Dibedbaxyo ka bilowday Turkiga ka dib xariga siyaasi si weyn uga soo horjeeda Erdogan

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Kooban

Tebin toos ah

  1. Xuutiyiinta Yemen oo gantaal ku riday Israa'iil

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Kooxda Xuuthiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen, ayaa sheegtay inay gantaal ku rideen Israa’iil, kaasi oo laga hor tegay.

    Gantaalka ballistic-ga ayaa lagu riday dhanka garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion oo u dhow magaalada Tel Aviv, sida uu sheegay afhayeenka milateriga ee kooxda.

    Seeriga digniinta ayaa dhowr mar laga maqlay aagagga Israa'iil, sida ay sheegeen ciidamada difaaca Israa'iil.

    Weli wax dhaawac ah lama soo werin, waxayna milatariga Israa’iil sheegeen in in gantaalka la qabtay ka hor inta uusan gudaha u galin Israel.

    Dhanka kale, ururka difaaca madaniga ah ee magaalada Qasa ayaa sheegay, in duqeymo dhanka cirka ah oo Israel ay habeenimadii xalay geysatay ay ku dishay ugu yaraan 55 falastiiniyiin ah oo caruur ay kamid yihiin.

    Xamaas, oo maamusha marinka, ayaa cambaareysay howlgal dhulka ah oo ay soo qaadeen ciidamada Israel, kuna tilmaamay "mid cusub oo khatar ah" oo burburinaysa xabad joojintii labada bilood jirtay, waxayna ugu baaqeen dhexdhexaadiyayaasha heshiiskaas inay soo faragashtaan.

    Iyadoo Israa’iil ay maalinkii saddexaad geysaneyso weerarro, wasiirka gaashaandhigga Israa’iil, Israa’iil Katz, ayaa uga digay shacabka reer Gaza ee Falastiin in ay la kulmi doonaan waxa uu ugu yeeray “burbur ballaaran” haddii aysan , sida uu hadalka u dhigaye ay soo celin waayaan la haystayaasha oo ay meeshana ka saari wayaan kooxda Xamaas.

  2. Faahfaahin ka soo baxaysa rag hubeysan oo dad ka afduubtay Itoobiya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Rag hubeysan ayaa tobanaan qof oo rakaab ah oo saarnaa gaari bas ah ka af duubtay dalka Itoobiya, gaar ahaan gobolka ugu weyn dalkaas ee Oromiya, xilli ay ka soo safrayeen magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

    Faah-faahinta ayaa hadda soo baxaysa ka dib afduubkii dhacay horaantii todobaadkan.

    Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Ali Doro, oo ku dhow deegaan sidan oo kale looga af-duubtay ku dhawaad ​​100 arday ah, kuwaas oo wax ka dhiganayay jaamacadda xilli ay ku sii jeedeen hoygooda bishii July ee la soo dhaafay.

    Dadka badbaaday iyo mas’uuliyiinta deeganka ayaa afduubyadan ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Oromia (OLA), oo ah koox fallaago ah oo ka dagaalanta aagaas.

    Ha yeshee kooxda ayaa iska fogeysay inay ku lug leedahay falalkaas afduubka.

  3. Israa'iil oo xalay duqeyn mar kale ka geysatay Qasa, ku dhowaad 60 qof ayaa la dilay

    Ururka difaaca madaniga ah ee magaalada Qasa ayaa sheegay, in duqeymo dhanka cirka ah oo Israel ay habeenimadii xalay geysatay ay ku dishay ugu yaraan 55 falastiiniyiin ah oo caruur ay kamid yihiin.

    Xamaas, oo maamusha marinka, ayaa cambaareysay howlgal dhulka ah oo ay soo qaadeen ciidamada Israel, kuna tilmaamay "mid cusub oo khatar ah" oo burburinaysa xabad joojintii labada bilood jirtay, waxayna ugu baaqeen dhexdhexaadiyayaasha heshiiskaas inay soo faragashtaan.

    Iyadoo Israa’iil ay maalinkii saddexaad geysaneyso weerarro, wasiirka gaashaandhigga Israa’iil, Israa’iil Katz, ayaa uga digay shacabka reer Gaza ee Falastiin in ay la kulmi doonaan waxa uu ugu yeeray “burbur ballaaran” haddii aysan , sida uu hadalka u dhigaye ay soo celin waayaan la haystayaasha oo ay meeshana ka saari wayaan kooxda Xamaas.

    Wadamada Yurub iyo Carabta ayaa ugu baaqay Israa'iil inay joojiso duqeymaha ay waddo oo ay dib ugu fasaxdo gargaarka, Israa'iiliyiinta dhexdooda waxaa jira walaac isa soo taraya oo ku saabsan badqabka tobanaanka lahaystayaasha Israa’iil eek u jira acanta Xamaas, kuwaas oo la rumeysan yahay inay nool yihiin.

  4. Sida Sheekhan caanka ah uu weli jaceyl ugu dhaqo gurigiisa rubac qarni ka badan dhisan

    .

    Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa maalmahan baraha bulshada la isla dhex marayay hadal la sheegay inuu yiri Sheekh Cabdirixmaan Bashiir oo ka mid ah culimada Soomaalida ee deggan dalka Maraykanka, kaasoo ku saabsanaa sida uu jacaylku u kordho "marka ninku xaaskiisa jug siiyo ama uu qoorsagaaro ku qabto".

    Sheekha oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sida loo qaatay hadalkiisa aysan la xiriirin mowduuca isku xirnaa ee muxaadaro uu jeedinayey, isagoo xusay inuusan macnaha loo qaatay iyo isaga sida uu u yiri aysan is khusaynin.

    “Anigu waxaan u jeeday in lammaanaha ay muujiyaan farxad xilliga gurigooda ay joogaan, ama bannaanka isku raacayaan, khaas ahaan inay laacdamaan ama lagdamaan xilliga gurigooda ay jooga si jacaylkooda, sababtoo ah meeshu isbitaal maaha sariiro la jiifo ee waa aqal qoys kalgacal iyo naxariis inay taallo loo baahan yahay,” ayuu yiri Shiikh Cabdiraxmaan.

    Wuxuu tilmaamay inuusan marna teegeeri karin dhaqamada adag ee naxariis darrada ah ee ninku kula dhaqmo xaaskiisa oo ay ka mid tahay garaaca, afxumada iyo furfurnaasho la'aanta, ayna yihiin dhaqamo gaboobay oo meelna ku lahayn diinta iyo dhaqanka suubban labadaba.

  5. Mareykanka oo cambaareeyay weerarkii lala begsaday madaxweynaha Soomaaliya

    .

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, .

    Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerar maalin ka hor meel madaxtoyada u dhow lagula eegtay kolonyo uu la socday madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud.

    “Mareykanka waxaa uu cambaareynayaa weerarkii lala beegsaday madaxweynaha Soomaaliya, taas oo sababtay dhimashada shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan”, ayaa lagu yiri qoraal barta X ay soo dhigtay waaxda arrimaha Africa u qaabilsan Mareykanka.

    “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay qaraxaas. Dadka Mareykanka waxay mar kale xaqiijinayaan taageerada joogtada ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan geesinimadooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabaab iyo Daacish-ta Soomaaliya”, ayaa lagu yiri qoraalka.

  6. Amiirka Imaaradka oo telefoonka kala hadlay Xassan Sheekh si caafimaadkiisa wax uga ogaado.

    .

    Xigashada Sawirka, UAE agency

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Imaaraadka Carbta, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay xaaladiisa caafimaad kadib weerarkii maalin ka hor kolonyada madaxweynaha lagula beegsaday meel madaxtooyada u dhow.

    Intii uu socday wadahadalka taleefanka, ayuu madaxweynaha Imaaraadka tacsi u diray ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas, isagoo caafimaad degdeg u rajeeyay inta ku dhaawacantay.

    Sheekh Zayed ayaa xaqiijiyay in Imaaraadka Carabta ay garab taagan yihiin Soomaaliya, isla markaana ay si adag u diiddan yihiin dhammaan noocyada qalalaasaha iyo argagixisanimada ee looga dan leeyahay in lagu khalkhal geliyo xasiloonida dalka iyo badqabka dadka.

    Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhankiisa ugu mahad celiyay dhiggiisa Imaaraadka, taageerada guud iyo walaacooda ku aadan Soomaaliya iyo shacabkeeda.

    Faahfaahin dheeri ah:

  7. Waa kuma maayarka Istanbul ee la xiray ka hor inta uusan isu soo sharixin doorashada madaxtinimada?

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Sida aan hore u tebinay, xisbiga mucaaradka ah ee dalka Turkiga ayaa xarigga duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamolu, ku tilmaamay afgambi.

    Imamolu ayaa loo arkaa in uu yahay siyaasiga sida weyn uga soo horjeedo madaxweyne Recep Tayip Erdogan.

    Sanadkii la soo dhaafay Imamoglu ayaa markii labaad loo doortay duqa magaalada Istanbul kaddib markii xisbigiisa CHP ku guuleystay Istanbul iyo Ankara.

    Baaris musuqmaasuq ayaa loo xiray maalmo un ka hor markii loo xuli rabay in uu noqdo musharax madaxweyne.

    Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in looga shakisan yahay "hoggaamiye urur dambiilayaal ah".

    Ekrem Imamoglu wuxuu ku qoray baraha bulshada "lama aamusinkaro waxa dadku doonayaan".

    Muuqaal Fiidiyow ah oo la soo dhigay internet-ka ayuu ku ballanqaaday in uu taagan yahay dadka Turkiga iyo "adduunka inta u taagan dimuqraadiyada iyo cadaaladda".

    "Waxaa iga go'an in aan u dagaallamo xuquuqda aasaasiga iyo xoriyadda," ayuu yiri Imamoglu.

    Xarigiisa ayaa ku soo aaday kaddib howlgallo bilihii u dambeeyay lagu soo qabqabanayay mucaaradka dalka oo dhan.

    Waxay aheyd markii ugu horreysay ilaa intii xukuka uu yimid Erdogan in xisbigiisa looga adkaado doorashooyinka dalka.

    Doorashooyinkaas ayaa sidoo kale dharbaaxo ku ahaa madaxweynaha oo ku soo barbaaray Istanbul, kana noqday duq magaalo markii uu xukunka soo korayay.

    Tobaneeyo boolis ah ayaa ka qeybqaatay in xoog lagu galo guriga Imamoglu ee magaalada.

    Xulista musharraxa u tartamaya madaxweynaha ee xisbiga CHP oo Imamoglu u taagan yahay ayaa la filayaa in ay dhacdo Axad soo socota.

    Ma ahan markii ugu horreysay Imamoglu uu wajaho arrimo sharci. Sanadkii 22-kii waxaa lagu xukumay labo sano iyo bar kaddib markii uu madax ku aflagaaddeeyay isagoo qudbad jeedinayay.

  8. Dibedbaxyo ka bilowday Turkiga ka dib xarigii maayarka Istanbul

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, .

    Xisbiga mucaaradka ah ee dalka Turkiga ayaa xarigga duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamolu,ku tilmaamay afgambi. Imamolu ayaa loo arkaa in uu yahay siyaasiga sida weyn uga soo horjeedo madaxweyne Recep Tayip Erdogan.

    Mr Imamoğlu iyo tobanaan qof oo kale oo lala xiriirinayo mucaaradka ayaa wajahaya eedeymo ay ka mid yihiin musuqmaasuq.

    Horay, kumannaan qof oo ku nool Istanbul ayaa dhigay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan xarigga duqa magaalada.

    Dhammaan mudaaharaadyada ayaa la mamnuucay muddo afar maalmood ah, iyo booliska ay basbaas ku buufiyeen dadkii isugu soo baxay magaalada Ankara.

    Ekrem Imamoglu wuxuu ku qoray baraha bulshada "lama aamusinkaro waxa dadku doonayaan".

    Muuqaal Fiidiyow ah oo la soo dhigay internet-ka ayuu ku ballanqaaday in uu taagan yahay dadka Turkiga iyo "adduunka inta u taagan dimuqraadiyada iyo cadaaladda".

    "Waxaa iga go'an in aan u dagaallamo xuquuqda aasaasiga iyo xoriyadda," ayuu yiri Imamoglu.

    Xarigiisa ayaa ku soo aaday kaddib howlgallo bilihii u dambeeyay lagu soo qabqabanayay mucaaradka dalka oo dhan.

    Warar kale oo qodobkan la xiriira: