Muxuu yahay hubka cusub ee Shiinuhu soo bandhigay ee reer galbeedka welwelka ku abuuray

Xigashada Sawirka, Reuters
Shiinaha ayaa daboolka ka qaaday noocyo kala duwan oo ah hub cusub, dyaaradaha bilaa duuliyaha, iyo qalab kale oo milateri, dhoollatus balaaran oo loo arkay farriin ku socota Maraykanka iyo xulafadiisa.
Bandhigga ayaa waxaa ka soo muuqday Xi Jinping oo marti geliyey in ka badan 20 hogaamiye oo ay ku jiraan Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi.
Waxay ahayd muujinta awoodda sii kordheysa ee Xi ee masraxa adduunka, iyo awoodda millatariga Shiinaha - bandhigga waxaa ka mid ahaa gantaalka "Guam killer", Drone-ka "Loyal wingman" iyo xitaa yeyda robot-ka ah.
Marka laga soo tago buun-buuninta iyo hubka cusub ee dhalaalaya, maxaan ka baranay?
Waa kuwan shanta arrimood ee aan ka qaadan karno
1. Sidee Shiinuhu hubkiisa u hawlgalin karaa
Waxaa ka muuqday bandhigga Arbacadii in Shiinuhu uu awooday inuu si degdeg ah u soo saaro noocyo kala duwan oo hub ah.
Toban sano ka hor, tignoolajiyada milatari ee ay soo bandhigeen waxay u janjeertay inay noqoto "nuqulo asal ah" oo ah qalab aad u horumarsan oo uu Maraykanku hindisay, ayuu yiri Michael Raska, oo ah bare dhiga barnaamijka isbeddelka militariga ee Jaamacadda Nanyang Technological University ee Singapore.
Laakiin dhoola-tuskan ayaa daaha ka qaaday hub cusub oo kala duwan, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada, taasoo ka tarjumaysa sida ay u horumareen dhismaha warshadahooda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qaab dhismeedka sare ee Shiinaha iyo kheyraadka muhiimka ah ayaa awood u siinaya in uu hub cusub ka soo saaro dalal badan oo kale sida uu tilmaamay Alexander Neill oo cilmi baare ka ah hay'adda Pacific forum.
Waxa kale oo ay soo saari kartaa tiro aad u badan, taasoo siinaysa faa'iido marka la joogo goob dagaal, ayadoo ka adkaan karta cadowga.
"Shiinuhu wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro hubka, maraakiibta, dhammaan goobahan... dawaladda kaliya ayaa samayn kara awaamiirtan wayna dhaqan galayaan" ayuu yiri Neill.
Laakiin intee in le'eg ayay milatariga Shiinaha isku dari karaan nidaamyadan hubka?
"Waxay soo bandhigi karaan meelahan horumarsan ee bilicda leh, laakiin urur ahaan miyay u nugul yihiin inay u isticmaalaan sida ay rabaan?" Dr Raska ayaa soo jeediyey.
Waxa uu intaa ku daray in aysan sahlanaan doonin sababtoo ah militariga Shiinaha waa mid aad u badan oo aan la tijaabin, maadaama aysan ku lug laheyn dagaal muhiim ah muddo tobanaan sano ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
2. Shiinaha oo diiradda saaraya sawaariikhda siu u uga hortago Maraykanka
Shiinaha ayaa soo saaray gantaalo badan, oo ay ku jiraan noocyo cusub.
Kuwaas waxaa ka mid ah Dongfeng-61, kaas oo awood u leh inuu qaado madaxyo badan oo sanka ah; Gantaalka ballistic-ga ee Dongfeng-5C ee qaaradaha isaga gudba oo laga yaabo in laga soo rido waqooyiga Shiinaha oo uu ku dhufto Maraykanka; iyo gantaalka riddada dhexe ee "Guam Killer" Dongfeng-26D, kaas oo ku dhici kara saldhigyada muhiimka ah ee ciidamada Maraykanka ee Guam.
Waxa kale oo jiray dhawr gantaal oo hypersonic ka-hortagga maraakiibta sida YJ-17 iyo YJ-19, kuwaas oo si degdeg ah oo aan la saadaalin karin u duuli kara si ay uga baxsadaan nidaamyada gantaallada lidka ku ah.
Waxaa jirta sabab diiradda loo saarayo gantaalada.
Shiinuhu waxa uu horumarinayey gantaalada iyo ciidamada gantaalaha taas oo qayb muhiim ah ka ah istiraatijiyada ka hortagga -iyo in ay ka hortagaan sarraynta ciidamada badda ee Maraykanka sida uu sheegay Mr Neill.
Ciidamada badda ee Maraykanku waa kuwa aan lala tartamin adduunka oo dhan marka la eego kooxda maraakiibta ugu badan ee diyaaradaha xambaara iyo kooxaha maraakiibta weerarada qaada Shiinaha weli wuu ka dambeeyaa tiradaas.
Laakiin, Mr Neill wuxuu tilmaamay in qaar ka mid ah khubarada arrimaha difaaca reer galbeedka ay si isa soo taraysa ugu doodayaan in kooxaha maraakiibta weerarku ay yihiin kuwo nugul, maadaama ay u nugul yihiin weerar kasta oo gantaal ah.
Beijing kaliya maaha inay xoojinayso ka hortagga, laakiin waxay sidoo kale abuuraysaa "awood weerar labaad" ayuu yiri - awoodda waddanku uu ku qaadi karo weerarro aargoosi ah haddii la soo weeraro.
Hubka kale ee caanka ah waxaa ka mid ah hubka LY-1 ee aadka looga hadlo, kaas oo asal ahaan ah layser weyn oo gubi kara ama curyaamin kara qalabka elektaroonigga ah ama xitaa indha tiri kara duuliyeyaasha; waana midf ka mid ah noocyada kala duwan ee diyaaradaha dagaalka ee jiilka shanaad oo ay ku jiraan diyaaradaha J-20 iyo J-35.

Xigashada Sawirka, CCTV
3. Shiinaha oo isticmaalaya garaadka macmalka iyo dayaaradaha bilaa duuliyaha ah
Waxaa jiray diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn oo aad u kala duwan, qaarkoodna ay ku shaqaynayeen garaadka macmalka (AI), balse tan indhaha soo jiidatay ayaa ahaa gujiska AJX-002 ee wayn ee badda hoos mara.
Sidoo kale gaadhiga biyaha hoos mara ee aanay cidina la socon (XLUUV) oo dhererkiisu dhan yahay 20m (65ft), waxa suurto gal ah in uu sameeyo hawlo kormeer iyo sahan ah.
Shiinaha ayaa sidoo kale soo bandhigay diyaarada aan duuliyaha lahayn ee GJ-11, waxaana loogu magac daray "garabka daacada ah", taas oo ka barbar duuli karta diyaarad dagaal, kana caawin karta weeraradeeda.
Marka laga soo tago diyaarado aan duuliyaha lahayn, waxa kale oo jiray "yeey robot ah". Khubarada ayaa sheegay in loo isticmaali karo hawlo kala duwan oo isugu jira sahamin iyo xaaqida miinooyinka, si loo ugaarsado askarta cadowga.
Soo bandhigida diyaaradda Drone-ka ayaa muujineysa jiha cad oo uu Shiinuhu doonayo in uu u qaado istiraatijiyaddiisa milatari, halkaas oo "aanay doonayn oo kaliya in ay kordhiyaan, laakiin ay beddelaan qaab-dhismeedyo dhaqameed".
Waxay si cad casharro uga qaadatay dagaalka Ukraine, halkaas oo qofku "kaliya ku tuuri karo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee cadowga" si uu u xiro difaacooda, ayuu yiri Dr Raska.
Wadamo badan ayaa wali ka walaacsan in AI loo diro nidaamkooda milatari, waxayna waydiinayaan "sida aan u arki karno in AI aaladaha wax dila lagu daro", ayuu raaciyay.
Laakiin Shiinuhu aad buu ugu qanacsan yahay arrintaas, ayuu yiri Dr Raska. "Waxay aaminsan yihiin inay xakameyn karaan AI. Waxay u socdaan si ay u dhexgaliyaan nidaamkooda".

Xigashada Sawirka, Getty Images
4. Shiinaha waxaa dhici karta in uu haysto tiknoloojiyada, laakin Maraykanka ayaa hogaaminaya
Bandhigga dhoolatusku wuxuu si cad u muujinayaa in Shiinuhu uu si degdeg ah ula qabsanayo Maraykanka dhanka tignoolajiyada milatariga, oo uu haysto agab uu ku dhiso hub aad u badan.
Laakiin Maraykanku weli waxa uu sii wadaa hogaaminta hawlgallada, sida ay khubaradu sheegeen.
Milateriga Maraykanku waa uu ka sarreeyaa sababtoo ah waxaa jira dhaqan "hoos u socda" halkaasoo cutubyada goobta jooga ay go'aan ka gaari karaan marka xaaladdu ay soo baxdo oo ay beddelaan xeeladahooda dagaalka, Dr Raska ayaa xusay. Tani waxay ka dhigeysaa inay aad ugu firfircoon yihiin dagaalka.
Dhanka kale, Shiinaha wuxuu isticmaalaa "nidaam kor ka yimaada oo hoos u socda" waxay haystaan hanaan casri ah, laakiin far ma dhaqaajin doonaan ilaa ay helaan amar ka helaan xagga sare", ayuu raaciyay.
"Shiinuhu waxay u maleynayaan in tignoolajiyada ay abuureyso carqaladeyn. Waxay aaminsan yihiin in taasi ay joojin doonto Mareykanka ... laakiin heerka hawlgalka, waxaa jiray xaalado muujinaya inaysan u fiicnaan karin sida ay yiraahdaan ", Dr Raska ayaa yiri, isagoo tilmaamaya in dhawaanahan ay la kulmeen sida dhacdo bishii hore markii markab dagaal oo Shiineys ah uu jiiray mid ka mid ah maraakiibtiisa yaryar markii ay iskaga hor yimaadeen ilaalada xeebaha Filibiin.
5. Dhoollatuska oo loo isticmaalay fuursad hub iibin, maraykankana loogu muujiyey cudud midaysan
Iyadoo hogaamiyaasha in ka badan labaatan wadan lagu casuumay xafladda, dhoolatuska hubka iyo taangiyada ayaa runtii ahaa garoon weyn oo lagu iibinayo hubka Shiinaha ayuu tilmaamay Neill.
Qaar ka mid ah waddamada ka soo qeyb galay sida Myanmar ayaa horey loo ogaa inay iibsanayaan hub aad u badan oo Shiinaha ah. Laakiin fursada ah in laga iibiyo macaamiisha cusub ama kordhinta dalabaadka waa sida ay dawladda Shiinaha u kordhin karto saameynteeda caalamka, Dr Raska ayaa xusay.
Macaamiisha muhiimka ah waxaa ka mid ahaa kuwa safka hore u taaganaa, dhexdana uga jiray oo la saaxib ah Xi - waa Vladimir Putin iyo Kim Jong Un.
Sadexdan ayaa soo bandhigay halgan midaysan markii ay dhoolatuska si wadajir ah uga qayb galeen, masraxana u soo istaageen.
Taasi waxay fariin u ahayd Maraykanka, Mr Neill wuxuu yiri: Haddii Maraykanku uu doonayo inuu si dhab ah ula tartamo waxay la macno tahay "in lagula dagaallamo dhowr masrax oo isku mar sida gacanka Kuuriya, marin biyoodka Taiwan, iyo Ukraine".
"Haddii aad ka fekerayso in aad adigoo cadaadis ka saarto Maraykanka dhammaan saddexdaas dhinac, waxaa laga yaabaa inay lagu guuldareysto mid ka mid ah masraxyadaas."










