Muxuu calanka Soomaaliya u kulansaday jaceyl iyo naceyb xad-dhaaf ah?

Haweeney xiran calanka Soomaaliya

Sannadkasta, 12-ka October, waxaa la xusaa maalinta calanka Soomaaliya oo ah xilligii la sameeyay astaanta cirka u eg ee dhexda xidigta ku leh.

Baraha Bulshada ayaa si wayn looga hadal hayaa xarigga nin dhallinyaro ah oo lagu xiray magaalada Hargeysa ka dib markii uu xirtay dhar laga sameeyay calanka Soomaaliya ee buluugga ah.

Ciidammada booliska ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa siidaayay ninkaasi oo la xiray isagoo ku xaragoonayay bartamaha magaalada Hargeysa kuna lebisnaa dhar laga tolay calanka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali "Aar", ayaa shalay la sheegay in xurriyaddiisa uu dib u helay.

Dastuurka Somaliland kuma qorna in ay dembi tahay ciddii xirata dhar laga sameeyay calanka buluugga ah ee xiddigta dhexda ay uga taallo. Sidoo kale, madaxda Somaliland ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dembiga lagu oogi karo ninkaasi la xiray.

Qoraalka Codka, Dharka lagu xardhay midabka calanka Soomaaliya oo Jigajiga qaali ka noqday

Iyadoo dhanka Somaliland ay jiraan dad loo xiray gabayo ay midnimada ku taageereen iyo dharka calanka buluugga ah oo ay xirteen, haddana dhanka Muqdisho waxaa jiro dad badan oo u ololeeya Somaliland ama ku lebista calanka Somaliland oo aan la xirin, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Balse waxaa jiro dad taageersan tallaabada booliska kana soo horjeeda waxa uu sameeyay ninka dhallinta yar.

Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 3

Ka bood X boggan, 4
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 4

Laakiin dhallinyarada qaar ayaa uga falceliyay hab kaftan leh sida ninkan:

Ka bood X boggan, 5
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 5

Jigjiga ayaa laga "jeclaaday"

Tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaa magaalada jigjiga ku soo badanayay waxyaabo badan oo dowladdii hore ay dadka deegaanka ka mamnuucday.

JIGJIGA

Waxyaabaha mamnuuca ahaa ayaa waxaa ka mid ah astaanta calanka Soomaaliya oo haatan aad looga xiiseeyo gudaha magaalooyinka sida Jigjiga oo kale.

Dharka lagu xardhay calanka Soomaaliya gaar ahaan duruucda ay xirtaan dumarka ayaa haatan gudaha magaaladaasi Jigjiga aad uga qiimo badan dharka kale.

"Diraca baatiga ama shiidka ah waxaan ku gadnaa 120 bir oo lacagta Itoobiya ah, balse marka lagu xardho calanka Soomaaliya waxaan ku gadnaa 300 oo bir." Ayay tiri Salma Yuusuf Ismaaciil.

Salma oo BBC-da kula hadashay magaalada Jigjiga ayaa sheegtay inay xukuumaddii hore aysan ogolaan jirin in Jigjiga lagu xirto calanka Soomaaliya, "isla markaasna ay ku taami jireen in ay arrintaasi mar uun u suuragasho."

Diracyada iyo go'yaasha calanka Soomaaliya lagu xardhay ayaa gabaabsi ku ah Jigjiga.

Ra'iisulwasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa horay u sheegay in ay dadku aragtidooda oo xor ah dhiiban karaan iyaga oo u maraya wadooyiin nabad ah.

calanka somalia

Magaalada Nairobi iyo magaalooyinka gobolka Waqoyi Bari ee Kenya sida Gaarisa ayaa caadi looga xirtaa calanka Soomaaliya dareen la'aan, sababtuna waa in aysan dawladdu mamnuucin, dadkuna ay xor u yihiin wixii ay cawrada ku asturanayaan.

Calanka Soomaaliya oo kali ah Jigjiga ma tagin ee waxaa iska xaadiriyay dad aan la gabanin in ay aaminsan yihiin midnimada Soomaalida sida Naciima Abwaan qorane.