabitaan ay dalkooda dib ugu dhisaan – xitaa iyadoo wali ay halis tahay, maadaama kooxaha sida Al-Shabaab, oo xiriir la leh al-Qaacida, ay wali dagaal ka wadaan dalka.

Xigashada Sawirka, Mohamud Abdisamad / BBC
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ibrahim Cabdi Xeyle, guddoomiyaha Ururka Injineerada Soomaaliyeed, wuxuu sheegay in baahida weyn ee loo qabo xirfadlayaal aqoon leh ay keenayso isbeddel – inkastoo si tartiib ah – gudaha bulshada Soomaaliyeed oo dhaqankeeda uu raggu u badanyahay.
"Waxaa jira mashruucyo badan oo socda oo la xiriira kaabayaal-dhaqaale, tamar, iyo tignoolajiyad, shaqada ayaa si weyn u korortay. Sidaas darteed, ururku si firfircoon ayuu u dhiirrigeliyaa ka qaybgalka dumarka, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan kaliya la soo dhoweynayn, balse ay sidoo kale muhiim u yihiin buuxinta meelaha muhiimka ah ee ka bannaan shaqaalaha," ayuu yiri ninkan 34 jirka ah.
"Ururku wuxuu aaminsan yahay in awood-siinta haweenka ee injineeriyada ay ka caawiso buuxinta baahida sii kordheysa, sidoo kalena ay keento aragtiyo kala duwan iyo xalal hal-abuur leh oo warshadaha ka faa'iideysan karaan."
Xafiiska duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shan sano ee la soo dhaafay ay ka dhismeen in ka badan 6,000 oo dhismo, taasoo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid muuqaalka magaalada.
"Amniga Muqdisho wuu soo hagaagay, taasoo keentay in ay bataan dhismayaasha dhaadheer iyo kuwa ganacsiga," ayuu yiri Saalax Xasan Cumar, afhayeenka duqa magaalada.
Si kastaba ha ahaatee, ma sahlana dariiqa ay u mareen Faxti iyo Sacdiya maadaama ay haweenku yihiin kaliya 5% injineerada – marar badanna ay helidda fursado ay aad u yartahay.
"Markii aan dalbanayay internshib, shirkado badan ayaa i diiday," ayay xasuusataa Injineerad Sacdiya . "Waxay u arkayeen in haweeneydu aysan awoodin culayska jireed ee la xiriira injineeriyada. Saddex bilood ayaan raadinayay ka hor intii aan fursad heli."
Maanta, labadooda ayaa ka mid ah injineerada haweenka ee ugu caansan Muqdisho, waxayna kormeerayaan in ka badan 30 mashruuc oo malaayiin dollar ah.
"Muqdisho maanta waa mid leh dhismayaal dhaadheer iyo kaabayaal casri ah, taasoo aad uga duwan Muqdisho tii hore," ayay si farxad leh u tiri injineerad Fatxi.

Xigashada Sawirka, AFP / Getting Images
Faxti iyo Sacdiya, oo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Plasma ee Muqdisho, gaar ahaan kulliyadda injineeriyadda madaniga ah, ayaa sheegay in dhammaan mashaariicda ay ka shaqeeyaan ay oggolaadeen hay'adaha dowladda hoose.
Koboca degdegga ah ee dhismaha magaalada waxaa loo aaneynayaa maalgelinta qurbojoogta iyo amniga oo soo hagaagaya — inkasta oo maleeshiyaadka Islaamiyiinta ah ee gacanta ku haya qaybo badan oo koonfurta Soomaaliya ay weli weeraraan magaalada.
Sida uu sheegay Bangiga Adduunka, xawaaladaha ay dirayaan qurbojoogta ayaa sanadkii 2022 ka dhigay 16.7% wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP) — arrintaas oo fursado u abuurtay naqshadeeyayaasha iyo injineerada.
Hase yeeshee, kobaca degdegga ah ee magaalooyinka wuxuu Muqdisho u horseeday caqabado dhanka kaabeyaasha ah — magaalada kuma laha nidaam wasakhda oo hagaagsan, waxaana biyaha laga qodayaa ceelal si aan xadidneyn taasoo halis gelin karta keydka biyaha dhulka hoostiisa.
Christophe Hodder, oo ah la-taliye ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku takhasusay cimilada, amniga iyo deegaanka, ayaa ka digay in barta dhismayaasha aan la xakameynin ay sababi karto dhibaatooyin deegaanka ah oo waqti dheer saameeya.
"Waa in aan helnaa qorshe isku-duuban oo biyaha lagu maamulo, haddii kale waxaa nagu soo wajahan masiibo mustaqbalk dhaw.. Dhisme kasta waxaa loo sameeyay ceelkiisa… meel yar waxaa laga yaabaa in laga qodo 10 ilaa 20 ceel," ayuu u sheegay BBC-da.

Xigashada Sawirka, Mohamud Abdisamad / BBC
Dowladda, iyadoo kaashaneysa hay'ado caalami ah, ayaa wadda qorshe lagu dhisayo nidaamka cusub ee bullaacadaha, hase yeeshee hirgelintiisu waxay u baahan kartaa in la dumiyo dhismayaal hadda jira — arrin muran dhalin karta maadaama dad iyo ganacsiyo laga saari karo guryahooda.
Mr Hodder wuxuu intaas ku daray in Muqdisho ay tahay magaalo si aad ah dadku ugu badan yihiin — dad badan oo ka cararay abaarta iyo colaadaha ayaa ku qulqulaya magaalada.
Kordhinta tirada dadka magaalada, gaar ahaan xaafadaha danyarta ah, waxay kordhin kartaa saboolnimada iyo sinnaan la'aanta bulsho, ayuu yiri.
Inkasta oo caqabadahaas ay jiraan, haddana mustaqbalka Muqdisho wuxuu u muuqdaa mid rajo leh. Magaalada waxay dadaal ugu jirtaa in la hirgeliyo xeerarka horumarinta magaalooyinka, la hagaajiyo kaabeyaasha, lana hubiyo koboc waara.
Mudane Heyle wuxuu qirayaa inay noqon karto wax murugo leh marka dhismayaasha ay naqshadeeyaan injineerada iyo dhismayaasha la burburiyo, balse wuxuu xusayaa in Soomaalidu noqdeen dad adkaysi badan – gaar ahaan kuwa baranaya injineeriyada.
"Qaraxyo badan ayaa dhacay; riyooyinkeenii kama istaagin halkaas. Maanta waxaan dib u soo noolaynaynaa xirfadda injineeriyada oo burburtay 30 sano ka hor. Taas micnaheedu waa in rajadu jirto."
Himiladuna waa in shan sano gudahood Muqdisho noqoto kaliya magaalo casri ah, balse sidoo kale tusaale u noqota dib-u-dhiska magaalo ka soo kabaneysa dagaal.

Xigashada Sawirka, Mohamud Abdisamad / BBC
"Waxaan aaminsanahay in Muqdisho ay tahay magaalo ka duwan tii 1990-meeyadii; magaalada waxay u guurtay qaab cusub, horumarka Muqdisho wuxuu la jaan qaadayaa dunida cusub," ayay tiri Injineerad Sacdiya.
"Markaan ku dhex socdo waddooyinka oo aan arko dhismayaal aan ka qayb qaatay dhisiddooda, waan ku faanaa. Ma dhiseyno kaliya dhismayaal; waxaan dhisaynaa rajada."
Faxti way ku raacsan tahay, iyadoo ku dartay: "Waxaan caddeynaynaa in dumarku aysan kaliya naqshadeyn karin dhismayaasha, balse sidoo kale hoggaan u noqon karaan mashruucyada oo ay qaabeyn karaan magaalada."
Wararka kale ee laga yaabo inaad daneyneyso:
- Jilaaga filimka "Aano Qabiil" ee lagu dilay isla dhibaatadii uu dadka ka waaninayay
- Sidee lagu waayay saddex haween Soomaali ah oo maydadkooda la helay gudaha Kenya?
- Iimaan: Sirta ka dambeysa quruxda gabadha Soomaaliyeed ee xayeysiiska dharka caanka ku ah
- Waa tuma haweeneyda saadaalisa musiibooyinka ee haatan Soomaaliya ka hadashay?










