Israa’iil oo Xamaas ku eedeysay inay jebisay shuruudda xabbad-joojinta

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

Tebin toos ah

Fatuma Maalim

  1. Trump "Masar iyo Jordan, kaalaya Falastiiniyiinta ka rara Qasa"

    Qasa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka doonayo Masar iyo Jordan inay Falastiiniyiinta ka raraan Qasa, oo uu ku sheegay inay tahay "goob burbur".

    Mar uu telefoonka kula hadlay, ayuu Mr Trump sheegay in Boqorka Jordan Boqor Cabdalla uu ku yiri: "Waxaan jeclaan lahaa inaad qaadataan in badan, sababtoo ah waxaan haatan eegayaa Qasa gebi ahaanteed waana meel qasan, dhabtii waa meel qasan." Wuxuu sheegay inuu qorsheynayo in codsi kaa la mid ah uu u diro madaxweynaha Masar.

    Tallaabadan "ayaa noqon karta mid ku meel gaar ah" ama "noqon karta mid muddo dheer socota", ayuu yiri.

    Xamaas ayaa wacad ku martay inay kasoo horjeesan doonto ficil noocaas ah, hadalladaasna ay caro gelin karaan Falastiiniyiinta ku nool Qasa, oo geyigaas u arka dhulka awowyaashood.

  2. Waqtiga ay Israa'iil uga bixi lahayd Lubnaan oo dhammaaday iyo ciidankeeda oo weli jooga

    Lubnaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidamada Israa'iil ayaa sii joogay koofurta Lubnaan iyadoo maanta ay tahay xilliga kama dambeysta ee ay uga baxayeen halkaas kadib markii ay sheegeen in heshiiska xabbad-joojinta ee Xisbullah lala galay uusan si buuxda u dhaqan-gelin.

    Heshiiskan 60-ka maalmood, oo dhexdhexaadiye ay ka ahaayeen Mareykanka iyo Faransiiska ayaa soo ajfaray 14 bilood oo dagaal ah, waxaana qodobbada ku jiray ka mid ah in ciidamada Israa'iil ay isaga baxaan koofurta Lubnaan iyo in dagaal-yahannada Xisbullah iyo hubkoodaba halkaas laga saaro.

    Kumannaan kumannaan ciidamada Lubnaan ayaa la doonayaa in aaggaas la geeyo, halkaasoo tobnaan sano ay Xisbullah maamuleysay.

    Ma cadda tirada ciidamada Israa'iil ee ku haray Lubnaan iyo muddada ay sii joogayaan.

  3. Nabad-ilaaliyeyaal ajaanib ah oo lagu dilay Congo

    Congo

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ilaa 13 askari oo dalka Congo u joogay nabad-ilaalin ayaa lagu dilay isku dhac dhex maray mucaaradka M23.

    Ciidamada Koofur Afrika ayaa sheegay in sagaal ka mid ah ciidankooda la dilay xilli ay gacan ka geysanayeen iska caabbinta mucaaradka ku sugan magaalada Goma ee bariga Congo, halka saddex u dhashay Malawi iyo Uruguay sidoo kale la dilay.

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu la hadlay dowladaha Congo iyo Rwanda xilli ay jiraan baaqyo caalami ah oo ku saabsan in colaadda lasoo afjaro.

  4. Waa kuwee afarta la haystey ee Israa'iiliyiinta ah ee Xamaas sii daysay isweydaarsigii ugu dambeeyay?

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xamaas ayaa Sabtidii sii daysay afar dumar ahaa oo Israa'iiliyiin ah, taasoo ah sii dayntii labaad ee la haystayaal lagu sii daayo heshiiska xabbad-joojinta Gaza.

    Karina Ariev, Daniella Gilboa, Naama Levy, iyo Liri Albag ayaa loo dhiibay Laanqayrta Cas ee magaalada Gaza.

    Iyaga badalkooda, 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu haystay Israa'iil lasii daayay Afartan dumarka ah ayaa ka shaqeynayay saldhigga ciidanka ee Nahal Oz, oo ku yaal xadka Gaza, markii ay Xamaas weerartay Israa'iil 7-dii Oktoobar, 2023.

  5. Israa’iil oo Xamaas ku eedeysay inay jebisay shuruudda xabbad-joojinta

    Qasa

    Xigashada Sawirka, Bring Them Home Now

    Qoraalka sawirka, Arbel Yehud

    Israa'iil ayaa ka hor istaagtay kumannaan Falastiiniyiin ah inay ku laabtaan guryahooda. Hakinta lagu sameeyay Falastiiniyiinta ayaa timid kadib markii Xamaas ay sii daayeen afar haween ah oo ka tirsan ciidamada Israa'iil, halka Israa'iilna ay sii deysay 200 oo maxaabiis falastiiniyiin ah.

    Balse Israa'iil ayaa sheegtay in dadka reer Qasa aan loo oggolaan doonin inay u safraan waqooyiga ilaa inta laga dejinayo qorshaha lagu sii deynayo Arbel Yehud oo rayid Israa'iili ah.

    Xamaas ayaa ku adkaysatay inay nooshahay oo la sii dayn doono toddobaadka soo socda.

  6. Maxaan ka naqaannaa saddexda haween ee Israa'iil u dhashay ee ay hore Xamaas u sii daayeen?

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Family handout

    Haweeney da'yar oo ku qeexday "inay ku jirto xilliga ay ugu farxadda badneyd iyadoo qoob ka ciyaar sameyneysa" ayaa ka mid ah saddex haween Israa'iili ah oo 19-kii bishan lasii daayay kadib 471 maalmood oo ay Xamaas heysteen.

    Romi Gonen, oo 24 jir ah, ayaa la qabtay iyadoo isku dayeysay inay ka baxsato bandhiggii muusikada Nova mar ay beegsadeen kooxda taasoo qeyb ka ahayd weerarkii 7 October 2023.

    Waxaa lala sii daayay Doron Steinbrecher, oo 31 jir ah, oo kalkaaliso xoolaha ah, iyo Emily Damari, oo 28 jir ah, heysatana dhalashooyinka Britain iyo Israa'iil.

    Dhammaanba saddexdooda ayaa 19kii bishan dib ugu laabtay Israa'iil kadib markii ay sii daayeen Xamaas oo ku heysatay Qasa, waxayna si dareen leh ula midoobeen qoysaskooda.

  7. War deg deg ah, Dhammaanba 200-da boqol ee maxaabiista Falastiiniyiinta ah waa la sii daayay

    Waxaan haatan heleynaa war kasoo baxay waaxda Adeegga Xabsiga ee Israa'iil oo sheegaya in dhammaanba 200-da boqol ee maxaabiista Falastiiniyiinta maanta la sii deyn lahaa ay haatan xor yihiin.

    "Kadib gabagabada howlaha muhiimka ah ee xabsiyada iyo ansixinta maamullada siyaasadda, dhammaanba argagixisada waxaa laga sii daayay xabsiyada Ofer iyo Ktziot," ayaa lagu yiri warka, oo ay soo xigteen wakaaladaha wararka ee AFP iyo Reuters.

  8. Qoysaska la heystayaashii Israa'iil ee ay Xamaas sii deysay oo dareenkooda muujiyay

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, IDF

    Qoraalka sawirka, Daniela Gilboa iyo qosykeeda

    Waxaynu war ka helnay qoyska Daniela Gilboa - oo ka mid ahayd haweenkii ay maanta sii daayeen Xamaas.

    Waxay yiraahdeen: "Gabadheenna Daniela Noushi waxay ku badbaadday 477 oo cadaab ah oo gudaha Qasa ah haatanna waxay kusoo laabatay qoyskeeda".

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, IDF

    Qoraalka sawirka, Naama Levy iyo qoyskeeda

    Naama Levy ayaa iyadana ay maanta sii daayeen Xamaas kadib markii la afduubtay 7 October, ciidamada IDF ayaana shaaciyay sawirradeeda markii ay la midowday qoyskeeda.

    Qoraal ay soo dhigeen barta X, qoyska Naama ayaa yiri: "Waan ku faraxsannahay inaan aragno Naama oo cagaheeda ku taagan oo inoo soo laabaneysa."

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, IDF

    Qoraalka sawirka, Karina Ariev iyo qoyskeeda

    Karina Ariev ayaa iyaduna ka mid ahayd haweenkii ay saakay sii daayeen Xamaas, qoyskeeda ayaana sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin.

    "Kadib 477 oo maalmo badan oo xanuun ah, walaac iyo murug aan dhammaan - waxaan ugu dambeyn awoodnay inaan laabta gelinno gabadheenna aan jecelnahay ee Karina, aynu maqalno codkeeda oo aan aragno dhoolla-caddeynteeda taasna ayaana mar kale ina siineysa iftiin," ayay ku yiraahdeen qoraal ay soo dhigeen barta X.

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, IDF

    Qoraalka sawirka, Liri Elbag iyo qoyskeeda

    Qoraal ay soo dhigeen barta X, qoyska Liri Elbag ayaa yiri: "Dareen nafis iyo farxad ayaa ina saaqay kadib 477 maalmood oo dheer iyo maalmo aan loo adkeysan karin oo sugitaan ah."

    Qoyska ayaa sheegay inay awood u yeesheen inay arkaan Liri ayna laabta geliyaan, waxay intaa raaciyeen "inay ku faanayaan sida ay ugu adkeysatay xaaladaha aan suurtogalka ahayn".

  9. Xamaas oo awooddooda muujiyay intii ay socotay is dhaafsiga la heystayaasha

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xamaas ayaa u muuqday inay “kaaska la heystayaasha” u ciyaareen si fiican.

    Xamaas iyagu, la heystayaasha Israa'iil waxay u yihiin hantida ugu muhiimsan waxayna u muuqdaan inay u adeegsadanayaan sida ugu fiican.

    Goobtii is dhaafsiga maanta waxay u muuqatay mid anshax leh, si fiican loo agaasimay, kana buuq yareyd kuwii hore, tanna waxaa sabab u ah Xamaas oo toddobaadkii lasoo dhaafay isu diyaarineysay bandhiggan militari.

    Xamaas, ayaa tan ku direysa farriin cad: “Halkan ayaynu joognaa, waxaana nahay kuwa go'aansada waxa dhacaya maalinta ka dambeysa dagaalka”

  10. Xamaas oo sheegtay in maxaabiis badan oo Falastiiniyiin ah ay 'iftiinka maalinta arki doonaan maanta'

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Reuters

    War ay soo saareen, ayay Xamaas ku sheegeen in "koox cusub oo maxaabiis geesiyaal ah" - oo qaar badan ay xabsi daa'in, ku xukunnaayeen amaba xabsiyo dhaadheer - ay "arki doonaan iftiinka maalinta maanta".

    Tan oo qeyb ka ah heshiiska xabbad-joojinta, 33 la heysteyaal Israa'iiliyiin ah ayaa la sii deyn doonaa iyadoo lagu beddelanayo maxaabiis Falastiiniyiin ah lixda toddobaad ee wejiga ugu horreeya.

    Saddex Israa'iil u dhashay iyo 90 Falastiiniyiin ah ayaa la is dhaafsaday Axaddii lasoo dhaafay. Maanta, kadib sii deynta afar haween askar ah oo u dhashay Israa'iil, iyo qiyaastii 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo jeelasha Israa'iil ku jira ayaa lagu wadaa in la sii daayo.

    Sida uu dhigayo, 50 maxbuus ayaa loo sii deynayaa saddex walba oo saraakiil Israa'iiliyiin ah, iyadoo 30 maxbuus loo sii deynayo la heyste walba oo rayid ah oo Israa'iil u dhashay.

  11. La heystayaasha oo la midoobay qoysaskooda-IDF

    Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa sheegay in afartii la heyste ee Israa'iil ku laabtay ay la midoobeen waaliddiintooda.

    Waxay intaa raaciyeen in shaqaalahooda ay la socdaan haween, oo marka hore la marsiin doono baaritaan caafimaad oo horudhac ah.

  12. Haweenkii la heystayaasha ahaa oo gaaray Israa'iil

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, IDF

    Afartii la heystayaal ee maamulka Falastiin uu sii daayay goor sii horreysay ayaa dib ugu laabtay Israa'iil. sida ay sheegeen ciidamada Israa'iil ee IDF.

    "Afarta haween oo saraakiil ah, Daniela Gilboa, Liri Elbag, Naama Levy iyo Karina Ariev, ayaa haatan usoo gudbay xadka Israa'iil iyagoo ay la socdaan ciidamada IDF iyo Shin Bet," ayay IDF ku qoreen barta X.

    "Kuwa soo laabtay, oo ay wehliyaan ciidamada IDF iyo Shin Bet, ayaa dhowaan ka gudbay xadka iyagoo soo galay Dalka Israa'iil haatanna waxay usii socdaan meeshii ugu horreysay ee ay joogeen ee Marinka Qasa, halkaas oo ay kula kulmi doonaan waaliddiintooda."

  13. Haweenkii Israa'iil ee ay Xamaas heysatay oo lagu wareejiyay Red Cross

    Haweenkii la heystayaasha Israa'iil ayaa goor dhoweyd lagu wareejiyay hay'adda Laanqeyrta Cas ee Red Cross.

    Haweenka ayaa la geeyay masraxa lagula wareegayay kadib markii ay kasoo degeen gaari Falastiini ah, way dhoolla-caddeynayeen waxayna u gacan haatinayeen dadkii isu soo baxay.

    Kadibna waxay sii galeen gawaarida Red Cross.

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, La heystayaasha oo dhex maraya barxadda iyadoo ay la socdaan dagaal-yahannada Xamaas
    Qasa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, La heystayaasha oo masraxa taagan, iyagoo ku lebisan yunifoom
    Qasa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Haweenka oo kasii degaya masraxa
  14. Waa kuma hoggaamiyaha cusub ee ay Xamaas magacowday?

    Qasa

    Xamaas ayaa shaacisay magaca hoggaamiyahooda cusub ee Qasa markii ugu horreysay tan iyo markii la dilay Yahya Sinwar bishii October ee lasoo dhaafay.

    Khalil al-Xayya, ayay xamaas sheegeen in uu noqon doono hoggaamiyahooda cusub ee Qasa.

    Al-Xayya, oo fadhigiisu yahay dalka Qadar, ayaa hadda hoggaaminaya wafdiga Xamaas ee wada-hadallada xabbad-joojinta ah ee u dhexeeya kooxda iyo Israa'iil, wuxuuna aqoon, xiriir iyo faham qoto dheer u leeyahay xaaladda Qasa.

    Ku xigeenkii hore ee madaxa xafiiska siyaasada ee kooxda ayaa door muhiim ah ka ciyaaray wadahadalladii xabbad-joojinta ee lala galay Israa'iil.

  15. Dagaal-yahannada Xamaas oo isugu soo baxay soo dhoweynta maxaabiista

    Qasa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Iyadoo la sugayo is dhaafsiga la heystayaasha iyo maxaabiista, waxaa soo baxaya sawirro badan oo dagaal-yahannada Xamaas ah kuwaasoo isugu tegay Barxadda Falastiin, Magaalada Qasa.

    Waxay lulayaan calamada kooxda iyo kuwa Falastiin. Dagaal-yahannada ayaa xiran dareeska militariga waxayna sitaan qoryo.

    Gawaari xamuul oo cad ayaa barxadda safnaa. Dad kale oo iyaguna rayid u muuqda ayaa lagu arkayay bannaanka barxadda oo lagu gooyay xarig cad.

  16. Maxaan ka ognahay heshiiska xabbad-joojinta Qasa?

    Qasa

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kadib 15 bilood oo dagaal uu ka socday Qasa, Israa'iil iyo Xamaas ayaa gaaray heshiis lagu soo afjarayo dagaalka gobolka 15-kii January.

    Afar maalmood kadib, saddexdii ugu horreysay ee la heystayaal ah iyo 90 maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa lasii daaya.

    Heshiiska ayaa u kala qeybsan saddex weji.

    Marxaladda koowaad

    Marxaladda ugu horreysa waxay socon doontaa 42 maalmood, ama lix toddobaad, taas oo kadib ay dhici doonto "xabad joojin buuxda oo dhammaystiran", ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Joe Biden isagoo xaqiijiyay in heshiis la gaaray Arbacadii.

    Marxaladda labaad

    Marxaladda labaad, la haystayaasha soo haray - askarta iyo kaydka - waa la sii dayn doonaa, taas beddelkeedana sii dayn kale oo maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa dhaceysa.

    Ilaa 1,000 maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa loo malaynayaa inay Israa'iil ogolaatay in la sii daayo, ilaa 190 ka mid ah waxay ku xukuman yihiin xabsi 15 sano iyo ka badan ah.

    Marxaladda saddexaad

    Marxaladda saddexaad iyo tan ugu dambeysa waxay ku lug yeelan doontaa dib u dhiska Gaza - taas oo sanado qaadan karta - iyo soo celinya meydadka la heystayaasha haray.

  17. Xamaas oo shaacisay la heystayaasha kale ee Israa'iil ee ay maanta sii deyn doonto

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Laga soo bilaabo bidix sare: Karina Ariev, Naama Levy, Daniella Gilboa iyo Liri Albag

    Xamaas ayaa shaacisay afar la heyste oo maanta lasii deyn doono tan oo qeyb ka ah heshiiska xabbad-joojinta Qasa.

    Waxay sheegtay inay kala yihiin askarta haweenka ah ee Karina Ariev, Daniella Gilboa, Naama Levy iyo Liri Albag. Waxaa lagu beddelan doonaa 180 maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay heyso Israa'iil.

    Waa is dhaafsigii labaad tan iyo markii xabbad-joojinta ay dhaqan-gashay Axaddii lasoo dhaafay.

    Saddex la heyste iyo 90 maxbuus ayaa lagu sii daayay is dhaafsigii ugu horreeyay.

    Xabbad-joojinta ayaa hakisay dagaalka oo billowday markii Xamaas ay weerartay Israa'iil 7 October 2023. Ilaa 1,200 oo qof ayaa ku dhintay halka 251 ay Xamaas la heysteyaal ahaan ugu kaxeysatay Qasa.

    In ka badan 47,200 Falastiiniyiin ah, oo badankood rayid ahaa, ayaa iyagana ku dhintay duqeymaha Israa'iil, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay Xamaas maamusho.