Trump oo saacadaha soo socda shaacin doona qorshaha Qasa iyo cidda maamuli doonta

Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in faahfaahinta wadahadallada la xiriira Marinka Qasa lagu dhawaaqi doono 24 saacadood ee soo socda, isagoo aan bixin wax xog dheeraad ah.
Sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters, Washington iyo Israa'iil ayaa horey uga wadahadlay xaaladda Qasa, oo ay ka mid tahay in la dhiso xukuumad kumeelgaar ah oo uu hogaaminayo sarkaal Mareykan ah si uu u maamulo Qasa ilaa xaaladdu ay degto lana gaaro hub ka dhigis buuxda. Kadibna, waxaa la dhisi doonaa Maamul Falastiiniyiintu leeyihiin oo joogto ah.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in maamulkaasi aaney ka mid noqon doonin ururka Xamaas ama Maamulka Falastiin, balse ay ka shaqeyn doonaan farsamayaqaano Falastiiniyiin ah. Ma jiri doono jadwal rasmi ah oo loogu talagalay muddada uu maamulkaasi sii jiri doono, iyadoo lagu saleyn doono xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dhulka.
Warbixinnada qorshahan la soo jeediyay ayaa is barbardhigaya wixii ka dhacay dalka Ciraaq sanadkii 2003 kaddib duullaankii Mareykanka, markaas oo Washington ay dhistay maamul kumeelgaar ahaa si uu u xukumo dalkaasi. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, dalal kale ayaa lagu casuumi doonaa inay ka qaybqaataan maamulkaas, inkastoo aan la cayimin dalalkaas ama hannaanka ay kaga mid noqon doonaan qeybta maamulka.
Ilaa iyo hadda, ma jiro wax faahfaahin rasmi ah oo kasoo baxay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ama Maamulka Falastiiniyiinta oo ku saabsan arrintaan.
Dhanka kale, hadal ka soo yeeray madaxweyne Trump oo la xiriira tirada dadka Israa'iil ee Qasa lagu haysto ayaa dhaliyay caro badan oo qoysaskooda ah. Wuxuu sheegay in 21 ka mid ah 59-ka qof ay nool yihiin, halka qoysaska oo soo xiganaya ilo rasmi ah ay ku adkeysanayaan in tiradu ay tahay 24.
Qoysaskan ayaa ka dalbaday dowladda Israa'iil in si rasmi ah loo caddeeyo, iyagoo ku eedeeyay inay qarisay xogta, waxayna soo cusboonaysiiyeen baaqooda ku aaddan xabbad-joojin ilaa laga soo deynayo dhammaan la haystayaasha.
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii isna shaki galiyay saddex qof oo ka mid ah dadka lagu haysto Marinka Qasa, ka dib markii ay soo baxeen warar is khilaafaya oo iyaga ku saabsan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaan hubnaa in 21 la haystayaal ay nool yihiin, ma jiro wax khilaaf ah oo arrintaas ku saabsan," Netanyahu ayaa ku yiri muuqaal uu soo dbartiisa Telegram.
"Marka waxa hubaal ah in 21 ay nool yihiin, laakiin cidna ka tagi mayno, saddexda soo hartay ama dhammaan kuwa kale," ayuu raaciyay.
Horay, kanaalka 12-aad ee Israa'iil ayaa ugu warramay in isku-duwaha arrimaha maxaabiista iyo dadka maqan, Gal Hirsch, uu sheegay in 59 qof wali la haysto, kuwaas oo ay ka mid yihiin 24 nool iyo 35 la dilay oo la xaqiijiyay aqoonsigooda. Hirsch wuxuu xusay in 54 ka mid ah ay yihiin Israa'iiliyiin halka 5 kale ay wataan dhalashooyin dalal kale.
Marka loo eego tira-koobkii ugu dambeeyay ee ay daabaceen militariga Israa'iil, 251 qof oo ay Xamaas ku qabteen weerarkii aan hore loo arag ee Israa'iil 7-dii Oktoobar, 2023, 58 ayaa weli lagu haystaa marinka Qasa, oo ay ku jiraan 34 qof oo dhintay.
Sida ay muujinayaan tirakoobyadii ugu dambeeyay ee uu faafiyay milatariga Israa'iil, tirada dadka ay Xamaas qafaasheen intii lagu jiray weerarkii aan horey loo arag ee ay ku qaadeen Israa'iil 7-dii Oktoobar, 2023, waxay ahayd 251 qof, kuwaas oo 58 ka mid ah wali lagu haysto Marinka Qasa, iyadoo la dilay 34 qof oo dadkaas ka mid ahaa.
Intaa waxaa dheer, waxaa jira askari Israa'iili ah oo lagu dilay dagaalkii 2014 ee u dhexeeyay Israa'iil iyo Xamaas, kaasoo meydkiisa wali ay hayaan Xamaas.
Dhanka kale, Guddoomiyaha e Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, Volker Türk, ayaa walaac ka muujiyay qorshaha Israa'iil ay ku ballaarinayso weerarka ay ku hayso Qasa, isagoo uga digay in qorshayaashani uu abuuri karo xaalado halis gelin karta jiritaanka shacabka Falastiiniyiinta.
Türk wuxuu sheegay in barakicinta qasabka ah ee dadka loo wareejinayo koonfurta Qasa, oo ay weheliyaan hanjabaadaha lagu doonayo in dibadda looga saaro, ay abuureyso walaac weyn oo la xiriira ujeeddooyin horay loo qorsheeyay oo ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah.
Milatariga Israa'iil ayaa soo saaray kumannaan ciidamo keyd ah oo la helo marka loo baahdo, iyagoo isu diyaarinaya howlgallo ballaaran oo dhulka ah, kuwaas oo, sida laga soo xigtay ilo Israa'iiliyiin, lagu doonayo "in si buuxda loogu qabsado" Qasa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhinaciisa, Wasiirka Maaliyadda Israa'iil, Bezalel Smotrich, ayaa ku dhawaaqay in Marinka Qasa la "baabi'in doono gabi ahaanba," isla markaana dadka deggan lagu khasbi doono inay u guuraan dal saddexaad, kaddib marka loo raro koonfurta Qasa.
Isaga oo ka jawaabaya hadalkaas, Volker Türk waxaa uu sheegay in ballaarinta weerarka aysan keeni doonin yoolalka la sheegayo, balse ay horseedi doonto dhimasho dheeraad ah, burbur baahsan, iyo barakicin dadweyne oo ballaaran.
Sidoo kale, wuxuu walaac xooggan ka muujiyay in dadka shacabka ah laga gooyay adeegyadii aasaasiga u ahaa nolosha, isagoo carrabka ku adkeeyay in isticmaalka gaajada ama xannibaadda raashinka oo loo adeegsado xeelad dagaal ay tahay dembi dagaal oo ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah.
Dhinacooda, lix dal oo Yurub ah—oo ay ku jiraan Spain, Ireland, iyo Norway—ayaa si cad u diiday isbeddel kasta oo lagu sameeyo qaab-dhismeedka dadka ama juqraafiga Marinka Qasa, iyagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay jebinayaan sharciga caalamiga ah isla markaana ay yihiin tallaabooyinka militari kuwo wiiqaya fursadaha xal siyaasadeed.
Spain ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay u gudbin doonto Golaha Guud ee Qaramada Midoobay qaraar qabyo ah oo lagu joojinayo waxa ay ku tilmaantay "xasuuq" ka socda Marinka Qasa, isla markaana lagu xaqiijinayo in gargaar bini'aadanimo si nabad ah ugu galo dhulkaasi. Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa cambaareeyay siyaasadeynta gargaarka, isagoo ku baaqay in gargaarka ay dadka gaarsiiyaan hay'ado madax-bannaan.
Dadka ku nool Qasa ayaa la daalaa dhacaya xaalado musiibo ah, kaddib go'doon socday in ka badan laba bilood, kaasoo ka hor istaagay helista cunto, biyo, iyo daawo. Mas'uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa ka digaya in sii socoshada xaaladdan ay keeni karto burbur bini'aadanimo oo buuxa.
Iyadoo Israa'iil ay sheegtay in go'doominta ay u adeegsaneyso cadaadis ay ku saarayso Xamaas si ay u sii deyso dadka la haysto, haddana ururrada xuquuqda aadanaha iyo dhinacyada caalamiga ah ayaa waxa dhacaya u arka ciqaab wadareed iyo dambi ka dhan ah aadanaha.













