Waa kuwee afarta la haystey ee Israa'iiliyiinta ah ee Xamaas sii daysay isweydaarsigii ugu dambeeyay?

Xigashada Sawirka, Reuters
Xamaas ayaa Sabtidii sii daysay afar dumar ahaa oo Israa'iiliyiin ah, taasoo ah sii dayntii labaad ee la haystayaal lagu sii daayo heshiiska xabbad-joojinta Gaza.
Karina Ariev, Daniella Gilboa, Naama Levy, iyo Liri Albag ayaa loo dhiibay Laanqayrta Cas ee magaalada Gaza.
Iyaga badalkooda, 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu haystay Israa'iil lasii daayay Afartan dumarka ah ayaa ka shaqeynayay saldhigga ciidanka ee Nahal Oz, oo ku yaal xadka Gaza, markii ay Xamaas weerartay Israa'iil 7-dii Oktoobar, 2023.
Sii dayntooda waxay qeyb ka tahay is-weydaarsigii labaad tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay Axaddii la soo dhaafay. Is-weydaarsigii ugu horreeyay waxaa lagu sii daayay saddex la hayste iyo 90 maxbuus Falastiiniin ah.
Guud ahaan, 33 la hayste ayaa la filayaa in la sii daayo lix toddobaad gudahood, taasoo qeyb ka ah wejiga koowaad ee xabbad-joojinta oo dhaqan gashay 19-kii bishaan Janaayo, 2025.
Qiyaastii 1,200 oo qof ayaa lagu dilay weerarkii 7-dii Oktoobar, halka 251 la qafaashay loona qaaday Gaza.
Tan iyo markaas, Israa'iil waxay fulisay weerarro ay ku dileen in ka badan 47,200 oo Falastiiniyiin ah, badankoodna ay ahaayeen dad rayid ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas maamusho.
Karina Ariev

Xigashada Sawirka, Reuters
Karina Ariev, oo 20 jir ah, ayaa ka shaqaynaysay saldhigga ciidanka ee Nahal Oz markii la afduubtay 7-dii Oktoobar, sanadkii 2023.
Walaasheed Alexandra ayaa u sheegtay BBC-da inay maqashay rasaas iyadoo Karina ay soo wacaysay intii uu weerarku socday, kadibna ay daawatay muuqaal muujinaya Karina oo lagu kaxaynayo gaari.
"Way i soo wacday si ay ii macasalaamayso, waxaan maqlaynay rasaasta," ayay tidhi.
"Way baqaysay, way ooyaysay, waxaana ku jirtay cabsi badan. Farriinteedii ugu dambeysay waxay ahayd, 'way joogaan' iyada oo ku jirtay gabbaadka qaraxyada. Waa xidhiidhkii ugu dambeeyay ee aan la yeelanay."
Alexandra ayaa kadib aragtay muuqaal lagu faafiyay Telegram oo muujinaya afduubka walaasheed. "Way garanay, waxay dhiig ku lahayd wajigeeda, way qaylinaysay."
"Marna ma rabo in qof kale dareemo dareenkan," ayay u sheegtay BBC-da.
Naama Levy

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Naama Levy, oo 20 jir ah, ayaa lagu duubay muuqaal muujinaya iyadoo si xoog ah lagu saarayao gaadhi jeep ah, gacmaheedana gadaal looga xiray. Muuqaalkan ayaa waxaa sii daayay Xamaas, waxaana si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.
Hooyadeed ayaa sheegtay in gabadhu ay dhawaan bilowday howlgalkeedda ciidanimo, balse horey uga qayb qaadatay hindise nabadeed oo u dhaxeeya Israa'iil iyo Falastiiniyiinta. Qoyskeedu waxay ugu yeedhaan "gabadha nabadda jecel."
Muuqaalka afduubkeeda oo laga soo duubay saldhigga ciidanka ee Nahal Oz, waxaa laga maqlay iyadoo Ingiriis ku leh afduubayaasheeda: "Waxaan leeyahay saaxiibo Falastiin ku nool."
Bishii May 2024, walaalkeed Amit ayaa sheegay in qoyskooda ay si ula kac ah u sii daayeen muuqaalka si ay "u dhiirrigeliyaan dhinacyada oo dhan inay miiska wadahadalka ku soo laabtaan" si loo xalliyo "dhibaato bini'aadantinimo oo aan la qaadan karin."
"Waxaan dareemaynaa in ay xaaladda u maareynayso sida geesiyad dhab ah - oo ay tahay, sida halyeey nafteeda u dagaallamaya."
Daniela Gilboa

Xigashada Sawirka, Reuters
Daniela Gilboa, oo 20 jir ah, ayaa lug ka dhaawacantay markii la afduubtay iyada iyo askar kale oo dumar ah kuna sugnaa saldhigga Nahal Oz.
Waxaa lagu arkay muuqaallo dhowr ah, mid ka mid ah oo sanadkii hore la duubay ayay ku weydiisay dowladda Israa'iil sababta loo "dayacay" oo "looga maarmay" xilli dagaalku ragaadiyay aageeda.
Hooyadeed, Orly, ayaa u sheegtay Jerusalem Post in muuqaalka uu muujinayo in gabadheedu tahay "gabar adag oo go'aan leh," dhaawacyadeedii 7-dii Oktoobarna aysan u cuslayn sidii markii hore la moodayay. Si kastaba ha ahaatee, waxay walaac ka muujisay "xaaladdeeda maskaxeed ee liidata."
Dhanka kale, aabbaha wiilka ay shukaansanaysay ayaa u sheegay Maariv in wiilkiisu sugayo soo laabashadeeda, isla markaana uu qorsheynayo inuu guur u bandhigo.
"Wiilkaygu wuxuu waalidkeed weydiistay oggolaansho guur, wayna oggolaadeen, inkastoo ay da'doodu tahay 19-20 sano. Markii uu oggolaanshaha helay, wuxuu cirka u dhawaaqay—'Waxaan ku waydiisan doonaa guur!'" ayuu yiri aabbuhu.
"Wuxuu baryayaa in ay si dhakhso ah u soo laabato, si ay dib ula midoobaan qoyskeeda iyo isaga."
Liri Albag

Xigashada Sawirka, Reuters
Liri Albag waxay jirtay 18 sano waxayna bilaabaysay tababarkeeda milatari iyadoo ah Waardiyaha ciidanka markii Xamaas soo weerartay saldhigga Nahal Oz 7-dii Oktoobar 2023.
Ina adeerteed, Aya Albag, oo ka tirsan ciidanka, ayaa sheegtay inay u sheegtay Liri inay "ku faanayso" guusheedii tababarka waardiyenimo ka hor inta aysan saldhigga aadin.
"Way niyadsanayd, aad bayna ugu faraxsaneed in lagu qoray Nahal Oz," ayay u sheegtay Jerusalem Post. "Waxay shaqadeedii bilowday Khamiis, hal maalin iyo bar kadib, subaxnimadii Sabtida, waa la afduubtay."
Qoyskeeda ayaa sheegay in ay awooday inay farriimo usoo dirto iyadoo farriinta usoo marinaysa la haystayaal hore loo sii daayay.
Bishii Janaayo 2024, Xamaas ayaa sii daayay muuqaal ay ka duubeen Liri, oo haatan 19 jir ah.
Waxaa laga maqlay iyadoo leh: "Waxaan ahay kaliya 19 jir. Noloshaydu oo dhan way i hor taallaa, laakiin hadda noloshaydu waa la hakiyay."
"Dunidu waxay bilaabaysaa inay na ilowdo. Qofna dan nagama lahan. Waxaan ku noolnahay riyo xun."
Xabadjoojinta ka hor Israa'iil ayaa sheegtay 94 la hayste in aan la tirin, waxayna keliya aaminsanyahiin in ay noolyahiin 60.













