Askariyad reer Nigeria oo loo xiray guur laga dalbaday oo ay aqbashay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Afhayeenka ciidamada Nigeria ayaa sheegay askariyad ka tirsan ciidamada dalkaasi ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib marki ay aqbashay dalab guur oo loo soo jeediyey xilli ay shaqo maalmeedkeeda ku jirtay.
Wuxuuna intaa ku daray iney askariyaddu ku xadgudubtay xeerka ciidamada u yaalla ee dhigaya askariyadda iyada tuutaha ciidanka xiran iney jaceyl jili karin.
Muuqaal toddobaadkan qabsaday baraha bulshada oo lagu arkayey nin jilba joogsaday oo askariyadda hor fadhiya guurna ka dalbanaya, dadki dhacdadaasi goob joogga u ahaana farxad ay u muujinayaan.
Kooxaha u dooda xuquuqda haweenka waxay ciidamadu ku eedeeyeen iney askariyaddaasi takoor kula kaceen.
"Ragga askarta ah oo iyagoo tuutaha ciidamada xiran ama shaqada ku jira meel fagaara ah dalab noocaasi loogu soo jeediyo tallaabbo noocaasi ah lagama qaado" ayey yirahdeen koox Arrimaha haweenka u dhaqdhaqaaqada sharciyaddana ka caawiso.
Omoyole Sowore oo ah xubin u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha horayna u soo noqday musharrax madaxweyne oo cambaareeyey falka ay ciidamadu kula kaceen askariyadda wuxuu ku tilmaamay 'dhaqan xumo'.
Askariyaddan la xiray ayaa dalabka guurka waxaa u soo jeediyey arday tababr ku qaadanayey nidaamka tababaridda dhalinyarada ee dowladda, ee loo yaqaannno NYSC.
Qorshaha adeegga qaran ee qasabka ah waxaa qayb ka ah ardayda ka qalin jabisa jaamacadaha iyo machadyada tacliinta sare waxay casharrada ka qaataan ciidamada.
Dalabka guurka askariyadda loo xirayna wuxuu ka dhacay barnaamij tababar oo ka socday gobolka Kwara ee dalka Nigeria.
Xilliga saxda ah ee ay arrintu dhacday lama oga balse muuqaalka ayaa todobaadki hore baraha bulshada qabsaday.
Dad badan oo isticmaala baraha bulshada waxay hambalyo hawada u marinayaan lamaanaha iyaga oo bogaadinayey dalabka wiilka uu askariyadda guurka kaga dalbaday. Halka qaarna ay askariyadda ku jeesjeesayeen.
Afhayeenka ciidamada General Clement Nwachukwu wuxuu BBC u sheegay askariyadda iney ku xadgudubtay anshaxa askarta gaar ahanna isticmaalka baraha bulshada.
"Hab-dhaqankeedu wuxuu ahaa mid wax u dhimaya nidaamka wanaagsan iyo anshaxa ciidanka," ayuu yiri.
"Macallinka ama askariga tababaraha ah waajibka saaran wuxuu yahay inuu ardaydiisa uu tababar siiyo balse ma aha inuu la sameysto jaceyl ama xiriir kale noocuu doonaba ha ahaadee," ayuu yiri Gen Nwachukwu oo hadalkiisa sii wata.
Barnaamijka dhalinyarada qaranka lagu tababaro ee NYSC arrintan weli kama hadlin.










