"Qasa ma noqon karto Dubai oo kale" Qorshaha Trump ee dib u dhiska Qasa oo la naqdiyay

Qasa

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Qoraalka sawirka, Qasa

Warbixinno ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dunida waxaa ka mid ah maqaalol dhaleeceynaya qorshaha Madaxweyne Mareykan ee Donald Trump uu ku doonayo in uu Qasa uu ka dhigo "Goob-dalxiis," maqaal kale oo ka hadlaya hub cajiib ah oo laga isticmaalay dagaalka Ukraine, iyo maqaal kale oo sheegay in mamnuucista taleefannada gacanta ee dugsiyada ay tahay "jid khaldan."

Wargeyska The Guardian, qoraa Simon Jenkins ayaa maqaalka ku bilaabay isagoo qorshaha Trump ee Qasa ku tilmaamay "mid ceeb ah," wuxuuna is weydiiyay haddii xogtan uu Trump ka helay Ra'iisul Wasaarihii hore ee UK Tony Blair, kaas oo qayb ka ahaa wadahadalladii ka dhacay Aqalka Cad ee ku saabsanaa qorshaha.

"Ka qaybgalkii Blair wuu noqon karaa wax lagu soo dhoweeyo haddii uu isticmaalo saamayntiisa si uu u joojiyo falkan ceebta ah, balse warka xun wuxuu noqonayaa haddii uu ka mid yahay kuwa qorshahan wada," ayuu qoray Jenkins.

Qoraaga wuxuu xusay in faahfaahinta qorshaha, oo markii ugu horreysay uu Trump shaaciyey bishii Febraayo ay haatan soo ifbaxayaan sheekooyin kale, isagoo qorshaha ku tilmaamay "masaafurin – oo dhab ahaantii– loo geysanayo laba milyan oo reer Falastiin ah oo ku nool Qasa.

Wuxuu tilmaamay in Qasa dib loo dhisi doono si ay u noqoto "goob maalgelin iyo dalxiis, isla markaana ay noqon doonto Dubai cusub, iyadoo soo saari doonta illaa 400 bilyan oo dollar oo faa'iido ah oo ay helayaan horumariyeyaasha." Qandaraaslayaasha mashruucan waxay ka imaan doonaan qaybaha gaarka loo leeyahay iyo Hay'adda Samafalka Qasa, oo bixisa raashin loogu talagalay dadka macluusha la ildaran ee deegaankaas.

In kasta oo qorshuhu dhigayo in Washington ay maamulka Qasa sii hayso ugu yaraan toban sano, qoraagu wuxuu yiri, "Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa laga yaabaa in Maraykanku arkaan nidaam siyaasadeed oo Falastiini ah oo aan ku dhisnayn fikradaha xagjirka ah, oo diyaar u ah inuu beddelo kan hadda jira."

Wuxuu intaas ku daray: "Maaha wax la fahmi karo in qorshahan laga aqbalo meel ka baxsan Israa'iil."

Wuxuu xusay in "dhinacyada ku lug leh dagaal kasta ay waajib ka saarantahay in ay qorsheeyaan cawaaqibka ka dhalan kara," balse qoraagu wuxuu ku eedeeyay Maraykanka inuu si dadban ugu lug leeyahay burburka 90% kaabeyaasha Qasa iyo dilka 63,000 oo qof, isagoo sheegay in Washington ay tahay "dhaqaale-bixiyaha ugu weyn" ee jawaabta Israa'iil ee weeraradii Xamaas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qoraagu wuxuu is weydiiyay: "Haddii akhlaaqdu aysan ka mid ahayn ajandaha kulanka Aqalka Cad ee Blair, su'aashu waxay tahay, ma garowshiiyo ayaa meesha ka jiray?"

Wuxuu ka hadlay dhowr qorshe oo ku saabsan mustaqbalka Marinka Qasa, oo ay ku jirto mid uu taageerayo qorshe ay Masar iyo wadamo Carbeed wataan, kaasoo lagu dhisayo Qasa qiimo dhan 53 bilyan oo dollar.

Wuxuu yiri: "Qorshe macquul ah ma noqon karo mid ku salaysan sifayn guud oo laga sameeyo dhul dadkii lahaa, si loogu beddelo gumeysi uu waddan shisheeye leeyahay. Qasa ma noqon karto Dubai oo kale."

Wuxuu aaminsanaa in Washington "ay mas'uul ka noqon doonto goob dhismo oo go'doon ah muddo toban sano ah ilaa ay ka daasho oo ay iska dayso sidii ay uga tagtay Saigon, Baqdaad, iyo Kabul." Wuxuu intaas ku daray: "Maraykanku waxaa laga yaabaa inuu yahay dalka ugu guusha badan dunida, balse isku dayadiisa gumeysiga waa ay fashilmayaan."

Qoraagu wuxuu sheegay in "Qasa ay wajahayo hawl dhisme oo aad u baaxad weyn, waana waajib in Maraykanku ka caawiyo," balse wuxuu sheegay in Trump "sameeyay faragelin gumeysi ah oo aanay u badan tahay in waddan Carbeed ama Reer Galbeed ah taageero," isagoo xusay

"Carruurtu waa 'hub layaab leh' dagaalka Ukraine."

Qasa

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qasa

Maqaal ay qortay Lilia Yabarova oo lagu daabacay wargeyska The New York Times ayaa cinwaankiisu ahaa: "Dagaalka Ukraine wuxuu helay hub cusub oo argagax leh."

Qoraaga ayaa ka hadashay waxa ay ugu yeertay "qorista carruurta" kadib markii Ruushku ku duulay Ukraine, si loo fuliyo howlaha qarsoon ee labada dalba.

Waxay sheegtay in hay'adaha sirdoonka ee Ruushka iyo Ukraine ay "heleen kheyraad jaban oo si fudud loo heli karo – wiilal dhalinyaro ah oo la qoran karo si ay u fuliyaan weerarro qarsoodi ah, mar keliya ah, xitaa iyaga oo aan ogayn cidda ay u shaqaynayaan."

Waxay arrintan u aragtay in ay tahay "horumar argagax leh oo ka mid ah dagaalkan naxariis darrada ah: in carruur loo beddelo aalado dagaal," maadaama labada dhinacba ay raadinayaan "habab cusub oo weerar loogu qaado dhulka lagu dagaallamayo"

Yabarova, oo ah weriye iyo baare ka tirsan wargeyska madax-bannaan ee Ruushka ah ee Meduza, waxay sheegtay in dad aan la garanayn ay carruurta kala soo xiriiraan baraha sida Telegram, WhatsApp, ama aalado kale si ay ugu ballan qaadaan abaalmarin lacageed oo degdeg ah, kaddibna u diraan tilmaamo.

Waxay xustay in ay akhriday fariimo dhexmaray carruurta la qortay iyo kuwa hoggaaminayay qorshahaan oo u diray mid ka mid ah carruurta qaaciddo lagu sameeyo walxaha qarxa.

Qoraaga ayaa sidoo kale sheegtay in carruurta qaarkood loo caga jugleeyay ama loo hanjabay.

Iyadoo la soo xiganayo ilaha ammaanka Ukraine, waxay sheegtay in ilaa 175 carruur ah la qabtay tan iyo sanadkii 2024-ka, kuwaasoo lagu eedeeyay basaasnimo, iyo shirqoollo qarxin ah oo ay maleegeen sirdoonka Ruushka – iyadoo ilmaha ugu yar ee la qabtay ay da'diisu ahayd 12 sano jir.

Dhinaca Ruushka, oo aan si rasmi ah u shaacin xogta noocan ah, waxay sheegtay in u doodayaasha xuquuqda aadanaha ay tilmaameen in ku dhowaad 100 kiis oo la mid ah ay jiraan.

Qoraagu ayaa sheegtay in sirdoonka Ruushku ay isku dayeen in ay dilaan carruurta ay qorteen iyagoo qarxinaya walxaha qarxa markii carruurtaasi ay fuliyeen hawlgallada burburinta.

Ugu dambeyntii, maqaalka wuxuu xusay in Putin uu xaqiijiyay in uu dhammaan doono yoolalkiisa milatari ee Ukraine, isla markaana uu soo bandhigay shuruudihiisa nabadda.